Sign in to follow this  
Saalax

Burco:Taageerayaal Tiro badan oo ku soo biiray Xisbiga UCID

Recommended Posts

Saalax   

Burco:Taageerayaal Tiro badan oo ku soo biiray Xisbiga UCID kana soo Baxay Xisibiga UDUB ayaa soo dhoweyn ballaadhan loogu sameeyey Hotel Barwaqo ee magalada Burco.

 

uq9zc41m95cthm18oflu.jpg

 

 

Burco-(HWN) Taageerayaal ka soo baxay Xisbiga talada haya ee Udub ee gobolka Togdheer oo haween u badan ayaa maanta ku biiray Xisbiga Mucaardka ah ee Ucid ,kuwaas oo Xaflad soo dhaweyn ah Xisbiga Ucid ugu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

 

 

Xafladan oo ka dhacday Huteelka Barwaaqo ee magaalada Burco ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxda Sare ee Xisbiga Ucid Gudoomiyaha Jaamacada Burco Masuuliyiinta Ucid ee Gobolka Togdheer iyo marti sharaf kale .

 

Gudoomiyaha Ucid ee gobolka Togdheer Mr. Cismaan Afgaab oo Munaasibadaasi ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay dhalinyaradan ku soo biirtay in ay yihiin kuwii ugu badnaa ee mudooyinka danbe ku soo biira xisbigiida Ucid kana soo baxa Udub.

 

 

onszv9jev0i47n4hsa9k.jpg

 

 

Waxaanu Mr.Cismaan sheegay dalku in uu u baahanyahay Isbedel wayn oo dalka ka dhaca oo aan ku koobnayn shakhsi kaliya isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi iyo arimo kale.

 

 

 

“Dalku maanta uma baahna in Riyaale oo qudha in la bedelo balse waxa uu u baahanyahay in isbdel balaadhani ka dhaco maxaayeelay maanta nabad waynu haysanaa balse waxa ina ragaadiyay maamul xumo Xukuumada maanta jirtaana mudadii ay joogtay waxay qabatay ma jirto maantana in la doorto ayay doonaysaa markaa waxaan idiin leeyahay Codkiina Ucid siiya “sidaasi ayuu yidhi Cismaan Afgaab .

 

Waxaanu intaasi ku daray Gudoomiyaha Ucid ee gobolka Togdheer isagoo hadalkiisa sii wata maruu ka warbixinaayay Axsaabta Ucid tartanku ka dhexeeyo sida Udub iyo Kulmiye.

 

“Labada Xisbi ee nala tartamaaya marka aan ka hadlo, horta Udub waynu argnay oo wayna soo martay ,Gudoomiyaha Kulmiyena Mudane Siilaano wixii uu qaban lahaaba hadii la doorto horta askar ayaa ku xeeran ee u duceeya in Ilaahay ka dulqaado markaa dhalinyaro waxa laydiinka baahanyahay in aad codkiina u fiirsataan maxaayeelay isbedelka aynu doonayno haduu noqdo Kud ka guur oo qanjo u guur waa mud subxaano leh .

 

 

 

Gudoomiyaha Jaamacadda magaalada Burco isla markaana ka tirsan Gudiga fulinta Xisbiga Ucid Profesor Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo isna halkaasi ha hadlay ayaa sheegay xisbiga Ucid in uu yahay mid umada u dhexeeya isla markaana ay doonayaan in ay suuliyaan hadii la doorto Taariikh uu sheegay in ay ku sifoobeen axsaabta ay la tartamayaan sadaa awgeedna ay Udub ku fashilantay hugaanka dalka.

 

 

 

Waxaanu umada reer Somaliland usoo jeediyay in ay codkooda wax ku dhisaan oo ay doortaan cida hugaamin karta ee dalka iyo dadka wax u qaban karta cadaaladna ku hugaaminkarta oo uu sheegay in uu yahay Xisbiga Ucid ,waxaanu Gudoomiyuhu u mahadnaqay taageerayaasha ku soo biiray xisbigooda.

 

 

 

Aadan Maxamed Mire Waqaf oo isna Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay Xisbiga Udub in uu la majaro habaabay masuuliyadii la saaray .hasa yeeshee maanta loo baahanyahay in taa la bedelo waxaanay ku xidhantahay gacmaheena oo loo baahanyahay in aad codkeena siisaan Xisbiga Ucid oo himiladiisu tahay bulsho Cadaalad iyo horumar ku dhisan.

 

Waxaanu asxaabta kale ee la tartamaysa usoo jeediyay in ay iska ilaaliyaan xamaasada badan ee ay doorashooyinka kaga qaybqaadanayaan ,taas oo uu sheegay in ay amniga waxyeeli karto.

 

Aadan Mire waxa uu markii danbe hadalkiisa ku soo gabogabeeyay oo uu kula dardaarmay dadweynaha reer Burco oo uu sheegay in waxbadan loo kalo sheekeeyay in ay midnimada iyo isku duubnida ilaaliyaan..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this