Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu gets a new admin

Recommended Posts

Magaalada Muqdisho oo maamul nooc cusub ah loo magacaabay

 

yusuf_khudbo_muqdisho.jpg

 

cade_gaabow_banadir.JPG

 

Isniin, January 15, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Maamul ay yeelaneyso Magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynahana uu magacaabistaas sameeyay kadib markii uu la tashaday Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid.

 

 

 

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaan lagu sheegin wax maamul gobol Banaadir ah, taasi bedelkeeda waxaa maamulka cusub loogu yeeray Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka cusubna ay xubnahiisa kala yihiin:

 

 

 

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow), ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhinaca Siyaasadda iyo Nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Xasan Maxamed Nuur Qalaad, ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee Howlaha guud iyo Arrimaha Bulshada C/qaadir Suufi Muriidi Golf.

 

 

 

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa looga codsaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Caydiid in uu si deg deg ah u soo magacaabo xubnaha kala ah Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha guud, Madaxa Xafiiska Qorsheynta Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyayaasha 16ka Degmo iyo ku xigeenadooda, Agaasimaha guud ee Ururrada Bulshada, Agaasimaha Waaxda Dib u heshiisiinta, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Nadaafadda, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada, Agaasimaha Waaxda dib u dhiska, Agaasimaha Waaxda Shatiyada, Agaasimaha Waaxda Suuqyada, Agaasimaha Waaxda Dakhliyada kala duwan, Agaasimaha Xisaabaadka, Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Waaxda Gaadiidka, Agaasimaha Waaxda Tirada Dadka iyo Agaasimaha Waaxda Diinta.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale laga codsaday marka uu magacaabista sameynayo in uu la tashadayo Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho. Magacaabista uu sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay timid kadib markii uu madaxweynaha maalmihii tegay kulamo la lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqanka Gobolka Banaadir.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo soo saaray xalay wareegto uu ku magacaabay Maamulka Magaalada Muqdisho

 

Posted to the Web Jan 15, 07:48

 

 

Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku magacaabayo maamulka Gobolka Banaadir oo loo baddalay maamulka Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Wareegtada lagu magacaabay Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay si toos ah uga soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lambarkeedu uu ahaa: RSTS/OP/23/07, oo soo baxday 14/01/2007, waxaana wareegtadaan lagu sheegay in lagu ogolaaday soo jeedin ka timid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo jeediyay magacaabidda maamulkaan cusub.

 

 

 

Maamulka Magaalada Muqdisho ee cusub ayaa ka kooban guddoomiye ku saddex ku xigeen ayaa waxay kala yihiin sidan soo socota:

 

 

 

1- Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Muqdisho, Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow).

 

2- Ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye).

 

3- Ku xigeenka dhinaca dhaqaalaha iyo maaliyadda Xasan Maxamed Nuur (Qalaad)

 

4- Ku xigeenka dhinaca Howlaha guud iyo arrimaha Bulshada C/qaadir Suufi Muriiddi (Golf).

 

 

 

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa looga codsaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen Caydiid inuu soo magacaabo maamullada kala ah: Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Madaxa Xafiiska Qorsheynta ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyeyaasha 16-k degmo ee Maamulka Magaalada Muqdisho iyo ku xigeennadooda, Agaasimayaasha waaxaha, Dib u heshiisiinta, Caafimaadka, Nabadgalyada, waxbarashada, ururrada bulshada, Nadaafadda, dib u dhiska, shatiyada, suuqyada, dakhliga kala duwan, xisaabaadka, dhulka, gadiidka, tirada dadka iyo dhirta.

 

 

 

Eng. Xuseen Caydiid ayaa sidoo kale loogu sheegay warqadda inuu la tashiyo la sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan maamulladaan ku dhawaaqin.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Maamulka gobolka Banaadir

Isniin, January 15, 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Banaadir, iyadoo Duqa magaalada Muqdisho loo magacaabay Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde).

 

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magabaacay Kuxigeenka arimaha siyaasada iyo nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaawey), Kuxigeenka dhaqaalaha iyo maaliyada Xasan Maxamed Nuur Qalaad iyo guddoomiye kuxigeenka arimaha Bulshada iyo howlaha guud C/qaadir Suufi Muriid.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka kmg ah Soomaaliya md. C/llaaahi Yuusuf Axmed oo magacaabistooda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in meesha laga saaray jiritaankii guddoomiyaha gobolka Banaadir balse la magacaabay Duq magaalo, wuxuuna madaxweynaha uu u rajeeyay xubnaha cusub in xilkooda ay kasoo dhalaalaan wuxuuna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhisaan maamulada degmooyinka, oo uu sheegay in uu gacan ka siinayo dhismaha maamulada degmooyinka wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Caydiid.

 

Sidoo kale Mayarka gobolka Banaadir Cadde Gaabow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in xilkooda ay si daacad ah u gudan doonaan isagoo sheegay in uu ku qanacsan yahay magacaabista cusub, wuxuuna qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Banaadir uu ka codsaday in ay dhigaan bannaanbax lagu taageerayo maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

 

Cali sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliya oo magacaabay Maamulka cusub ee Muqdisho

Last Updated::2007-01-15 12:53:15

 

Muqdisho:- Madaxweynaha DFKMG ee Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa maanta soo bandhigay kuna dhawaaqay maamulka cusub ee Caasimada Muqdisho.

 

 

Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:

 

1. Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) - Guddoomiyaha / Duqa magaalada Muqdisho

 

2. Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweye) - Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Siyaasada iyo Nabadgelyada.

 

3. Xasan Maxamed Nuur Qalaad - Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Dhaqaalaha iyo Maaliyada

 

4. C/qaadir Suufi Muriid - Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada iyo Howlaha-guud

 

Maamulkan ayaa ah kii ugu horeeyey oo Dowlada Federaalka ku dhawaaqdo kadib markii ay la wareegtay maamulida Caasimada Muqdisho.

 

Maamulka ayaa ah midka soo dhisi doona maamulada Degmooyinka weli dhiman, ayagoo la shaqeenaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xussen Maxamed Caydiid.

 

Duqa magaalada Cadde Gaabow ayuu horey xilkaasi ugu magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Somaliya.

 

Maamulkaasi ayaan illaa iyo hada ku guuleysan inuu awood u helo inuu si rasmi ah ulla wareego maamulida caasimada.

 

Maamulka Cadde Gaabow ayey horey ugu horyimaadeen hogaamiye kooxeedkii Muqdisho ayagoo markaasi dhisay Gole ay ugu magacdareen gobalka Banaadir. Inkastoo hogaamiye kooxeedka kasoo horjeedeen Maxamuud Cadde Gaabow ayey hadan golihii ay dhiseen markale u doorteen isla xilkaasi Mr.Gaabow.

 

Hase yeeshee Maamulka Cade Gaabow ayaa caqabad weyn la kulmay markii ay awooda Muqdisho la wareegeen Maxaakiimta Islaamiga.

 

Maxaakiimta ayaa ayagu wax kama jiraan ah ku tilmaamay maamulkii Cade Gaabow, inkastoo uu Guddoomiyaha kamid ahaa siyaasiyiintii taageeray kacdoonkii Muqdisho looga saaray hogaamiye kooxeedka.

 

Maxamed Xassan Cadde Gaabow ayaa markale loo magacaabay xilka maamulka Muqdisho oo ah midka ugu culus ee hada ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca sugida amniga.

 

Gaabow ayaa hada fursad u heysta inuu si rasmi ah u shaqo galo ayadoo ay magaalada gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Federaalka.

 

Waxaase caqabada ugu weyn ee hortaal ay tahay sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada Muqdisho oo ay weli ku sugan yihiin maleeshiyooyin kasoo horjeeda maamul u sameynta iyo waliba guud ahaan Dowlada Federaalka.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo Wareegto ku magacaabay Maamulka Magaalada Muqdisho, iyada oo xubno cusubna ay ka muuqdan

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/01/07

 

Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu sheegay in ka dib markii la tixgaliyey soo jeedinta R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha isla markaana la qiimeeyey baahida deg deg ah ee loo qabo maamulka Magaalada Muqdisho ay lagama maarmaan noqotay in ma magacaabo duqa Magaalada iyo ku xigeenadiisa.

 

Mas’uliyiinta la magacaabay oo isugu jiray kuwa horay uga tirnsaa Maamulkii dhisnaa iyo kuwo ku cusub waxa ayna kala yihiin.

 

1- Maxamuud Xasan Cali Gaaboow(Cade) Duqa Magaalada Muqdisho

2- Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweey) K/Xigeenka Siyaasada iyo nabadgalyada.

3- Xasan Maxamed Nuur Qalaad ku xigeenka Dhinaca Dhaqaalaha iyo Maaliyada.

4- C/qaadir Suufi Golf ku xigeenka dhinaca howlaha guud iyo arimaha bulshada.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa looga codsaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen Caydiid inuu soo magacaabo maamullada kala ah: Qareenka guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Madaxa Xafiiska Qorsheynta ee Maamulka Magaalada Muqdisho, Guddoomiyeyaasha 16-k degmo ee Maamulka Magaalada Muqdisho iyo ku xigeennadooda, Agaasimayaasha waaxaha, Dib u heshiisiinta, Caafimaadka, Nabadgalyada, waxbarashada, ururrada bulshada, Nadaafadda, dib u dhiska, shatiyada, suuqyada, dakhliga kala duwan, xisaabaadka, dhulka, gadiidka, tirada dadka iyo dhirta.

 

Wareegtan ka soo baxday Xarunta Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u aqriyey C/raxmaan nuur maxamed Diinaari, waxaana sidoo kale la dhowrayaa ku dhawaaqida maamulka Gobalka Banaadir iyo Madaxdii hogaamin laheyd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobalka Banaadir oo maanta la magacaabay.

 

Muqdisho, Isniin 15 Jan 07 Simba Radio

 

C/laahi Yuuusuf Axmed ayaa maanta magacaabay Maamullka cusub ee Gobalka Banaadir.

 

C/laahia Yuusuf ayaa sheegay ayaa sheegay inay jiri doonin wax Gudoomiye gobalka ah balse uu jiro doono Major gobalka isagoo ugu baaqay maamulka cusub ee gobolka in ay soo dhisaan maamulada degmooyinka, iyagoo arinkaasi gacan ku siinaya wasiirka arimaha gudaha, isla markaana ay u soo xulaan maamulada Degmooyinka dad u qalma.

 

Diinaari ayaa sheegay Mayor Gobalka in laga dhigay Max'uud Xasan Cali Cadde Gaaboow, K/xigeenka siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye, K/xigeenka dhaqaalaha iyo maaliyadda Xasan Max'ed Nuur Qalaad, K/xigeenka howlaha guud iyo arimaha bulshada C/qaadir Suufi Muriidi Goolof.

 

Qaar kamid ah Mas'uuliyiinta xilalka gobalka loo magacaabay oo Saxaafada la hadleen kadib markii la magacaabay ayaa si weyn usoo dhaweeyeen waxeyna sheegeen in si deg deg ah ay howlahooda u guda gali doonaan.

 

Mayor-ka Gobalka Banaadir oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar kale xilka uu qabto isagoo balan qaaday in howshiisa si waafi ah uu ugu soo baxayo isla markaana waxuu ugu baaqay dadweynaha soomaaliyeed inay taageeraan DF.

 

Cadde Gaaboow ayaa ugu baaqay shacabka Gobalka Banaasid ku dhaqan inay taageeraan Maamulka Cusub isla markaana ay dhigaan dibadbaxyo ay ku taageeraan maamulkaan maanta la magacaabay, isagoo balan qaaday wax qabad dhab ah oo maamulkooda uu ka sameyn doono Gobalka Banaadir.

 

Magacaabista xubnahaan Cusub ee maamulka gobolka Banadir ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan baarlamanka Somalia uu xaalad deg deg ah galiyay dalka Somalia .

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

G

What about the immenent danger of Shabeele aradio and Al-jaziera hooking up to stir the latest wave of dare i say it 'seccesionists' and 'jihadis'..

 

Is it in the mandate of the shiny badge brigade to tackle that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ war nagatah, maxaad taqaan,

get with the program, are you too blind to see the al-qaida seccionist hiding in our flock. There will be peace untill every voice is silenced..

And these are the right men for the job

Share this post


Link to post
Share on other sites

GC the irony of it is that no one cares about why they do whatthey do, the fact is that there is a government now the time for clan biased talk will not be tolerated. Yusuf Garads BBC has been sent a clear message today, be professional or you will seaze to operate inside the republic.

 

What I liked most was that they followed the letter of the law

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this