Sign in to follow this  
Abwaan

Qabiir mareykan ah oo ka digay ciidamo shisheeye oo la keeno Somalia

Recommended Posts

Abwaan   

Last Updated Fri, Dec, 08 2006,08:30 am--Mogadishu Somalia

 

Qabiir mareykan ah oo ka digay ciidamo shisheeye oo la keeno Somalia

 

Mogadishu 08, Dec.06 ( Sh.M.Network) – David Shin oo ah professor Mareykanka oo wax ka dhiga jaamacada George Washington oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa hadlay go’aanka golaha amaanka ee Q.M uu ka soo saaray Soomaaliya ee dalbanaya in ciidamo nabad ilaalineed la geeyo dalkaasi, isagoo sheegay in xumaanta uu wato qaraarkaasi ay ka culustahay wanaaga uu wato.

 

David Shin oo ah xeel dheere si weyn ula socda arrimaha geeska Afrika ayaa wareysi uu siiyey idaacada VOA-da waxa uu ku cabiray aragtidiisa ku wajahan waxyaabaha ka dhalan kara qaraarka ay ansixisay Q.M ee ciidamada lagu geenayo Soomaaliya.

 

Waxa uu qiray in go’aankan uu xambaarsan yahay wanaag iyo xumaanba, laakiin xumaantiisa ay ka weyn tahay wanaagiisa.

 

Dhinaca wanaaga mar uu ka hadlayey waxa uu yiri:

 

“Waa qaraar sitaxadar leh loo qoray, waxa uu isku dayayaa inuu kala shaandheeyo ciidamada loo dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo laga doonayo inay sameeyaan laba arrimood…..inay ilaaliyaan dowlada Federaalka KMG ee xarunteedu ay tahay Baydhabo iyo inay tababaraan ciidamada dowlada. Qeybta wanaaga ee go’aankan waa iyadoo uu leeyahay hadaf u muuqda in maxaakimta Islaamiga lagu keeno miiska wada xaajoodka,”

 

David Shin waxaa wax laga weydiiyey bal inuu ka hadlo dhinaca xumaanta uu wato qaraarka golaha amaanka ayaa waxa uu yiri:

 

“Ma cadda cida ciidamadan diri doonta, waxaana xaqiiqo ah in wadamada deriska aan laga rebin ciidamo sida Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti. Int aan ogahay, wadanka keliya ee hadda diyaarka la ah ciidamadiisa waa Uganda. Waxaan sidoo kale cadeyn haddii ciidamadan ay awood u heli doonaan inay ku guuleystaan inay ilaaliyaan dowlada KMG ee Baydhabo joogta oo ay tababar bixiyaan. Mida abuurista ciidamada haddii ay dhacdo waxaan anigu ka qabaa su’aalo taasoo ah in ay jiyad jab keenayso oo ah in dowlada ay wada xaajood dhab gasho iyo mida ugu dambeysa oo ah in go’aankani aanu hadlin ciidamada shisheeye ee hadda jooga Soomaaliya, kuwaasina waxa ay ka socdaan wadamada Ethiopia, Eritrea iyo mujaahidiin ka soo jeeda bariga dhexe iyo koonfur Asia, marka si kalena loo eegana, waxaa la oran karaa go’aankan waxa uu abuuri doonaa xaalado ay ciidamadaasi wadanka ka bixi lahaayeen,”

 

Ugu dambeyntii, Mr. Shin waxa uu isla barbar dhigayaa labada arrimood eek u sifeeyey go’aanka Q.M inuu u keeni karo Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyey in xumaantiisa ay ka culus tahay wanaaga uu geysanayo.

 

“Run ahaantii sida aad sheegtay, marka aan miisaan ku sameeyo qaraarkan, waxay ila tahay in go’aankan uu la imaan doono xumana ka badan wanaagiisa. Waxaa ku jira go’aankan waxyaabo badan oo wanaag ah, laakiin ma hubo sida uu waafaqi karo xaqiiqda dhulka ka jirta, inkastoo aan taageersan nahay firkarada asaasiga ee ah waxa qaraarkan uu isku dayayo inuu sameeyo, taasina waa inuu miiska wada xaajoodka isugu keenayo labada dhinac ee isku haya siyaasada Soomaaliya,”

 

David Shin waxa uu sheegay in mid ka mida dhibaatooyinka hadda taagan ay tahay kala qeybsanaanta ka dhex jirta dowlada KMG iyo hadii ay leedahay ciidamo jira oo la tababaro.

 

Shin waxa uu kale oo uu sheegay in Mareykanka iyo wadamo kaleba ay qabaan waxa uu ugu yeeray walaac sharciya oo ku saabsan in Soomaaliya ay joogaan xubno xag jiriin ah iyo in maxaakimta islaamiga ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida.

 

David Shin Waxa uu sheegay in maxkamadaha ay hadda ka taliyaan badi dalka Somalia, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland, iyagoo heysto buu yiri taageero shacbiyadeed oo aad u balaaran halka dowladda KMG ah ay soo dhaafi la'dahay magaalada Baydhabo oo 240 dhanka koofureed ka xigta magaalada Muqdisho.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this