miles-militis Posted August 6, 2003 Warbixin - Laasqoray Gobolka Sanaag Weriyahayaga (BBC SOMALI) Axmed Kismayo oo nooga soo waramo Puntland ayaa booqday magaalada xeebta ah ee Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag oo 128km dhinaca Waqooyi Galbeed ka xigta Magaalada Boosaaso. Warbixintan ayuu noo soo diray. Laasqoray waxa ku yaal dhismayaal taariikhi ah oo qaarkood dhowr qarni ka hor la dhisay iyo kuwo cusub. Waa magaalo in muddo ah laga maqnaa haatanse ay kuu muuqanayso in dib loogu soo noqonayo. Waxa ku nool Laasqoray dad gaaraya ilaa laba kun oo qof waxana nolosha dadku ay ku xiran tahay dhinaca ka faa’idaysiaga Badda iyo Xoolaha. Mashaariicda xilligan sida gaarka looga xusi karo Laasqoray waxa ugu muhimsan warshad kalluun oo cusub oo haatan shaqaynaysay muddo afar bilood ah taasoo ay dadku sabab uga dhigayaan in ay dadku magaalada dib ugu soo noqdaa. Sida uu ii sheegay maareeyaha warshaddan Xasan Faarax Bile iyo Agaasimaha wax soo saarka Cabdikariim Cali Jaamac waxay warshaddani ka kooban tahay qaybo ay ka mid yihiin qaybta diyaarinta kalluunka iyo qasacadayntiisa,qaybta barafka iyo qayb kale oo doonyaha samaysa. Warshaddani waxay awood u leedahay inay soo saarto 1200 kartoon maalintiiba iyadoo kartoonkiina ay ku jiraan 48-qasacadood waxana loo iibgeeyaa meelo badan oo soomaliya ka mid ah iyo dalalka Kenya iyo Itoobiya. Waxa ka shaqeeya warshaddan shaqaale gaaraya 150-qof waxayna ku fadhidaa dhul gaaraya 9000m. Hirgalinta warshaddan waxa ku baxay hanti gaaraysa USD 1,200,000 waxana shirka ku ah dad soomaali ah oo gaaraya 138 qof. Magaaladan Laasqoray waxa ka furan hal dugsi oo ay wax ka bartaan 200 arday oo isugu jira heerarka hoose iyo dhexe ee waxbarashada. Hal isbital oo ay magaalada leedahay ayaa fadhiya dadka bukaanka ahina waxay dawada iyo dhakhtarba u raadsadaan dhinaca Boosaaso. Xagga koofureed waxa magaalad kaga hareeraysan buuro silsilad ah oo daruuraha madaxa kula jira waana magaalo aad u dhiraysan kuna taal dhul siman. Dadka magaaladu waxay ka cabanayaan wadooyinka magaalada soo gala oo dhammaantood aan hagaagsanayn. Si kastaba ha ahaatee Laasqoray waxay u muuqataa mid ka duwan sidii ay ahayd afar bilood ka hor waxana ka muuqda nolol isa soo taraysa. Quote Share this post Link to post Share on other sites