General Duke Posted October 21, 2010 Kadib markii ay is casileen Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Federaalka Adan Madoobe iyo Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, waxaa aad loo quud daraynaayey in khilaafkii ragaadiyey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah halkaas ku dhamaadey. Magacaabidii Madaxweynuhu magacaabay Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaan horey u sheegnay in uu ku samaysanaayo madaxweynuhu saaxiibo cusub isla markaana uu waayi doono kuwo badan oo markii hore jaal kula ahaa khilaafkii Madaxweynaha iyo Raysalwasaarihii hore u dhexeeyey. Maalintii shalay (Arbaco) waxaa baarlamaanka hortiisa wejigabax kala kulmey Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raysalwasaarihiisa cusub, kadib markii codka kalsoonida loo weydiiyey xildhibaanadu in ay siiyaan Raysalwasaaraha taas oo ku dhamaatey natiijo la’aan, hadaba waxaa si weyn la isu weydiinayaa maxay tahay sababta ka danbeysa, in Raysalwasaare Farmaajo lagu xiro in codeyntu qarsoodi noqoto, maadaama baarlamaanku markii uu codka kalsoonida siinaayey Cumar Cabdirashiid ay ahayd mid gacantaag ah oo aan la marin sida uu qabo xeer hosaadka Baarlamaanku. Marka loo fiirsado ama la dhegaysto waxa ka dhacay maalintii shalay guriga Umadda maahayan wax wanaagsan isla markaana waxaa muuqda in Khilaafka u dhexeeya hoggaamiyaasha Dawladda Federaalku uu salka ku hayo awoodda dowladda, taasna aysan markasta heshiis ku ahayn. Dhegayso khudbadii Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu ka jeeediyeen Baarlamaanka – Barnaamijka Dhacdooyinka ee ka baxay Horseed Media Podcast: Play in new window | Download Markii uu khudbeynaayey Raysalwasaare Farmaajo waxa hadalka ka dhexgalaayey xildhibaano ku buuqaya oo fawdo meesha ka dhexabuuraya, waxaana uu si xariifnimo iyo reer magaalnimo ah ah uu isku dayaayey in uu buuqaas yareeyo isaga oo ku dhawaqayey SOOOMAALIYA, SOOOMAALIYA isla markaana xildhibaanadu ayka daba lahaayeen HA NOOLAATO, laakiin taasi may noqon mid joojisa buuqa ay wadeen qaarkamid ah xildhibaanadu, isla markaana ay dhegaystaan si qumaati ah barnaamijkiisa shaqo, inkasta oo markii uu ka hadlaayey mushaharka Xildhibaanada ay si wanaagsan u dhegaysteen isla markaana u sacaba tumeen. Shariif Xassan Shiikh Aadam afhayeenka Baarlamaanka Federaalka oo ah nin aad u jecel in uu markasta awood u leeyahay waxa socda ama uu yahay mashiinka kala wadaaya ayaa markaan u muuqda mid doonaaya in sida uu rabo loo yeelo ama uu raysalwasaaraha afka ciidda u daraayo sidii Prof.Cali Maxamed Geedi sanadkii 2o004 magaalada Nairobo. Wasiiradii xukuumaddii Cumar Cbadirashiid oo qaarkood dhaqaale xooggan ku samaystey musuq-maasuqa ku dhexjira Dawladda ayaa doonaayey in aan raysalwasaaraha la horgeyn Baarlamaanka ilaa uu xukuumadda dhiso markaasna la ogaado qofka wasiirka ah iyo kii waayey, sidoo kale Shariif Xassan ayaa si gaar ah u wata wasiirada qaarkood isla markaana doonaaya in isagu soo xulo kuwa ka imaanaya Beeshiisa, isaga oo qaarkood oo Madaxweynaha ay jaal yihiin doonaaya in uu banaanka dhigo. Si kastaba ha ahaatee lama dhihi karo khilaafku waa dhamaadey, khilaafku waa mid waqtiga la socda isla markaana waxaa la isku haystaa waa wasiiro aan lahayn wasaarado ay ku shaqeeyaan, ama wasiiro loo magacaabayo meel aysanba ka talin karin sida Cirka iyo Duulimaadka. Kulankii Baarlamaanka ee la doonaayey in kalsoonida lagu siiyo Raysalwasaaraha ayaa natiijo la’aan ku dhamaadey kadib markii inta dooneysa in ay helaan wasiiro ama ay ogaadaan cidda noqoneysaa ay ka soo horjeesteen in loogu codeeyo Raysalwasaaraha si gacantaag ah oo muuqata. Sida lagu yaqaan Xildhibaanada Baarlamaanku markii ay doonayaan in ay arin diidaan waxa ay ku doodaan in codeyntu noqoto mid qarsoodi ah, marka ay doonayaan in ay wax meel mariyaana labada gacmood ayey kor u taagaan. Xildhibaanada ku sugan Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan 350 Xildhibaan, Rayalwasaaruhu waxa uu u baahan yahay in uu ka helo codad gaaraya 276 cod si uu u shaqeyn karo, haddii uu taas waayo waxa ay noqoneysaa in Madaxweynuhu dib isaga (farmaajo) ama qof kale u soo magacaabo taas oo ah mid aan waqtigu u saamaxayn dawladda xargaha caara caarada ka laadlaadda. Waxaa maanta (Khamiis) dib u bilowdey wada hadalo hoose oo u dhexeeya Shirguddoonka iyo madaxweyne Shiikh Shariif, sidoo kale waxaa socda wadahadal lagu qancinaayo xildhibaanada doonaya in si qarsoodi ah codeyntu u dhacdo waxaana wakiil u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mar ahaan jirey wasiirka qorsheynta. Ugu danbeyntii, war murtiyeedkii ka soo baxay wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Dr.Mahiga ee uu ku taageeray Raysalwasaaraha cusub ayaa lagu sheegay in, aan loo dulqaadan doonin khilaaf kale isla markaana waqtigu uu yahay mid aan u saamaxayn ee horey loo dhaqaaqo, laakiin waxaa muuqata in khilaafkii weli taagan yahay iyada oo ay is casileen Adan Madoobe iyo Cumar Cabdirashiid, waxaana sii libdhaaya kalsoonida beesha caalamku ku qabeen Dawladda federaalka Soomaaliya. I. Haji Said Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites