Saalax Posted December 25, 2009 Qormaddan ‘Xogta Dedan iyo Tibaaxda Wargeyska' Waa qormo toddobaadle oo sida ku xusan Ciwaankeeda uu Wargeyska Yool ku soo ban-dhiggo xogaha bulshada ka qarsoon ee ku saabsan dhacdooyinkii iyo taariikhiihii hore, kuwii dhexe iyo kuwa waqtigan la joogo ee ku taxaluqa Somaliland, ha noqdaan kuwo ka dhacay dalka gudihiisa ama debadiisa intaba. Sidaas darteed, Toddobaadkan waxaanu qormadan ‘Xogta Deddan iyo Tibaaxda Wargeyska' akhristeyaashayada ugu soo gudbin doonaa xoggo ku taxaluqda hawl-galka Inqilaabkii dhicisoobay ee 10 Dec. 1961-kii, ka dhacay Somaliland, waqtigaasoo laga joogey midowgii dhex-maray Somaliland iyo Gobolkii Koonfureed ee Soomaalidii Talyaanigu Gumeysan jirey (1.July.1960) muddo dhan Shan Bilood iyo 4 Maalmood oo u dhiganta 188 Maalmood. Hawl-galka Inqilaabkaas waxa ku dhaqaaqay Saraakiil dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland oo ka mid ahaa da'yartii ugu horeysay ee wax ku soo baratay Kulliyadaha Miletariga ee waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Kuliyadda caan ka ah ee dalka Ingiriiska (Sandhurst), waxanay si geesinimo leh ugu dhaqaaqeen hawl-gal ay ku doonayeen in ay Inqilaab ku qabsadaan hoggaanka dalka, ka dib markii ay ku qanceen in uu yahay jidka keliya ee lagu soo celin karo Dawlad-nimadii luntay ee Somaliland. Haddaba, Wargeyska Yool waxa uu akhristayaashiisa ugu bushaaraynaynaa inuu si taxane ugu soo gudbin doono Xoggaha ku saabsan dhacdadii Inqilaabkaas oo Tifaftiran. Hindisihii Inqilaabka:- Hindisaha hawl-galka Inqilaabka oo sida ku suntan ay iska lahaayeen Saraakiil tiradoodu gaadhayso Toban (10) Sarkaal, kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, kana mid aha da'-yartii wax u soo baratay Dalkooga iyo Dadkooga, waxa uu tilmaan u ahaa saluuggii ay ka tirsanayeen Aqoonyahankii iyo Wax-garadkii Somaliland midowgii indho-la'aanta ahaa ee sida bilaa shuruuda ah ay xornimadoodii ugu wareejiyeen 1.July.1960-kii Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumeysan jirey, oo iyagu waqtigaa midnimada ka hor uu Talyaanigu siiyey Toban Sannadood oo xukun hoosaad ah, muddadaas oo uu u asteeyey in uu ku barro maamulka iyo xukunka dawliga ah. Haddaba, iyada oo uu sidaa u kala horeeyey Garaadka siyaasiyiintii Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa taasi waxay sababtay in siyaasiyiintii uu hormoodka ka ahaa Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo xubnihii Baarlamaanka Somaliland ee waqtigaa oo tiradoodu dhameyd 33 Mudane, waxa ay faro madhan iska taageen gebi ahaanba haykalkii Dawladeed ee waqtigaa loo yagleelay wixii la odhan jirey Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ka dib markii ay waxba ka waayeen jaggooyinkii muhiimka ahaa ee Dawladii la dhisay- sida:- Madaxweyne, Ra'iisal Wasaare, Wasiiradii Khaarajiga, Difaaca iyo Saraakiishii sar sare Ciidamada, halka 33 Xildhibaan ay ku dhex hafteen xubnihii Baarlamankii waqtigaa ugu jirey Soomaali inteedii kale. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa- ‘Rag tallo kama dhamaato'e' waxaa taa barbar socday walaaca iyo saluuggii ay siyaasiyiintii Somaliland ka qabeen xukun-dawlad-deedkoodii ay hadyada u bixiyeen. Haddaba fikradii ka dhashay guul-daradii siyaasadeed ee shacbiga Somaliland ka soo wajahday midowgii habowga ahaa waxa kow ka ahaa tallaabada isku daygii Geesi-nimada lahaa ee ay ku kaceen kooxdaa Saraakiisha ah, kuwaasoo ka hor intii aanay ku dhaqaaqin hindisaha hawl-galka sida uu Wargeyska Yool u xaqiijiyey Md. Xuseen Cali Ducaale (Amd.Cali) oo ka mid ahaa Saraakiishii hoggaaminaysay hawl-galkaas, hadana ah Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, waxa ay is-tusaaleeyeen laba arrimood, kuwaasoo ay is-dooran siiyeen inay kala xushaan midda ku habboon inay qaataan. Labaad arrimood kala ahaa:- Ma Nafaheena ayeynu u shaqeysanaa Nin-ba meel uu ka gaadho Mise Guusha illaahay baa hayee fursadaa aynu Maanta haysano ayeynu ummadda ugu soo dhicinaa Dawlad-nimadooda. Ka dib rog-rog iyo fallaaan-qeyn, waxa ay xubnihii Saraakiisha ahaa isku raaceen in ay qaataan masalada labaad, iyaga oo markaa maanka ku hayey in ay fursadaa ka faa'idaystaan ka hor inta aanay dhicin in loo kala bedello gobollada Koonfurta. Waxanay xubnaha Saraakiishu ay go'aansadeen in qorshaha hawl-galka inqilaabka si deg-deg ah loo gallo. Ka hor Inta aynaan u sii gunddo-gelin mawduucan, waxa xusid mudan in aynu is-dul-taagno Magacyada iyo Derajada Saraakiisii hawl-galkaa hoggaaminayey ama ka qayb qaatay, oo kala ahaa:- Xasan Cabdulle Walan-walan (Xasan-Kayd) Laba Xidigle / M.Carre H/Yoonis Maxamuud Cabdillaahi (Maxamuud-Awr) Laba Xidigle / M. Cabdale H/Y Cabdillaahi Aadan (Cabdillaahi-Koongo) Laba Xidigle / Isxaaq H/Y Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Xidigle / M. Care H/Y Cabdillaahi Siciid Caabi Xidigle / C.M H/A Siciid Cali Giir Xidigle / Dh. Maxamed Maxamuud Siciid (B.Dixle) Xidigle / Reer Axmed H/A Daa'uud Cali Yaxye Xidigle / Carabtii Reer Boorama Maxamed Cabdiraxmaan (Cabdiraxmaan Lugooyo) Xidigle / C.M H/A 10. Faysal Xaaji Jaamac Sharci Yaqaan / M. Care H/Y 11. Xasan Faarax Bulaale (Xasan Fidhato) Xidigle / C.M H/A Inkastoo aynu ka soo sheekaynay ujeedada iyo dareenka dhabta ah ee uu ka turjumayey inqilaabku, hadana waxa dad badani isweydiinayaan ilaa xad dhibaatada keliftay in kooxdaasi ku dhaqaaqdo hawlgalkaas, maadaama waqtigii markaa laga joogay Midnimaddii dhex martay Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya uu aad u yaraa. Haseyeeshee, Wasiir Cawil oo aanu arrintaa wax ka weydiinay, waxa uu sheegay in haba yaraatee aanu jirin damac siyaasadeed oo kooxdooda ka hayey hoggaanka dalka, balse uu damiirkoodu siin waayey inay u dulqaataan damac siyaasadeedkii indhaha la'aa ee hoggaamiyeyaashii Koonfurta Soomaaliya kula kaceen siyaasiyiintii Somaliland. La soco Caddadka Dambe. Source Wargayska Yoolka http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=6800&Itemid=62 Quote Share this post Link to post Share on other sites