Sign in to follow this  
General Duke

Uganda's Museveni on Somalia....amazing truth

Recommended Posts

Museveni "Kooxo Qabiil iyo diin ku soo Gambanaya ayaa doonaya in talada somalia la wareegaan".

Kampala,(WNT):-Madaxweynaha Wadanka Ugandha Yoweri Museveni ayaa sheegay in dalka soomaaliya ay joogan kooxo ku soo gambanaya qabiil iyo diin kuwaasi oo doonaya in talada dalka la wareegaan.

madaxweynaha ayaa hadalkaani ka jeediyay mar uu ka hadlayay kulan ka dhacaya Magaalada Kampala kaasi oo ay leeyihiin soomaali aad u farabadna iyada oo shirkaasina ay soo qaban qaabisay hay'ada marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan CRD.

 

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday in marka hore uu aad uga xunyahay in mudo 17-sano ah dagaalo iyo nidaam la'aan ka jiraan somalia isaga oona shegay in somalida joogta dalka dibadiisa iyo gudihiisa looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan xasilinta dalkooda.

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in uu is weydiiyo xiliyada qaar in soomaalida ay yihiin dad hal diin,hal luqad,iyo hal dhaqan leh hadana sidee ku dhacday in ay heshiin waayaan.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in taasi ugu wacan tahay in somaliya ay joogaan kooxo daniiste yaal ah oo ku soo gambanaya qabiil iyo diin kaasi oo doonaya in dowlada Federaalka ka fara maroogsadaan Talada dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

"run ahaantii soomaaliya waxaa ku sugan kooxo daniiste yaal ah oo ku soo gambanaya qabiil iyo diin taasi oo ay ku doonayaan in talada dalka ka fara Maroogsadaan Dowlada Federaalka soomaaliya taasina ma dhici doonto"ayuu si kulul u yiri MadaxweyneYoweri Museveni .

 

Waxaa uu ugu baaqay madaxweynaha in soomaalida shirka ku leh Dalkiisa iyo kuwa kale oo maqanba in ay ka shaqeeyaan dib u soo nooleynta aayihii soomaaliya isla markaana meel iska dhigaan khilaafaadka ka dhex aloosan.

 

Si kastaba Hadalka madaxweynaha ayaa ah mid si weyn looga dareemay saameyntiisa dalka soomaaliya iyada oo dadka inta badan isweydiinayaan Su'aalo dhowr ah oo hadalkaasi uga soo baxay dadka qaar ayaa ah kuwo fikirkaasi taageersan halka kuwa kalena sheegeen in uu yahay mid qaldan oo aan laga fiirsan.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar uu sii faah-faahinayay mushkiladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay isagu la yaab ku tahay sabab ay cid kasta uga hadasho madaxweynenimada C/llaahi Yuusuf, “C/llaahi Yuusuf waa madaxweyne KMG ah, xiliga la doortay waa shan sano, weyna dhamaaneysaa, marka dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in aysan isku mashquulin waqtiga madaxweynenimada C/llaahi Yuusuf ee waa inay ka tashadaan aayahooda iyo wixii la yeeli lahaa marka uu dhamaado xiliga dowladda KMG ah ee Soomaaliya".

 

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka qeybgalayashii Shirka ku soo dhaweeyay dalka Uganda, isagoo sheegay in aysan u arkeynin dad shisheeye ah balse ay u arkayaan dad walaal ah, “Dalkan waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkood ay ganacsi ku leeyihiin, sidoo kalena waxaa ku nool dad kale oo ka soo jeeda Dalalka Rwanda, Congo iyo Suudaan, dhamaantoodna si xor ah ayay u joogaan”, ayuu yiri Madaxweyne Musaveni.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis),

Entebbe, Uganda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this