Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland President meets Turkish Doctors..PIC

Recommended Posts

10-Madaxwaynaah-Puntland-oo-hadiyad-laguMadaxwaynaha Puntland oo maantey qado sharaf u sameeyey Dhakhaartiirtii iyo Warbixin guud oo ku saabsan hawlgadii Caafimaad ee ay Gaalkacyo kasoo qabteen ( Sawiro)

Posted by admin on October 27th, 2010

 

Garowe: Magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland ayaa maantey duhurkii waxaa soo gaarey Wafti balaaran oo ah dhakhaatiir Caalami ah kuwaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame,(Sawirada hoos ka daawo) waftigan ayaa kasoo baxay Gaalkacyo hiirtii waaberi ee saaka waxayna soo mareen dhulka iyadoo ay cagta soo mariyeen degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal isla markaasna waxay xariga ka jareen Xarunta Caafimaadka ee Buurtinle kadib markii uu Wasiirka Caafimaadku ku sharfey inay xariga xarunta ka jaraan Dr. Ozdal Etlic madaxa waftiga dhakhaatiirta Rajada iyo Qusulka guud ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Turkiga Sermed Setin. markaas kadib ayaa waxaa ay wafigu qayb qayb u galeen dhismaha xaruntani ka kooban tahay oo hada intiisa badani ay qabyo tahay, isla Xarunta Buurtinle ayaa dhakhaatiirtu waxay goob joog ka ahaayeen Neef Geel ah oo ay ugu tabaruceen in loo qalo dariska Xarunta Caafimaadka ee Buurtinle kuwooda liita iyadoo Neefka Geela ahna lagu bireeyey xarunta.

 

Magaalada Garowe ayaa waftigu waxay ka heleen soo dhaweyn qurux badan oo ay si wadajir ah usoo abaabuleen Maamulka degmada Garowe, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaarada Maamul wanaaga iyo haweenka iyadoo shacabkuna ay si weyn uga qaybqaateen, waxaana waftiga lagala horyimid oo lagu soo dhaweeyey Calamada Turkiya, Puntland iyo Soomaaliya waxayna dadku qabeen dhar hide iyo dhaqan ah una badnaa kuwo cad cad sidoo kale waxaa jirey dad kusoo labistey calanka dawlada Puntland. waftigu soo dhaweyntaas way ka mahadceliyeen waxayna markaas usoo gudbeen magaalada iyadoo la dajiyey Hotel horey loogu diyaariyey.

 

Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waftiga maantey u sameeyey casumaad sharafeed qado ah, waxayna u dhacdey si wanaagsan iyadoo casumaaduna ay ka dhacdey guriga Madaxtooyda, halkaas waxaa waftiga si diiran ugu soo dhaweeyey Madax-waynaha Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame ayaa madaxway-naha uga warbixiyey waftiga dhakhaatiirta ah hawsha ay kasoo qabteen magaalada Gaalkacyo iyo sida ay ugu dhiiran yihiin inay habeen iyo maalin u shaqeeyaan shacabka reer Puntland ee doonaya inay ka faa’idaystaan Ololahan ay dhakhaatiirtu ku kaalmeynayso Dawlada Puntland iyo shacbigeeda. wasiirka caafimaadku waxaa uu madaxwaynaha u sheegay in waftigu ay hawl culus oo adag kasoo qabteen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo uu carabka ku dhuftey in ay dhakhaatiirtu qaabileen 1205 qof oo bukaan ah. bukaanada qaliinka loo sameeyey ayaa gaarayey 214 qof oo isugu jira qaliimo fudud iyo kuwo culus oo horey wax looga qaban waayay, dadka intiisa kale ayaa adeegyada loo sameeyey waxaa ka mid ah Indhaha, Ilkaha, daaweynta cudurada ku dhaca Dhagaha, Sanka iyo Cunah, daaweynta cudurada Caruurta, Lafaha iyo Ilkaha.

 

Wasiirku waxa uu hadalka siiyey markaas Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole waxaana Madaxwaynuhu uu si diiran ugu soo dhaweeyey dhakhaatiirta turkida ah Puntland, isagoo u sheegay in dalkani yahay koodii labaad, madaxwaynuhu waxa uu waftiga uga sheekeeyey taariikho waayo waayo ahaa oo ay lahaayeen Soomaalida iyo dawladii Ottaman Emipre ee Turkiga oo quwad weyn ahayd oo caalamka ku fidsan.

 

Madaxwayne C/raxmaan Maxamed waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in maantey dadkiisa wax loo qabto isla markaasna ay hawshaas u fuliyeen dhakhaatiir ka yimid dal Islaam ah oo ay saaxiibo yihiin Soomaaliya, isagoo sheegay madaxwaynuhu in bishii May ee sanadkan uu ka qaybgalay shirweyne ka dhacay wadanka Turkiga oo ku saabsanaa arimaha Soomaaliya uuna la kulmey intii uu joogey Stanbul madaxda Hay’ado waa weyn oo isugu jira kuwo dawli ah iyo kuwo Samafal oo Turki ah isla markasna ay ka wada hadleen sidii ay uga saacidi lahaayeen Puntland adeegyada aasaasiga u ah jiritaanka umad kuwaas oo ah Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhinacyada hormarinta. Madaxweynuhu waxaa uu fariin mahadnaq iyo bogaadin ah u direy Madaxda dawlada Turkiga iyo shacabka kuna aadan sida ay u doonayaan inay wax ugu qabtaan dadka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadley Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Stanbul Sermet Setin oo isagu ah nin dalkaas kasoo jeeda isla markaasna wakiil u ah dadka iyo dawlada Soomaaliyeed hogaaminayayna waftigan, waxaana uu masuulkan sheegay in siweyn oo aan la filan karin in loogu soo dhaweeyey Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe isagoo sidoo kale sheegay in dadku ay meelo fog kaga horyimaadeen iyaga oo wata calamada Soomaaliya iyo Turkiga iyo boorar lagu xardhey erayo soo dhaweyn ah isla markaasna ay dadku wateen codbaahiyeyaal ay gabayo iyo heeso soo dhaweyn ah, arimahaas oo dhan waxaa uu mahadcelin iyo salaan u jeediyey shacabka iyo Madaxwaynahahooda C/raxmaan Faroole waxaana uu balanqaadey inuu geyn doono fariinta uu Madaxwaynuhu u jeediyey shacabka iyo dawlada Turkiga.

 

Dr. Azdal Etllic oo ah madaxa Ururka UHDER oo dhakhaatiirtani ay ka socdaan ayaa isagu hadiyad qaali ah gudoonsiiyey Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, iyadoo hadiyadan ay ahayd mid ay bixiyey Ururka dhakhaatiirta Rajada ee Turkiga oo hawlgalkan caafimaad wada.

 

Ugu danbeyntii waxay dhakhaatiirtu booqdeen Xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo Isbitaalka guud ee Garowe oo ay mid walba kula kulmeen shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda Caafimaadka, waxaana labada shir ay ahaayeen kuwo siweyn loosoo agaasimey iyadoo shirkii ka dahcay xarunta Wasaaradda Caafimaadka uu Wasiirku uga warbixiyey waxqabadka wasaaradda Caafimaadka iyo baahiyaha dhanka Caafimaadka ka jira, waxaana kulanka Isbitaalku ahaa mid la isku barayey dhakhaatiirta Turkida iyo shaqaalaha Isbitaalka Garowe oo maalmaha soo socda ay wada shaqeyn doonaan, waxaana maamulka Isbitaalku sheegay inay diiwaan galiyeen dadkii dhakhaatiirtu ay wax u qaban lahaayeen oo gaaraya 1500 oo qof, marka ay dhameeyaan maalmaha ay joogayaan Garowe waxay dhakhaatiirtu u gudbi doonaan Gobalo kale oo ay isla shaqadan ka qaban doonaan hadii alle idmo.

 

C/qadir Warsame Yuusuf

 

Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland

 

Xarunta dhexe ee Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Puntland oo maantey qado sharaf u sameeyey Dhakhaartiirtii iyo Warbixin guud oo ku saabsan hawlgadii Caafimaad ee ay Gaalkacyo kasoo qabteen.

 

Puntland-gov.so

 

Garowe: Magaalada Garowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa maantey duhurkii waxaa soo gaarey Wafti balaaran oo ah dhakhaatiir Caalami ah kuwaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame, waftigan ayaa kasoo baxay Gaalkacyo hiirtii waaberi ee saaka waxayna soo mareen dhulka iyadoo ay cagta soo mariyeen degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal isla markaasna waxay xariga ka jareen Xarunta Caafimaadka ee Buurtinle kadib markii uu Wasiirka Caafimaadku ku sharfey inay xariga xarunta ka jaraan Dr. Ozdal Etlic madaxa waftiga dhakhaatiirta Rajada iyo Qusulka guud ee Soomaaliya u fadhiya wadanka Turkiga Sermed Setin. markaas kadib ayaa waxaa ay wafigu qayb qayb u galeen dhismaha xaruntani ka kooban tahay oo hada intiisa badani ay qabyo tahay, isla Xarunta Buurtinle ayaa dhakhaatiirtu waxay goob joog ka ahaayeen Neef Geel ah oo ay ugu tabaruceen in loo qalo dariska Xarunta Caafimaadka ee Buurtinle kuwooda liita iyadoo Neefka Geela ahna lagu bireeyey xarunta.

 

Magaalada Garowe ayaa waftigu waxay ka heleen soo dhaweyn qurux badan oo ay si wadajir ah usoo abaabuleen Maamulka degmada Garowe, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaarada Maamul wanaaga iyo haweenka iyadoo shacabkuna ay si weyn uga qaybqaateen, waxaana waftiga lagala horyimid oo lagu soo dhaweeyey Calamada Turkiya, Puntland iyo Soomaaliya waxayna dadku qabeen dhar hide iyo dhaqan ah una badnaa kuwo cad cad sidoo kale waxaa jirey dad kusoo labistey calanka dawlada Puntland. waftigu soo dhaweyntaas way ka mahadceliyeen waxayna markaas usoo gudbeen magaalada iyadoo la dajiyey Hotel horey loogu diyaariyey.

 

Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed ayaa waftiga maantey u sameeyey casumaad sharafeed qado ah, waxayna u dhacdey si wanaagsan iyadoo casumaaduna ay ka dhacdey guriga Madaxtooyda, halkaas waxaa waftiga si diiran ugu soo dhaweeyey Madax-waynaha Puntland.

 

 

Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame ayaa madaxway-naha uga warbixiyey waftiga dhakhaatiirta ah hawsha ay kasoo qabteen magaalada Gaalkacyo iyo sida ay ugu dhiiran yihiin inay habeen iyo maalin u shaqeeyaan shacabka reer Puntland ee doonaya inay ka faa'idaystaan Ololahan ay dhakhaatiirtu ku kaalmeynayso Dawlada Puntland iyo shacbigeeda. wasiirka caafimaadku waxaa uu madaxwaynaha u sheegay in waftigu ay hawl culus oo adag kasoo qabteen Isbitaalka guud ee Gaalkacyo iyadoo uu carabka ku dhuftey in ay dhakhaatiirtu qaabileen 1205 qof oo bukaan ah. bukaanada qaliinka loo sameeyey ayaa gaarayey 214 qof oo isugu jira qaliimo fudud iyo kuwo culus oo horey wax looga qaban waayay, dadka intiisa kale ayaa adeegyada loo sameeyey waxaa ka mid ah Indhaha, Ilkaha, daaweynta cudurada ku dhaca Dhagaha, Sanka iyo Cunah, daaweynta cudurada Caruurta, Lafaha iyo Ilkaha.

 

Wasiirku waxa uu hadalka siiyey markaas Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud waxaana Madaxwaynuhu uu si diiran ugu soo dhaweeyey dhakhaatiirta turkida ah Puntland, isagoo u sheegay in dalkani yahay koodii labaad, madaxwaynuhu waxa uu waftiga uga sheekeeyey taariikho waayo waayo ahaa oo ay lahaayeen Soomaalida iyo dawladii Ottaman Emipre ee Turkiga oo quwad weyn ahayd oo caalamka ku fidsan.

 

Madaxwayne C/raxmaan Maxamed waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in maantey dadkiisa wax loo qabto isla markaasna ay hawshaas u fuliyeen dhakhaatiir ka yimid dal Islaam ah oo ay saaxiibo yihiin Soomaaliya, isagoo sheegay madaxwaynuhu in bishii May ee sanadkan uu ka qaybgalay shirweyne ka dhacay wadanka Turkiga oo ku saabsanaa arimaha Soomaaliya uuna la kulmey intii uu joogey Stanbul madaxda Hay'ado waa weyn oo isugu jira kuwo dawli ah iyo kuwo Samafal oo Turki ah isla markasna ay ka wada hadleen sidii ay uga saacidi lahaayeen Puntland adeegyada aasaasiga u ah jiritaanka umad kuwaas oo ah Caafimaadka, Waxbarashada iyo dhinacyada horumarinta. Madaxweynuhu waxaa uu fariin mahadnaq iyo bogaadin ah u direy Madaxda dawlada Turkiga iyo shacabka kuna aadan sida ay u doonayaan inay wax ugu qabtaan dadka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadley Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Stanbul Sermet Setin oo isagu ah nin dalkaas kasoo jeeda isla markaasna wakiil u ah dadka iyo dawlada Soomaaliyeed hogaaminayayna waftigan, waxaana uu masuulkan sheegay in siweyn oo aan la filan karin in loogu soo dhaweeyey Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe isagoo sidoo kale sheegay in dadku ay meelo fog kaga horyimaadeen iyaga oo wata calamada Soomaaliya iyo Turkiga iyo boorar lagu xardhey erayo soo dhaweyn ah isla markaasna ay dadku wateen codbaahiyeyaal ay gabayo iyo heeso soo dhaweyn ah, arrimahaas oo dhan waxaa uu mahadcelin iyo salaan u jeediyey shacabka iyo Madaxwaynahahooda C/raxmaan Maxamed Maxamuud waxaana uu balanqaadey inuu geyn doono fariinta uu Madaxwaynuhu u jeediyey shacabka iyo dowlada Turkiga.

 

Dr. Azdal Etllic oo ah madaxa Ururka UHDER oo dhakhaatiirtani ay ka socdaan ayaa isagu hadiyad qaali ah gudoonsiiyey Madaxwaynaha dawlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, iyadoo hadiyadan ay ahayd mid ay bixiyey Ururka dhakhaatiirta Rajada ee Turkiga oo hawlgalkan caafimaad wada.

 

Ugu danbeyntii waxay dhakhaatiirtu booqdeen Xarunta Wasaaradda Caafimaadka iyo Isbitaalka guud ee Garowe oo ay mid walba kula kulmeen shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda Caafimaadka, waxaana labada shir ay ahaayeen kuwo siweyn loosoo agaasimey iyadoo shirkii ka dahcay xarunta Wasaaradda Caafimaadka uu Wasiirku uga warbixiyey waxqabadka wasaaradda Caafimaadka iyo baahiyaha dhanka Caafimaadka ka jira, waxaana kulanka Isbitaalku ahaa mid la isku barayey dhakhaatiirta Turkida iyo shaqaalaha Isbitaalka Garowe oo maalmaha soo socda ay wada shaqeyn doonaan, waxaana maamulka Isbitaalku sheegay inay diiwaan galiyeen dadkii dhakhaatiirtu ay wax u qaban lahaayeen oo gaaraya 1500 oo qof, marka ay dhameeyaan maalmaha ay joogayaan Garowe waxay dhakhaatiirtu u gudbi doonaan Gobolo kale oo ay isla shaqadan ka qaban doonaan hadii alle idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

President Faroole speaking on Istanbul Conference which is a direct result of the Turkish delegation touring Puntland this last couple of days

 

madaxway.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fruits of Istanbul Conference. President Faroole in line with French Foreign Minister, Turkish Prime Minister, UN Secretary General and Turkish Foreign Ministers with other head of States and Officials.

 

farooleistanbul-595x396.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this