Alle-ubaahne Posted January 15, 2006 Gabaygaan wuxuu ka turjumayaa madax kusheegyada shacabkii Soomaaliyeed wadna-qabadka ku noqday, oo aan tayada laheyn, balse been abuur ku jooga jagooyinka iyo kuraasta ay hayaan. Waxaa tiriyay sidaan jeclahay gabyaaga caanka ah ee Dhoodaan, hadaanan ku qaldaneyn. Wuxuuna yiri: Hadba waa tilmaam muxubaloo yaraba muudsoone Maskax waaya aragbaa koleey maaxatoo furane Makrigiiyo xusuustaa qalbigu mowjad soo furane Soomaaliba masiibada heshee kaga madluumsiisay Wax kamida maqaar saara iyo Minister Beenaadeee! Hadaba, dowlad kusheega kenya lagu soo dhisay ma weysan aheyn Minister beenaadyo? Quote Share this post Link to post Share on other sites