Sign in to follow this  
General Duke

Parliament Farmaaje confidence vote ends in turmoil

Recommended Posts

b71.jpg

Xildhibaanada Barlamanka oo kala dareeray Iyagoon Ansixin Ra’iisul wasaaraha.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay doonayeen inay ku ansixiyaan Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG kaasi oo markii dambe ay ku kala dareereen.

 

Shirkii Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya maanta ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ajandihiisu uu ahaa anxisinta Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ay ku kala dareereen mudanayaasha Barlamanka iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.

 

Kulanka Mudanayaasha Barlamanka oo ay ka soo qeyb galeen 380 xildhibaan ayaa ugu horeyn waxaa daah furay oo ka soo qeyb galay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasi oo halkaasi ka jeediyay qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana uu Madaxweynaha mudanayaasha Barlamanka ka codsaday in ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dowladda KMG oo uu sheegay in uu yahay nin xulusho badan ku yimid islamarkaana laga sugayo in uu waxbadan ka qabto xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha markii uu hadalkiisa dhameystay isagatay Kulankii mudanayaasha Barlamanka.

 

Markii uu hadalka Dhameystay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa makaroonka qabsaday Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ee Maanta XIldhibaanada Barlamanka ay u fadhiyeen in ay ansixiyaan, waxaana uu Prof, Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo uu halkaasi ka sheegay in hadii mudanayaasha Barlamanka ay siiyaan codka kalsoonida uu ugu horeyn xooga saarayo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG kadibna uu ka shaqeyn doono sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Markii labada masuul ee ugu sar sareysa dowladda ay hadalka dhameysteen ayaa waxaa kulanka Barlamanka ka istaagay gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana uu goobta uga yeeray labo xildhibaano oo kala matalayay Xildhibaanada diidan Ra’iisul wasaaraha iyo kuwa doonaya inay codkooda ku ansixiyaan, waxaana halkaasi ay ka soo jeediyeen Mooshinadooda.

 

Intaasi kadib ayaa xildhibaanada Barlamanka waxaa ay isku qabsadeen habka codka loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha Cusub, waxaana markii mudanayaasha Barlamanka ay is mari waayeen go’aan ah in cod qarsoodi ah la qaado Ra’iisul wasaaraha gaaray gudoomiyaha Barlamanka taasi oo kicisay sawaxan iyo buuq ay sameeyen Mudanayaasha Barlamanka, waxaana taasi ay kaliftay in gudoomiyaha Barlamanka uu shirka xiro markii ay ku oriyeen xildhibaanadii Barlamanka ee doonayay in codka si gacan taag ah loo qaado.

 

Markii uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Barlamanka in shirkuu xiranyahay ayaa waxaa sii batay buuqa Mudanayaasha Barlamanka, waxaana gudoomiyaha Barlamanka uu dib ugu soo laabtay kursigiisa isagoo wali ku adkeysanaya go’aankiisii ahaa in codka loo qaado qaab qarsoodi ah, waxaana taasi ay sii kicisay buuqii mudanayaasha Barlamanka iyadoo xiligaasi kadibna gudoomiyaha Barlamanka uu isaga soo baxay kulanka kadibna mudanayaasha Barlamanku ay ku kala dareereen kulanka maanta iyagoon ansixin ama diidin Ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana gudoomiyaha Barlamanka uu go’aamiyay in dib la isugu soo laabto Maalinta Sabtiga ah ee soo socota.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii Lagu Ansixin Lahaa Raysalwasaare Farmaajo oo Maanta Fashilmey

October 20, 2010

 

Fadhigii maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhamaadey buuq iyo fawdo, Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Raysalwasaaraha Dawladda Maxamed Cabdullaahi Maxamed (farmaajo) waxaana shirguddoominaayey Shariif Xassan Shiikh Adam.

 

Uguhoreyntii waxaa ka hadley Madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu sheegay in muddo bil ah laga sugaayey in uu soo magacaabo Raysalwasaare cusub uuna soo magacaabey Maxamed Cabdullaahi, maantana laga sugaayo Xildhibaanadu in ay qaataan doorkooda isla markaana siiyaan codka kalsoonida.

 

Sidoo kale waxaa ka hadley madashii shirka maanta Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxaana uu ka hadley barnaamijkiisa shaqo iyo sida uu u hoggaamin doono xukuumadda.

 

Intaas kadib ayaa xildhibaanada la soo hordhigey laba qorshe oo loo maraayo habka kalsoonida loo bixinaayo ee codeynta, waxaana ay kala ahayeen in gacantaag ay noqoto, iyo in si qarsoodi ah xildhibaanadu codkooda u dhiibtaan, taas oo ah sida xeer hoosaadka iyo axdiga kumeelgaarka ah ay qabaan.

 

Waxaa goobta laga akhriyey xildhibaano aad u badan qoraal ay soo qoreen iyaga oo isku raacay in gacantaag muuqata ay noqoto codeyntu, laakiin waxaa taas kaga horyimid xildhibaano kale oo aan cadadkoodu yarayn kuwaas oo ku adkeystey in la maro sida uu qabo xeer hoosaadku.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa ku dhawaaqey in codeyntu ay noqon doonto mid qarsoodi ah taas oo ah HAA ama MAYA, loona baahan yahay in Raysalwasaaruhu helo codad ka badan 275 cod, Markii uu intaas ku dhawaaqey ayaa xildhibaanadu kuraastooda ka kaceen waxaana bilowdey buuq iyo fawdo meeshii is qabsadey.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan ayaa buuqii kadib ku waxa uu ku dhawaaqey in kulanku xiran yahay maadaama buuq badanka dhashey isla markaana dib la isugu soo laabto maalinta Sabtida ah ee ku beegan 23.10.2010.

 

Qaarkamid ah wasiirada sii dhacaya ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ayaa u ololeynaya in coeyntu ay noqoto mid qarsoodi ah, maadaama aysan isku hubin in ay xafiiska sii joogi doonaan iyo in kale waxaana muuqata in Guddoomiyaha baarlamaanku qudhiisu uu doonaayo sidaas taas oo lagu macneeyey Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi oo aan weli daaha ka qaadin xubnaha wasiiradiisa, taas oo dhinackasta doonaayo in uu saameyn ku yeesho.

 

Haddii codeynta laga dhigo mid qarsoodi ah waxaa hubaal ah xildhibaano badan oo Maya ku codeyn lahaa in ay Haa ku codeeyaan taas oo ah mid saameyn kuleh siyaasadooda.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a bad start for Shariif Ahmed and the new PM.

 

Why the insistence of anonymous vote from Shariif Hassan, did they pay money and don't want to expose those who are selling their votes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii baarlamaanka ee lagu ansixin lahaa Ra’iisul wasaraaha cusub ee Soomaaliya oo natiijo la’aan ku dhammaaday

 

Arbaco, October 20, 2010 (HOL) – Waxaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday maanta kulan lagu waday in xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay codka ugu qaadaan ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaddib markii ay xildhibaannadu isku khilaafeen qaabka codka loo qaadayo.

 

Kulanka oo uu shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana xildhibaannada kulankaas xaadiray ay tiradoodu ahayd 380-xildhibaan, sidoo kale, waxaa ka qaybgalya Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaaraha codka loo qaadayay Maxamed C/llaahi Masxmed (Farmaajo).

 

Madaxweyne Sheekh Shariif oo furitaankii kulanka hadal ka jeediyay, ayaa xildhibaannada ka codsaday inay ansixiyaan ra'iisul wasaaraha cusub, isagoo xusya inuu yahay mas'uul uu u arkay inuu kasoo bixi karo howlaha horyaalla.

 

Sheekh Shariif oo ka hadlay dastuurka dalka ayaa yiri: "Sharciga dalka waa Kitaabka Qur'aanka iyo axaadiista Rasuulka, balse dastuurka lagu dhaqmo ee la isku waafaqsan yahay, waxaa badali kara shacabka Soomaaliyeed oo codka kalsoonida u qaada, mana jirto cid kale oo badali karta."

 

Ra'iisul wasaaraha, ayaa intaas kaddib la hadlay mudanayaasha, isagoo sheegay inuu kasoo bixi karo howlaha culus ee la dul-saaray, haddii ay xildhibaannadu codkooda siiyaan, wuxuuna xusay iuu la xisaabtami doono wasiirada uu soo dhisayo oo uu sheegay inuu kusoo xulayo nidaamka ay dowladdu ku dhisan tahay.

 

Hadalkiisa oo aad u dheeraa, ayuu ku sheegay inuu wax ka qabanayo ammaanka, sidoo kalena uu xoogga saari doono inuu la shaqeeyo baarlamaanka, maadaama baarlamaanka uu yahay sharci-dajiye, xukuumadduna ay tahay sharci-fuliye.

 

Dhanka ammaanka, ayuu ka hadlay isagoo sheegay inay wadahadallo ugu baaqayaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda, haddii ay diidaanna ay dagaal la geli doonaan, wuxuuna xusay inay la wareegi doonaan Muqdisho.

 

Howsha ammaanka, inta aysan xukuumaddu gelin ayuu sheegay inay ciidammada tirakoob iyo dib u habeyn ku sameyn doonaan, ayna siin doonaan mushaaraadkooda, wuxuuna ciidamada ku tilmaamay inay yihiin kuwo u taagan badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

Kaddib, markii ay hadallo jeediyeen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaare Farmaajo ayaa waxay xildhibaanada baarlamaanka soo gudbiyeen mooshinno iska soo horjeeda, kuwaasoo ku saabsan qaabka codka kalsoonida loo qaadayo, waxaana qaar ka mid ah mudanayaashu ay soo jeediyeen in qarsoodi laga dhigo halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in gacan-taag laga dhigo.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka, oo kulanka ka hadlay markii mooshinnada lasoo jeediyay ayaa wuxuu sheegay in qarsoodi laga dhigayo, iyadoo mudanayaashii kasoo horjeeday fikirkaas ay buuq ka bilaabeen gudaha baarlamaanka, waxaana Shariif Xasan uu ku dhawaaqay inuu kulanku xiran yahay la iskuna soo laabto maalinta Sabtida ah ee soo socota.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Barlamaanka ee maanta codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Ra’iisalwasaraha oo lagukala kacey,Buuq ka dhashey awgiis (Sawiro)

Posted by admin on October 20th, 2010

 

Muqdisho(Puntlandi.com) Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhamaadey iyadoon wax cod ah loo qaadin Ra´iisalwasaaraha Cusub, arintaan ayaa ka dambeysey ka dib markii buuq ka dhashey habka codka loo qaadayo.(Sawirada hoos ka daawo)

 

Xubnaha Baarlamaanka ayaa tiro badan waxey soo jeediyeen in codka loo qaado si gacan taag ah, halka qaarna ay soo jeediyeen in codka loo qaado si qarsoodi ah, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan shiikh Aaden ayaa markiiba ku dhawaaqey in codka loo qaadayo si qarsoodi ah, tasoo dhalisey sawaxan iyo in ay caroodaan qolyihii doonayey in codka loo qaado si gacantaag ah.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa markiiba ku dhawaaqey in shirku xiranyahey, dibna loo dhigey in Ra´iisalwasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo qaado codka kalsoonida.

 

Ra´salwasaaraha Cusub Farmaajo iyo Madaxweyne Shariif ayaa goobjoog ahaa Baarlamaanka maanta.

 

Sawiradii kulankii maanta ee Barlamaanka hoos ka daawo

 

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

If the president's camp with the new PM now on their side thought that Sharif Xassan would not retaliate against trying to mess with him and calling the parliament to meet while he was in Nairobi, forcing him to come back to Mogadishu within hours, they were wrong. Sida muuqata ninkaan siyaasadda Soomaaliya saamayn aad u ballaaran oo aan la inkiri karin ayuu ku leeyahay. Rag badan oo isku dayey inay hor-istaagaanna badda ayuu ka cabsiiyey, bal aan aragno waxa xiga Insha ALlaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What has Farmaaje done to deserve an assasination threat?

 

As for the parliment they just want to get some kick backs, though I dont know how a show of hands makes any sense..

 

Lets wait and see how it turns out insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this