Cowke Posted September 28, 2009 Maxkamadda Bosaso oo Xukuno kala duwan oo dil ku jiro ku dhawaaqaday September 28, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Horseed Media Bosaso,Somaliya Maxkamadda Darajadda 1aad ee Magaaladda Bosaso ayaa maantay wax ay xukun dil iyo xarig ah ku riday dhalinyaro lagu eedayay in ay fal amni xumo ah ka geystay Degaanadda Puntland. Sheikh Maxamed Cabdi Awaare ayaa wax uu sheegay in 5 Dhalinyaro ah oo lagu eedayay in ay Lacago baad ah ka qaadayeen Meel ceel biyood ah oo ku taal Duleedka Bosaso uu mid ka mid ah dhalinyaradii halkaas joogtay uu si Bareer ah u toogtay mid ka mid ah dadka degaanka. Xeerilaaliyaha Maxkamadda ayaa wax uu soo gudbiyey dacwad ka dhan ah ragaas oo la sheegay in ay abuureen Falal Amni xumo ah. Ninka Dilka toogashadda ah lagu xukumay ayaa Maxkamadda wax ay sheegtay in ay u Cuskatay Ku dhaqanka shareecadda Islaamka ka dib markii uu dil bareer ah geystay. Dhallinyaradii kale oo tiradooda dhammeyd ayaa iyagana waxaa lagu xukumay mid walba oo ka mid ah 4 taas dhalinyaradda ah 1 Sanno oo xarig ah mid walba oo iyagga ka mid ah. Xukunka ay riday Maxkamadda ayaa ahaa mid markii uu sheikh ku dhawaaqay mar kaliya si weyn looga dareemay Gudaha Maxkamadda Bosaso, halkaas oo ay ku suugnaayeen Eheladda ninka dilka lagu xukumay iyo kuwii uu dilka u geystay. Quote Share this post Link to post Share on other sites