Sign in to follow this  
RedSea

Muqaawamaha in Hiiraan province ready to cut off Ethiopians.

Recommended Posts

RedSea   

Maamulka G/Hiiraan (in other words stooge governors of Hiiraan) oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta Ciidamo ka amar qaata Maxkamadihii Islaamka oo ku sugan Deegaano ka tirsan Gobolka

 

Axad, November 11, 2007 (HOL): Maalmihii aynu soo dhaafanay waxaa si weyn u soo if-baxayay warar sheegaya in deegano ka tirsan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa hoos yimaada magaalada Beledweyne ay ku sugan yihiin Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, gaar ahaan Maxkamaddii Gobalka Hiiraan, kuwaasoo sida la sheegay baaritaano ku sameeyay Gaadiidka soo gala Magaalada Beledweyne.

 

 

 

Maamulka Gobalka Hiiraan oo markii ugu horeysay arintaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ka war hayaan wararka ku saabsan Ciidamada ka tirsan sida uu hadalka u dhigay Maamulka Kooxihii Argagixisada ahaa in ay ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan, isla markaana ay doonayaan in ay qalalaase ka abuuraan deegaano ka tirsan Gobolka.

 

 

 

Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca Siyaasada Maamulka Gobalka Cabdi Xuseen Geeddi ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka ku dhaqan Deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidamada ka tirsan sida uu hadalka u dhigay Cadowga in ay la kulmi doonaa cawaaqib aan wanaagsaneyn, isagoo intaas raaciyay in ay la socdeen dadka ku dhaqan deegaanada qaar in ay gabaad iyo hooy intaba siinayaan Ciidamada la sheegay.

 

 

 

"Marnaba suurta gal ma aha in uu dib u soo laabto nidaamkii ay ka tirsanaayeen, sidaa daraadeed waxa ay doonayaan waa in ay nabad-galyada xumeeyaan oo kaliya” ayuu yiri Geedi oo dhinaca kale sheegay in ay arintaas si weyn Ciidamadooda isha ugu hayaan.

 

 

 

Dhinaca kale Tuulada Ceel-gaal oo qiyaastii 17Km u jirta Magaalada Beledweyne ayaa wararka ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in mudo (3 Saac) oo xiriir ah halkaas ay ku sugnaayeen Ciidamo aad u hubeysan kana tirsanaa Ururkii Al-shabaab ee Maxkamadihii Islaamiga, waxaana mid ka mid ah Dadka Deegaanka uu u sheegay HOL in ay Ciidamadaasi weydiiyeen Su'aal aheyn bal in Ciidamada Itoobiyaanku u soo Arooraan Ceelka Tuulada iyo in kale.

 

 

 

Arimahan oo dhan ayaa ku soo beegmaya xili uu ka maqan yahay magaalada Beledweyne Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka qeyb-qaadanaya gogosha nabadeed ee ka furan Tuulada Muqokori, waxaana dad badani shaki ka muujinayaan sida xaalku isku badali doono marka ay dib u soo laabtaan Ciidamada Guddoomiyaha maadaama halka Ciidamadani laga sheegayo ay tahay daafaha magaalada Beledweyne.

 

 

 

C/raxamaan Diini, Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this