Sign in to follow this  
Land_Soldier

Another Regional State: Waax iyo Waadi.

Recommended Posts

Xaflad lagu soo dhaweynayey qorshaha maamul goboleedka Waax iyo Waadi oo xalay lagu qabtay Hotelka Six-Eighty ee magaalada Nairobi

 

Mogadishu Sunday 29 August 2010 SMC

 

Xaflad si weyn looga soo shaqeeyey oo lagu soo dhaweynayey dhismaha maamul goboleedka Waax iyo Waadi ayaa xalay lagu qabtay hotelka Six _Eighty ee magaalada Nairobi.

 

Xaflada oo uu abaabulkeeda lahaa Cumar C/qaadir Axmed Fiqi “Shariif” ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad kor u dhaafayey 100-qof oo ahaa qeybaha bulshada Mudulood ee Kenya ugu caasan sida ganacsato , waxgarad , siyaasiyiin iyo aqoonyahano.

 

Abaabulihi xaflada Cumar Shariif oo afurka kadib lagu soo dhaweyey makrafoonka si uu sharaxaad uga bixiyo isu imaatinka iyo ujeedada ayaa hadal dheer oo uu ka soo qeybgalayaashi u jeediyey waxaa uu ku sharxay marxaladihi la soo marsiiyey qorshaha lagu dhisayo maamulka Waax iyo Waadi ee wali ku jira qorshaha.

 

Waxa uu sheegay in magaca marka hore laga soo minguuriyey oraah can aheyd oo uu qarni ka hor tiriyey abwaanki caanka ahaa Faarax Seefey ee aheyd “Waax iyo Waadi oow dagyaa ismana waayo wiil ******”

 

Waxa uu sheegay in magaca uu ku fadhiyo murti fog oo koobeysa dhulka uu Mudulood dago laga so bilaabo afaafka Xarardheere ilaa deegaanka Turdhe ee G/J/Hoose.

 

Cumar Shariif ayaa ugu baaqay ka qeybgalayaashi xaflada iney ka gudaamaan fariin uu uga soo qaaday qabanqaabiyaasha reer London oo ah in la gaarsiiyo B/Afrika si dadka loo baraarujiyo .

 

Waxa uu ka qeybgalayaasha sidoo kale u sheegay iney magacaas dadka baraan oo ay ku faanaan inta laga gaarayo ku dhawaaqidiisa oo uu sheegay ineysan cid gaar ah dani ugu jrin balse qof walba oo Mudulood ah uu ku nafcin doono .

 

"Fariinti la ii soo dhiibay waa idin soo gaarsiiyey wixi hada ka dambeeya adinkaa la adinka rabaa inaad soo xulataan dadki idinku matali lahaa conmgareeska sare “ ayuu ku soo gunaanaday Cumar Shariif hadalkiisi.

 

Dahabo Cumar oo ah gabar rugcadaa siyaasadeed ah oo xilal sar sare ka soo qabatay dawladihi kacaanka oo iyana hadashay ayaa sheegtay in midnimada ay asal u tahay dhismaha wax walba oo la damco ,waxaana ay ku baaqday muhimada midnimada iyo isu duubnaanta ayadoo ka digtay in la fiir fiiro.

 

Sidoo kale Tahliil Shaatax oo ka mid ah xubnaha ugu caansan bulshada rayidka oo isna hadal kooban jeediyey ayaa amaanay gudiga ku fakaray dhismaha maamulka , waxaana sheegay in dhismaha maamulka uu ahaan doono mid wax ka tara deeganada dadkan ayu dagaan.

 

Xubnaha caanka ah ee ka soo qeybgalay xaflada waxaa ka mid ah

 

1_Dr:Xasan Shiikh

 

2-Pro:Yaxye Shiikh Caamir

 

3-Marwo Dahabo Cumar

 

4-Yusuf Max’ed Axmed

 

5-Cumar Shariif

 

6-Fanaanada Shamaso Macalin

 

7-Suldaan Xeyle

 

8-C/qaadir Axmed Cali Shabad

 

9-Tahliil Shaatax

 

10-Aadan Qarbax

 

Wax9.JPG

 

waax_iyo_waadi_state.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Jowhar, Muqdisho iyo Marka, waxay ahayeen saddex gobol oo kala duwan. Hadana waxaad ka dhigteen gobol kaliya oo la yidhaahdo Waax iyo Waadi :confused: Acuudubilaah.

 

 

30 sano ka hor abwaankii caanka ahaa ee Cabdulle Raage Taraawiil wuxuu yidhi:

 

Inta doqon fariid yahay,

darajana qabiil tahay,

dabaalna uu wax garad yahay,

dambiilane garsoor yahay,

dulmine xaqa ka mudan yahay,

dib u socod kacaan yahay,

dablene janan kaa adag yahay,

in aan tiriyo deeleey dareenkeeygu ma ogola

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this