Sign in to follow this  
Emperor

Kismayo: Dagaal Buulagaduud kasocda

Recommended Posts

Emperor   

Dagaalo Kharaar oo saaka ka soconaya Kismaayo.

 

 

(WYNET)Kismaayo:- Dagaalo qaraar ayaa ka bilowday goordhaweyd tuulada Buulo Gaduud ee duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan oo bilowday daqiiqado ka hor ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo wali aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo ah mid aad u culus.

 

Tuulada Buulo Gaduud oo dagaalka uu ka qarxay saaka ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamii horey looga soo saaray magaalada Kismaayo 23 kii Aprill oo uu hogaaminayey Col. C/risaaq Afgaduud oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Qaranka.

 

Dagaalkaan ayaa salka ku haya sida la sheegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo ay ku loolamayaan labadani maleeshiyo oo ka wada tirsan guutooyinka koowaad iyo 3aad ee ciidamada dowladda.

 

Xalay ayay aheyd markii iska horimaad muddo socday uu ku dhex maray labadangarab ku xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo,taas oo keentay in saaka dagaalku gaaro Tuulada Buulo Guduud iyo nawaaxigeeda.

 

Xiisadda dagaal ee ka jirta Tuulada Buulo Gaduud ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada Kismaayo oo ay ka soconayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaaan Xoogaga hadda gacanta ku haya magaalada.

 

Tuulada Buulo Gaduud ee dagaalka uu ka qarxay ayaa u jirta magaalada Kismaayo 12KM,waxaana laga baqayaa in dagaalku uu magaalada soo galo daqiiqad walba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose oo iska horimaad uu ka dhacay.

 

June -21-2007-HornAfrik, Mogadishu.

 

Wararka ka imaanaya deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa sheegaya inn halkaasi gordhaw uu ka bilaawdo dagaal u dhaxcereya dhinacyadi isku hayay Kismaayo.

 

Warar hor dhac ah ayaa sheegya in ay jiraa qasaarooyin uu geystay , iyadoo dadka dagaalkaasi ku soo dhaawacmay la geeyay cisbitaalka Kismaayo.

 

Warku waxa uu intaa ku daraya in dagaalka uu u muuqanayo mid goobo hor leh ku sii fidayo .

 

Ma jiran warar madax banaan oo sheegaya qasaaraah daagalka oo weli soconaya.

 

Qeybaha dambe ayaan idinla soo socodsiineynaa waxii soo kordha .

 

wixii ku soo kordha kala soco Hornafrik.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Dagaalo qaraar oo ka socda haatan duleedka magaalada Kismaayo

Click here to find shabelle news in English

 

Mogadishu 22, June.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo qaraar ayaa ka bilowday goordhaweyd tuulada Buulo Gaduud ee duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo, dagaaladaasi oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ka soo kala jeeda beelaha **** iyo Puntland.

 

Dagaalkaan oo bilowday daqiiqado ka hor ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo ah mid aad u qaraar.

 

Tuulada Buulo Gaduud oo dagaalka uu ka qarxay saakay ayaa waxa ay fariisin u aheyd ciidamo horey looga soo saaray magaalada Kismaayo 23 kii Aprill oo uu hogaaminayo Col. C/risaaq Afgaduud oo ay isku heyb yihiin Madaxweynaha dowladda KMG ah.

 

Dagaalkaan ayaa salka ku haya sida la sheegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo ay ku loolamayaan labadani maleeshiyo beeleed oo ka wada tirsan guutooyinka koowaad iyo 3aad ee ciidamada dowladda.

 

Xalay ayay aheyd markii iska horimaad daqiiqado socday uu labadani maleeshiyo ku dhex maray xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, iyadoo kooxihii maleeshiyada ahaa ee halkaasi soo galay laga saaray, waxaana saakay dagaalka uu ku fidey tuulada Buulo Gaduud.

 

Xiisadda dagaal ee ka jirta Tuulada Buulo Gaduud ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Kismaayo oo ay ka soconayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaaan ciidamada guutada 3aad ee ka arimiya magaalada Kismaayo.

 

Tuulada Buulo Gaduud ee dagaalka uu ka qarxay ayaa u jirta magaalada Kismaayo masaafo dhan 12 KM.

 

Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net

 

Click here to find shabelle news in English

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this