Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: President Yusuf holds court + Baidoa political capital again..

Recommended Posts

Baydhabo: Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo la kulmaya baarlamaanka Soomaaliya.

6. december 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaaliga ah ee Soomaaliyeed Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa la kulmaya manta Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo, wuxuuna kala hadlayaa xaalada dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay soo gaaray xarunta baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxyaabaha uu kalahadlayo baarlamaanka ay ugu muhiimsan tahay talaabada laga yeelayo ku tumashada sharciga ee gaartay heerkii ugu sareysay iyo booqashooyinkii uu ku tagey dalka Jabuuti iyo deegaanada Maamulka Puntland.

 

Warar ku dhow dhow shirkan ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Soomaaliya u bandhigi doono Mudanayaashan baarlamaanka Soomaaliya, in la gaaray waqtigii lala xisaabtami lahaa dadka ku tumanaya Axdiga KMG ah ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Kulankaan Madaxweynuhu la qaadan doono baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah ayaa ku soo beegmaya xili ay xalay kulmeen Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay ka wada hadleen xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

 

Kulamadan kala duwan ee ka dhacaya Magaalada Baydhabo ayaa ku biiraya kulamadii uu Madaxweyne Yuusuf maalmihii ugu dambeeyey layeelanayay cid walboo loo arko in ay wax ka qaban karto xaalada dalka Soomaaliya.

 

Hotelada iyo Baararka Fadhi ku dirirka ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta iyo xalay aad looga hadlayey kulamada kala duwan ee ka soconaya Magaalada Baydhabo, waxa ayna dad badan rajo wanaagsan ka qabin in ay hirgalaan Wasiiro aan lasoo marin Madaxweynaha Soomaaliya iyo Heshiiskii dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada qaarkood

 

Mogadishu Saturday, 6 December 2008 SMC

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG ah e Soomaaliya uu xalay kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid Xildhibanada Barlamaanka Soomaaliya iyo weliba Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana socda kulamada uu madaxweynaha la yeelanaayo xubno ka mid ah dowladiisa.

 

C/laahi yuusuf ayaa la sheegayaa kulamada uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa mid albaabada ay u xiran yihiin, waxaana la sheegayaa inay uga hadlen arrimo ay ka mid ahaayeen khilaafka baaxada ee u dhaxeeya Ra/wasaaraha iyo madaxweynaha.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyowaxyaabihii ay ka wadahadleen isaga iyo Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa mid kasta gulfis ugu jira sidii uu u heli lahaa taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya, wuxuuna mid kasta doonayaa inuu helo aqlabiyada inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaalia Mudane C/laahi yuusuf ayaa laqaatay kulamo gooni gooni ah xubno ka tirsan Xildhibanada Baarlamaanka Somalia.

Sabti 06. 12. 2008

 

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaalia Mudane C/laahi yuusuf ayaa xalay laqaatay kulamo gooni gooni ah xubno ka tirsan Xildhibanada Baarlamaanka Somalia oo u kujiro Gudoomiyaha Baarlamaanka sheekh Aaden Madoobe, warar hoose oo an ka helnay kulamaadasi ayaa sheegaya in wadahadalka diirada lagu saaray sidii loo bad baadin lahaa Doowlada Fadaraalka, ayadoona aad loo lafa guray heeshiskii dhawaan la sheegay in kooxaha Mucaaradka iyo Dowlada ay ku saxiixdeen Magaalada Jabuuti.

Waxaa kaloo jiray kulamo kuwaa lamid ah oo ay wadeen waxgarad katirsan Deeganka oo ay ooga arin sanayeen awood qeeybsiga lasheegay in lagu soo heshiiyay Magaalada Jabuuti,waxgaradkaan ayaa ugudbiyay qoraal ashtako ah Madaxweynaha Jamhuriyda Somalia oo ay ku mujinayaan sida ay oogasoo horjeedaan heshiiskii Jabuuti.

 

 

 

Hassan C

 

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this