Sign in to follow this  
General Duke

Mudug/Nugaal: Heavy rains continue

Recommended Posts

Roobaabkii ugu xooga Badnaa oo xaley ilaa hada ka da´ay meelo badan oo Puntland ah,,Raxmad Eebe

 

Garowe/Gaalkacyo(Puntlandi.com) Roobabkii xaley saqdii dhexe ka bilowdey inta u dhexeysa Gaalkacyo ilaa Garowe dhinaca kale Gaalkacyo ilaa Jariiban iyo waliba dhinaca xadka Itoobiya ayaa ilaa hada socda. Meelaha qaar waxaa cabsi laga qabaa in xoolaha daad qaado, Waa roobkii ugu xooga badnaa ee deeganada Puntland ka da´a in mudo la xasuusto ah.

 

Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa hada ka da´aya Roob xoogan oo oo dhibco waaweyn,biyo ayaa xoogan ayaa wadooyinka socda,caruurtuna jidkey ku ciyaareysaa oo ku qubeysaneyaan Roobka,Bacaadweyn sidoo kale, meelaha kale xaley saqdii dhexe ayuu badankooda ka da´ay.

 

Waa raxmad Eeebe ayuuu yiri wiil yar oo wadada ordaya magaalada gaalkacyo,yeeees waa Raxmad eebe.

 

Sanadkaan xiliga fasaxa kuleylaha wadamada Reer Galbeedka oo ayaa waxaa la filayaa in Soomaali badan oo Reer Puntland u badan ay yimaadaan Puntland, nimcadaan eebe awgeed.

 

Puntlandi.com Gaalkacyo

galkacyo@puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Pictures of the heavy rain that hit bari can be seen here

http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22942

 

Plus theirs reports of a cyclone to hit the bari region today carrying 40km gusty winds!!! Lets hope it doesnt cause to much damage!!!

 

Duufaano Kusoo Fool leh degaano ka tirsan Puntland

May 19, 2010

 

 

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Quraan Maxamed Aadan oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in duufaano dabaylo wata ay kusoo fool leeyihiin degaano ka tirsan Puntland gaar ahaan Caluula iyo Xaafuun oo ku kala yaalla gobolada Karkaar iyo Bari.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in duufaanadaasi saamaynta ugu balaaran ay ku yeelan doona gobolka Karkaar isagoo sheegay in digniino ay gaarsiiyeen maamulada degmooyinka la sheegay in duufaanadaasi ay kusoo wajahanyihiin.

 

”Waxaa maamulka gobolka soo gaarsiiyey xog taasi Hay’adda HADMO oo masiibooyinka qaabilsan Puntland,waxaana dabaylahaasi ay jarayaan saacadii 40-KM”,ayuu yiri.

 

Gudoomiyaha ayaa uga digay kaluumaysatada in ay u kaluumaysi doontaan Badda laga bilaabo 20-ka Bishaan aan ku jirno ee May.

 

Sanadii 2004-ti Bishii December ayay ahayd markii degaano ka tirsan gobolka Karkaar gaar ahaan Xaafuun ay ka dhaceen dabaylihii Tsunaamiga loo yaqaanay taas oo halkaas ka geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this