Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Nin Daad qaaday Xumbo Cuskay

Recommended Posts

Isbaheysatada Khawaarijta Shabaabka iyo Xisbul_ Ashraar oo si wada jir ah uga ganacsan jiray xubnaha Bini Aadamka Arrin Murugo leh oo aan kula kulanay Garoonka Saldhiggii ugu weynaa Khawaarijta ee Webxo

 

 

Galabtay Markii aan la wareegnay Garoonkii Caalamiga ahaa ee khawaarijtu ka soo degsan jireen Hubka iyo Ajaanibta ay dadka ku xasuuqaan ayaan waxaan mar kalya indhaha yagu qabteen Dad is dulsaaran oo ay Khawaarijto Hal goob ah ku xasuuqeen , kuwaas oo isugu jiray Rag iyo weliba Dumar indhashareeran waa yaabnay ayuu yiri sheekh Xasan Diirshe oo ka mid ahaa Xoggaggii ugu horreeyey ee Garoonkaas gala .

 

 

Sheekha oo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri waxaan isku daynay in aan meydka la qaadno Balse Nasiib wanaag waxaa ka soo dhex baxay Nin Dhallinyaro ah oo uu dhiig korkiisu wada Qariyey Balse nool oo weli Naftii ku jirto hal mar ayaan Neefi naga soo wada booday mar haddii aan helnay cid ka war bixisay Cidda Dadkaan laysay iyo sababaha loo laayey.

 

 

Maxamed Cabdullaahi Yalaxoow oo ah Ninka dhallinyarada ah ee Xasuuqaas ka badbaaday waxaan ka meyrnay Dhiiggii Biyo uu na weydiistana waan siinay wuu yara shooksanaa balse wax dhaawac ah ma uusan qabin saddex saacadood ka dib ayaan la hadalnay oo aan weydiinay Cidda sidaan wax yeeshay wuxuu na weydiiyey cidda aan innagu nahay waxaana u sheegnay in aan nahay Culimadii Ahlusunna waljamaaca cid markaan ka dib wax yeeleyneysana aysan jirin Nimankii halkaan uu ku ogaana laga eryey oo aysan B/Burde ka sokeyn.

 

 

Maxamed oo Nasiib wanaag Xogagga Ahlusunna rag badan ka gartay oo ay weliba qaarkood qaraabo hoose ahaayeen ayaa Hadalkiisii sida tan ku billaabay:-

 

Magaceygu waa Maxamed Cabdullaahi Yalaxoow waxaa i yaqaan hebel iyo hebel waxaan ahay reer Ceelbuur waxaan soo bartay Kalkaaliye Caafimaad aniga iyo Dadkaan aad arkeysaan ee meesha lagu laayey waan ka xoogsan jirnay.

 

 

oo maxaad qaban jirteen? waxaa weydiiyey Sheekh Xasan Diirshe.

 

 

Maxamed oo hadalkiisii sii wata ayaa wuxuu yiri meeshaan Dadka ayaan ku qali jirnay oo waxaan kalkaaliyayaal u aheyn dhakhaatiir caddan ah oo qaybtaan ka howl geli jirtay.

 

 

Sideed Dadka u qali jirteen ma dad xanuusanaya ayaad ku Daaweyn jirteen?

 

 

Maya waxaa naloo keeni jiray Dad kaa xoog iyo caafimaad badan oo lugahooda ku socda markaas baan ugu horreyn waxaan ka miiri jirnay Dhiigga Korkiisa ku jira oo idil oo Bacahaas ayaan ku shubi jirnay ka dibna waxey Dhakhaatiirtu ku sameyn jireen Qalliin oo waxaa laga soo saari jiray Kelyaha iyo beerka iyo Xubno kale oo Muhiim ah balse aanan anigu aqoon badan u laheyn ka dibna Diyaarad ayaa imaan jirtay oo qaadi jirtay Hub iyo Rasaasna dejin jirtay.

 

 

Intee loo qaadi jiray Diyaaraddase yaa lahaa?

 

 

Ma aqaan wax lahaa diyaaradda iyo meesha loo qaadi jiray Xubnahaas balse Diyaaraddu waxey badanaa imaan jirtay markii aan dad badan Xubnahooda diyaar yihiin oo waxaaban dhihi karaa Qolooyinka Diyaaraddu waa ay ogyihiin markii aan Qalliimadaas ku guda jirno qiyaastiina Bishiiba laba ilaa seddex jeer ayey imaan jirtay .

 

 

Adigu shaqaddas ma ku qanacsaneyd ?

 

 

Maya ma ku qanacsaneyn aniga waxaa meesha i keenay Nin aan qaraabo aheyn oo Dagaalkii Guriceel ku dhintay meeshaan saad arkeysaan waa hoowd anoo indhaha ka xiran ayaa la i keenay markaan arkay xaaladda meesha ka jirtana waan ka baxsan waayey oo ilaalo xooggan ayaa nalaga hayey Dadkaan kale se ma aqaan meel ay kala yimaadeen waxaan ahay qofkii ugu dambeeyey oo ay shaqo ka siiyaan waxaana la shaqeynaayey hal Sano ku dhawaad.

 

 

Dadka aad meeshaas ku qali jirteen intee laga keeni jiray yeyse ahaayeen ma soomaali mise?

 

 

Ma aqaan meel laga keeni jiray dhammaantoodna waxey ahaayeen soomaali Dhallinyaro u badan mararka qaar xataa waxaa dhici jirtay in iyaga kooda dhaawac culusi soo gaaro aan wadadaas marsiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this