Liibaan Posted August 5, 2007 Xukuummada Somaliland Oo U Kordhisay Mudada Xadhigii Hogaanka Ururka Qaran, Una Diiday In la booqdo iyo Daadufeyntii Qareenadooda. hadhwanaag 2007-08-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Labada Qareen ee difaacayey gar-sugayaasha Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran,Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Qareen Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin ayaa ku eedeeyey Maxkamada Gobolka inaanay shuruucda, Xeer iyo Dastuurka dalka u yaala ugu dhaqmayn sidii loogu tala-galay oo ay baal-mareyso, isla markaana waxay Xuseen sida uu dhigayo xeerku in Max-buusta kasta oo xidhan la horkeeno Maxkamada horteeda todobadii Cishaba mar taasina aanay dhicin. Sida waxay Garyaqaanadu ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta garyaqaanada Somaliland ee Magaalada Hargeysa. . Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku tilmaameen iyaga oo ah Qareenadii difaacayey loo diiday inay arkaan Masuuliyiintaasi, taas-na ay ku tilmaameen inay Meel ka dhac ku tahay Shuruucda iyo Dasduurka dalkaba oo cadaadis lagu saaaro xadhiga Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran in jeelka lagu hayo oo aanay garanayn waxa keenay inay dib uga dhacdo iyada oo ay maanta ku beegan tahay la horkeeno Maxkamada Horteeda... Qareen Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa Qareenada Difaacayey xadhiga Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran oo lagu waday in maanta Maxkamada Gobolka Hargeysa la horkeeno ayaa waxa uu sheegay inay dib-u-dhacday keenistii la horkeeni lahaa Sadexdaa Masuul [Dr. Gaboose, Maxamed Xaashi Cilmi, Jamaal caydiid] Maxkamada Horteeda. “Sida uu sharcigu dhigayo qodobka 47aad faqradiisa 3aad xeerka habka ciqaabta in Todobadii Cishaba maalin la horkeeno [Maxbuuuska] ay haydna in maanta la horkeeno Maxkamaduna ay ku balan-qaaday in maanta la horkeeno, hasayeeshee ay dhacday inaan la horkeenin.” ayuu yidhi Qareen Ibraahim isaga oo sharaxaad ka bixinayey sida uu sharcigu dhigayo in Maxbuuska todobadii Cishaba maalin la horkeeno Maxkamada Horteeda. Ibraahim Iid waxa uu sheegay inanay haynin wax cadeyna oo tilmaamaya waxa dib u dhaca ku keenay in Madaxda Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran la horkeeno Maxkamada. “Iyada oo aanuna haynin qoraal sababaysan oo tilmaamaya sababta keentay dib u dhaca, waayo waa arrin uu sharcigu waajibiyey, Cid alliyo cidda ay ka suurtowdo ama ay halkeeda ay ka timaado inay dib-u-dhacdo talaabo laga qaado, iska daa inay si kale u dhacdo” ayuu yidhi. Qareen Ibraahin Iidle waxa uu tilmaamay inay xaq u leeyihiin maadaama ay yihiin difaacayaasha gar-sugayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran in qoraal na-laga siiyo, taasina waxay tilmaamaysaa sida aan sharciga iyo Xeerka ku dhaqankiisa loo ixtiraamayn ee oo mar-walba loo garab marayo. “Xaq ayey u leeyihiin [Madaxda Urur Qaran] in damaanad lagu siidaayo maadaama aanay ku kicin denbiyada oo aan loona haysan, loomana haysto denbiyada uu shacigu diiday in damaanad laga bixiyo” ayuu yidhi Ibraahim Iidle Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anagoo halkaa ka duuleyna [Qareenada] ayaanu Maxkamada geynay qoraal aanu kaga codsanayno in Muwaadiniiintaa [ururka Qaran] Xoriyadooda damaanad lagu siiyo si ku meel-gaadha, maanta ayuu qoraalkii na soo gaadhay oo na loogu diiday oo la yidhi damaanad la siin maayo” Qareen Cabdiraxmaan Ibraahin Caalin oo is-na ka mid ah difaacayaasha gar-sugayaasha ayaa waxa uu yidhi “Markii aanu ogaanay inaan Maxkamada la horkeenayn [Hogaanka Urur Siyaasadeedka Qaran] waxaanu qornay qoraal aanu kaga dalbanayno inaanu aragno Maxaabiistii oo aanu jeelka ugu tagno, si aanu u soo xog-wareysano arrimaha lagu heysto, nasiib darro-se Maxkamadu waxay nagu tidhi uma tagi-kartaan, taasina waxay meelka dhac ayey ku tahay sharciga iyo dastuurka inoo yaala” Waxaanu Cabdiraxmaan tilmaamay inay Maxkamadu u hogaansanaato shuruucda, waayo tiirarkii sadexaad ee dalka oo uu u madax-banaanaado oo aanay cid kale u yeedhin.“Halkaa waxa nooga Muuqanaysaa inay tahay Cadaadis lagu saarayo garsugayaashan sadexda ah [Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid] ee hogaankii Qaran, maadaama oo loo diiday qareenadoodii waxa cad cid kale oo loo ogolaanayo aanay jirinn” ayuu yidhi . “Sidaa darteed waxaanu aad uga xunay Inay Maxkamadu ama Garsoorku ku dhaqmi waayo dastuurkii dalka” ayuu yidhi .Cabdiraxmaan. Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran oo kala ah Gudomiyaha iyo labadiisa gudoomiye kuxigeen Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, MaxamD Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa maalintii sideedaad xadhig rumaan ah ugu xidhan Jeelka Mandheera ee Gobolka Saaxil., isla markaana iyada oo ay hore u sheegtay Maxkamadu in maanta la horkeenayo aan la horkeenin oo loo kordhiyey xadhigoodii. Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale] Reporter Hadhwaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@yahoo.com . Quote Share this post Link to post Share on other sites