Sign in to follow this  
General Duke

Xaji Bood gives honest advice to armed clans..

Recommended Posts

MUQDISHO: Xuseen Xaaji Bood: "Kooxda ka soo horjeedda dowladda waxaan ku qancinnay inay wadahadallo la yeeshaan..."

Posted to the Web Apr 13, 10:16

 

 

Muqdisho (PP) - Xuseen Xaaji Bood oo ah Siyaasi ka soo jeeda Beelaha Mudullood ayaa sheegay inay kulammo ay la qaateen kooxda kale ee ka tirsan beesha ****** ee ka soo horjeedda Dowladda ay isku afgarteen in wax walba lagu dhameeyo nabad iyo wadahadal, xabbaduna aysan xal ahayn.

 

Mudane Xuseen Bood wuxuu sheegay in kooxdaan ay kulan kula qaateen Muqdisho, isla markaana ay isku afgarteen inay dhammeeyaan khilaafaadyada kala dhexeeya Dowladda ayna ka doortaan xabbada inay wax ku dhameeyaan nabad iyo wadahadal.

 

"Waxaan la kulannay annagoo ah guddi ****** balse aan qabin fikradda kasoo horjeedka dowladda xubno kale oo ****** ah oo qaba fikir ka soo horjeeda Dowaldda, waxaana isku afgarannay in wax walba lagu dhameeyo nabad, lagana digtoonaado in xabbad wax lagu xalliyo" ayuu yiri Xuseen Xaaji Bood oo warbixin saxaafadda ka siinayay kulan la sheegay inay shalay wada qaateen Xubnaha beelaha ****** ee aan dowladda kasoo horjeedin iyo kasoo horjeeda Dowladda.

 

Mudane Xuseen Xaaji Bood, wuxuu carrabka ku ballaariyay in qodobbo ay ka soo saareen kulankooda ayna ka mid yihiin qodobbadaas in dowladda wadahadallo lala qaagto si wax walba loogu dhameeyo nabad iyo sidoo kale in Ciidammada is horfadhiya laga kala qaado goobihii lagu dagaalamay.

 

Xuseen Bood wuxuu sheegay inaysan iyagu waxba ka garanayn in la kala qaadayo ciidammada iyo in kale, balse ay go'aanada ay soo jeediyeen ka mid tahay, balse fulinteeda laga doonayo ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladda oo isku dhinac ka soo jeeda iyo kooxaha dagaalka uu kala dhexeeyo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this