Faarax-Brawn Posted July 13, 2007 ^^The bold snippets supposed to strike a cord with good Brown, eh! Little do you know about Brown.... They have no clue yaa Xiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 13, 2007 Magaalada muqdisho oo maanta aysan wax qaraxyo ah iyo rasaastoona ahi ka dhicin kadib markii ciidamada dawladu isku hawlgalo lixaadle qaadeen. Magaalada muqdisho oo maalmahan ahayd goob rabshadi ka oogan tahay ayaa maanta xasiloon kadib markii ciidamo gaaraya 3000 lagu soo daadiyey suuqa bakaaraha oo isagu halbowle u ahaa rabshadaha ka socda magaalada muqdisho iyadoo ay baaritaano xoogan kawadaan ciidamo dawladu leedahay gudaha suuqa bakaaraha una diiday inay dadwaynuhu wax shaqaa ka qabsadaan gudaha suuqa. Ciidamada dawlada ayaa sidoo kale baaritaano xoogan kawada agagaarka warshadii hore ee baastada,H/wadaag,Staduim Muqdisho,Hiriwaa iyo wadada warshadaha iyagoo xirxiray dad kumanaan gaaraya kuna qaatay gawaarida dagaalka oo ay wateen, sidoo kale waxaa la mamnuucay inay gaadiidku adeegsadaan guud ahaan wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha. Kooxihii dagaalada kawaday magaalada muqdisho ayaa hada u muuqanaya inay siwayn kala daateen iyagoo aysan jirin 24 saac ee la soo dhaafay wax rabshado ah oo ay sameeyeen halka dadka qaar ay hadal hayaan inay dib isu soo abaabulayayaan si ay u qaadaan weeraro lamida kuwii ay qaadeen laba bari kahor. Allmudug.org news Desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted July 13, 2007 Magaalada muqdisho oo maanta aysan wax qaraxyo ah iyo rasaastoona ahi ka dhicin kadib markii ciidamada dawladu isku hawlgalo lixaadle qaadeen Kooxo aan la garaneyn oo weerar ku qaaday caawa fariisinka ciidamada Ethiopia ee Shirkole Click here to find this article in English Mogadishu 13, July 07 ( Sh.M.Network)- Kooxo aan la garaneyn ayaa goordhaweyd baasuukayaal ku weeraray fariisinka ciidamada Ethiopia ee Nawaaxiga Shirkole ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi laga maqlay dhowr qarax. Sida uu shabelle u sheegeen Goobjooge ka gaabsaday magaciisa oo halkaasi dagan, Mar qura ayaa waxaa si weyn loo maqlay qaraxyo dhowr ah oo ay ula muuqatay in ay ahaayeen gantaalaha garbaha laga rido oo lagu soo tuuray ciidamada Ethiopia. Ciidamada Ethiopia ayaa ku jawaabay rasaas culus oo wali aan la ogeyn qasaaraha ay geysatay iyadoo rasaastaasi ay socotey daqiiqado dhowr ah. Goobta weerarkaan uu ka dhacay ayaa ku dhow agagaarka wasaaradii hore ee G/dhigga oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia. Weerarkaan ayaa ku soo beegmay waqti yar ka dib qaraxyo kale oo iyana laga maqlay agagaarka Isgoyska Fagax, qaraxyadaasi oo gaaraya ilaa 2 ayaa waxaa xigsaday israsaaseyn socotay muddo 10 daqiiqo ah sida ay sheegeen dadka deegaankaasi. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe ama haka dheeraan Shabelle.net Click here to find this article in English Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Which of this two media outlets is Lying: ALL MUDUG or SHABELLE?? Walle indha adeeg waa ladhamee!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Shabbele saxib allmudug does not seem too bothered about Mogadishu. While Shabbele are atill angry at last weeks raids. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Muqdisho: Ciidamado fara badan oo lasoo dhoobay Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho. 14. juli 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya oo taageero Milateri ka helaya dawlada Itoobiya ayaa lasoo dhoobay inta badan Isgoysyada Magaalo Madaxda Soomaaliya. Ciidamadan ayaa waxa ay sugayaan amaanka wadooyinka xili ay Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin wafuudyo kala duwan oo ka kala yimid wadamo fara badan ,qaarkood lasheegay in ay yihiin dad Ajnabi ah shirka Muqdishana ka qeybgalaya. Meelaha amaankooda lasugayo ayaa waxaa ka mid ah xarunta lugu qabanayo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo ku taala degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho,ayadoo gabi ahaanba la baarayo gaadiidka galaya degmadaasi gaar ahaana waxaa la baarayaa gaadiidka yar yar iyo kuwa dadweynaha. Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya oo AllPuntland lahadlay ayaa waxa ay sheegeen in hawlahan looga gol leeyahay sidii amaanka ergada loo sugi lahaa ,ayagoo wacad ku maray in ay goobta shirka ka dhigayaan meelo nabdoon oo aysan ka dhicin maalinta shirka oo bari ah wax rabshadaa. Gaadiidka dagaalka oo iskugu jira noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa Magaalada dhamritaankoodu bilowday galinkii danbe ee Shalay ,ayadoo taasna lasheegay in ka dhigan tahay sida ay Xukuumada Soomaaliya amaanka caasumada Soomaaliya usugayso. Ciidamadan kala duwan ayaa lafilayaa in ay amaanka caasumada oo dhan sugaan ilaa inta laga soo qabanayo kooxaha dawlada Soomaaliya ka soo horjeeda Magaaladana xiliga habeenkii ah madaafiicda dira. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa Somali ah oo lagu daadiyay wadooyin ku yaala Muqdisho. Mogadishu 13, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwo Somali ah ayaa maanta lagu daadiyay wadooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, xilli muda ka yar 48 saacadood ay naga xigto qabsoomidda kulanka dib u heshiisiinta qaran. Wadooyinka lagu daadiyay ciidamadani ayaa waxaa ka mid ah wadada wadnaha, 30-ka iyo warshadaha. Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa la sheegay in meelaha qaar ay ka sameeyeen baaritaano inkastoo aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee keentay ciidamadan faraha badan ee lagu daadiyay wadooyinka. Meelaha ciidamadani sida badan ay u joogeen ayaa waxaa ka mid ah isgoyska Ifka Xalane iyo xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasi oo lagu arkayay gawaarida dagaalka iyo kuwa dabaabadaha oo ay wataan ciidamada Ethiopia. Ciidamo kale oo Ethiopian ah ayaa waxa ay lugeynayeen wadada 30-ka, wadada wadnaha gaar ahaan xaafadda Geed-jacel halkaasi oo ay u joogeen raxan raxan. Sidoo kale ciidamo Ethiopian ah ayaa socod ku marayay wadada Fagax, Ramadan iyo halka loo yaqaano Garguurto ilaa Ex Ctrl. Ciidamadan la dhigay wadooyinka oo caawa ku habeensanaya ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maalin qura ay inaga xigto waqtiga loo qabtay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Shabble radio must be getting scared right now. Here is a second report on the same story. Muqdisho oo la ciir-ciireysa ciidamo fara badan Mogadishu 14, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamo fara badan oo isugu jira Ethiopian iyo Somali ayaa maanta la soo dhigay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka ciidamadan maamulka gobolka Banadir ay ku tilmaameen mid lagu sugayo amaanka caasimadda Somalia. Meelaha ciidamadan Ethiopianka iyo kuwa Militariga Somalida lagu arkay ayaa waxaa ka mid ah wadada wadnaha, 30-ka, warshadaha iyo wadooyin kale oo ku yaala caasimadda, iyadoo ciidamadan ay u badan yihiin kuwo cusub oo dhowaan laga soo bixiyay xerooyin ku yaala gobolo ku dhow dhow Muqdisho oo tababaro ay ku qaadanayeen. Ciidamadan ayaa ku hubeysan gawaarida dagaalka, Dababaado iyo qoryaha fudud nuucyadooda kala duwan. Mid ka mid ah dadka degan wadada warshadaha ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadan isugu jira Ethiopian ka iyo Somalida ay ka soo baxeen wasaaradda G/dhigga isla markaana ay buux dhaafiyeen wadadaasi. Waxa uu sheegay in aanu jirin wax baaritaano ah oo ciidamadani ay ka wadaan halkaasi, laakiin uu yaraaday dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo isku socodka dadka marka laga reebo gaadiid yar oo xaafadaha dhex maraya. Sidoo kale isgoysyada KM4, Bakaaraha, H/wadaag, Aadan Cadde iyo isgoysyo kale ayaa lagu arkayay ciidamo Militari ah, inkastoo ay gawaarida dadweynaha si caadi ah howlahooda u wateen hadana ciidamada ayaa ku amrayay dadka in ay is baaraan. Ciidamadan dheeriga ah ee lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay maamulka gobolka Banadir, iyadoo Afhayeenka maamulka Max'ed Muxudiin uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amaanka caasimadda oo lagu wado in maalinta berri ah si rasmi ah uu uga furmo shirka dib u heshiisiimta Beelaha Somaliyeed. Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ciidamadani Militariga ah ay yihiin kuwo hadda lagu soo daadgureeyay Muqdisho si ay u sugaan amaanka magaalada inta uu socdo shirka dib u heshiisiinta. Dadka Magaalada Muqdisho ayaa walwal ka muujiyay ciidamadaan faraha badan ee lagu soo daabulay wadooyinka Muqdisho, iyagoo walwal ka qaba in ciidamadan ay xaalad deg deg ah ku soo rogaan magaalada. Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli wax ka yar 24 saac ay ka harsan tahay waqtigii loo qabtey in uu dhaco shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Ergadii beelaha ku dhaqan Sh/Dhexe oo usoo dhaqaaqay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan Shirka. Jowhar, Sabti, 14 July - 2007 [Radio Simba] Ergada Shirka dib u heshiisiinta uga qeyb galeysa Beelaha dega Gobolka Sh/Dhexe ayaa maanta ka amba baxay magaalada Jowhar, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho, oo maalinimada Berito ah lagu wado in uu ka furmo Shirka, xilli maamulkana uu sheegayo in arimahaasi lagu wargalin. Ergadan oo ka kala socota beelaha dega gobolka Sh/Dhexe, ayaa saaka waxay ka amba baxeen xarunta gobolka ee magaalada Jowhar, sida uu Simba u xaqiijiyay afhayeenka Ergadan. Dhinaca kale, Xog-hayaha guud ee maamulka gobolkan Sh/Dhexe C/llaahi Wehliye Cade, ayaa war uu soo saaray ku sheegay in maamulka uusan wax kala socon arimahan. C/llaahi Wehliye, Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka waxaa uu sheegay in uusan waxba kala socon Odayaal ka socda gobolka oo u ambabaxay magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan Ergada Shirka dib u heshiisiineyd ka qeyb galeysa. Si kastaba, arimahan ayaa waxay muujinayaan iska war la'aan ka jirta gudaha gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan maamulka gobolka iyo Odayaasha dhaqanka Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Ciidamada DFKMS iyo kuwa Ethiopia oo kawada Muqdisho hawlgalkodi ugu balaarnaa Last Updated::2007-07-14 18:20:51 Kumanaal ka tirsan ciidamada DFKMS isuguna jiray kuwa milateriga iyo boliska iyo ciidamada Ethiopia oo --- si culus u hubaysan isla markana wata gaadiidka dagaalka ayna ka mid yihiin dabaabatka iyo baabuurta ayku rakiban yihiin qoryaha culus ayaa waxaa lagu daadiyay degaano kala gedisan oo ka tirsan magaalada Muqdisho . Ciidamadan ayaa waxaa ka mid ah boqolaal ciidamada boliska ah kuwaas oo laga soo daad gureeyay xerada tababarada magaalada Baydhabo kuwaas oo halkas ku soo qaatay tababaro hawlagalka ciidamadan ayaa waxaa uu la xiriira sugida amniga magaalada Muqdisho iyada oo maalinta berri ah lagu wado inuu magaalada ka furmo shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somalida Masuuliyinta DFKMS oo ka hadlayay hawlgalada ciidaman ayaa sheegay in ula jeedadu ay tahay xoojinta amniga shirka balse shacabku ay wadan karaan hawla hodi caadig ahayd . Waxaa dhegta loo taagayaa inta ay lekaandonan hawlgalada ay bilaabi doonan cidamadani iyada oo kooxaha ka soo horjeeda DFKMS ay ku han jabeen in ay weeraro ku qaadi doonan goobaha DFKMS si markas uusan u qabsoomin shirka dib u heshiisinta HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 14, 2007 Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo la dhigay Waddooyinka Muqdisho Sabti, July 14, 2007HOL): Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa lagu soo daadiyay Waddooyinka Magaalada Muqdihso, kuwaasi oo laga keenay Xerooyin Magaalada Muqdisho banaankeeda ah. Saakay ayaa Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha waxaa lagu arkayay Ciidamo ka tirsan Mileteriga Soomaaliya, kuwaasi oo socod ku marayay hareeraha Waddooyinkaas, iyagoo gaadiidka iyo dadkana ku amrayay in aysan istaagin oo ay socdaan. Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho loo keenay sidii ay u sugi lahaayeen Ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalmahan faraha ka sii baxayay, isla markaana ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka awood u yeesheen in ay dib u bilaabaan madaafiicdii Hoobiyayaal ah oo ay ku weerari jireen Xarumaha Dowladda sida Xarunta Villa Somalia oo kale. Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamada Mileteriga horay uga saartay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kooxo hubeysan oo geysta falal dil iyo dhac ah ay soo labisteen dharka Ciidamadaas, isla markaana la kala aqoonsan waayay Ciidamada saxda ah ee Dowladda iyo kooxaha Burcaddaah. Hayeeshee markii Ciidamadaas la saaray kadib ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku sii laba lixaadsaday Falalkii Amni darrada ahaa, iyadoo ay dhaceen dilal loo geystay Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, sidoo kalena waxaa qaraxyo lala beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadan tirada badan ee Magaalada Muqdisho lagu soo daadiyay ayaa waxaa loo maleynayaa in la doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo kooxo ka soo horjeeda qabashadiisa ay sheegeen in ay weerari doonaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 15, 2007 Ciidamada Dowlada kumeel gaarka Ah oo Si Wayn ula wareegay amaanka magaalada muqdisho. Ciidamo iskugu jira boliis milatari iyo cutubyo ka tirsan ciimada itoobiya ee ku sugan gudaha magaalada muqdisho ayaa maanta lagu arkayay goobo badan oo ka tirsan wadada warshadaha . Goobaha ciidamada maanta ay kaga sugnaayeen wadada warshadaha waxaa ka mid ahaa isgoyska ifka xalane . warshada biyaha caafi . agagaarka machadka simad isgoyska warshda taraqa iyo sigaarka isgoyska shiirkole ilaa iyo wasaardii hore ee gaashandhiga . Ciidamadaan ayaa maanka goobhaas si wayn u adkeeyay inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in aysan ciidamada wax baaritaana aysan deegaanadaas ka fulin sidoo kale waxaa caadi u socday isku socodka gaadiidka iyo dadka . Dhanka kale ciidamo farabadan oo iskugu jira soomaali iyo itoobiyaan ah ayaa maanta la soo dhoobay isgoysyada kilo mitir afar . kbb. Bakaaraha .isgoyska hawlwadaag iyo isgoyska aadan cade ee dagmada wardhiigleey . Ciidamada amaanka dawlada kmg ee soomaaliya iyo kuwa itoobiya ayaa dhawanahaanba magaalada muqdisho ka waday hawlgalo ay wax kaga qabanayaan xaaladaha murugsan ee dhawaanahaanba ka taagnaa gobolka baanaadir xili dhanka kalana lagu wado in maalinta bari ah magalada muqdisho uu ka furmo shirka dib u hishiisiinta beelaha soomaaliyeed Maxamed Cali jaaked Madaxa wararka dhahar Muqdisho+Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites