Jacaylbaro Posted June 9, 2009 Fanaanada Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise oo wakhtiyadan danbe si weyn uga muuqatay Bandhig faneedyadda loo sameeyo Qaddiyadda Somaliland ayaa la filayaa inay Maalinta khamiista ah ee Dabayaaqada Toddobaadkan dalka Socdaal Rasmi ah ku timaado. Socdaalkan ay Hargeysa ku imanayso Maryan Mursal ayaa la sheegay inuu la xidhiidho doorkii ay ka qaadatay Munaasibadii lagu xusayay 18 guurada ka soo wareegtay Markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageeda oo lagu qabtay Magaalada London, iyadoo Xafladaa Maryan Mursal wacdaro ka dhigtay isla markaana ka qaaday Hees Cusub oo ku saabsan Dalka Somaliland iyo Dimuqraadiyadda ka hana qaaday, taasi oo si weyn u soo jiidatay dadkii ka qayb galay. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka IRELAND Mr. Cabdifataax oo socdaalka ay Maryan Mursal Somaliland ku imanayso dalka qayb ka qaatay ayaa sheegay in ay weheliyaan Lix Xubnood oo kale kuwaasi oo ay kamid yihiin Abwaan Cali-seenyo, labo kamid ah Wiilasha ay Maryan Mursal Dhashay oo la kala yidhaa Kenadiid iyo Kunciil, iyo xubno kale. Safiirku waxa uu intaa ku daray in Muddada ay Maryan Mursal dalka joogto uu Madaxweyne Rayaalle gudoonsiin doono Shahaado Sharaf lagu maamuusayso kaalintii ay ka qaadatay isku duba ridkii xuska 18 May, iyo sida ay ugu ololaynaysay qaddiyada Somaliland, waxa kale oo Muddada ay joogto dalka ay ka dhisi doontaa Hargeysa Dugsi Waxbarasho oo ay ugu magac dartay Abwaan Hadraawi , kaasi oo dhaqaalaha ku baxaya ay ku wareejin doonto Abwaan HAdraawi. Si kastaba ha ahaatee Socdaalka la filayo inay Maryan Mursal Somaliland ku timaado ayaa noqonaya kii labaad ee ay dalka ku timaado tan iyo markii ay Somaliland gooni u madaxbanaanatay 1991, iyadoo ay ahayd dabayaaqadii 2002-dii markii ay Maryan dalka timi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
osman_nz Posted June 9, 2009 Maryan Mursal cares about where-ever she is going to get $$$$...Very sad case if that is the sort of support sland is looking for. Infact it proves they become more of a joke in the political world. As long as the african union and the western world governments don't take them serious, im not concerned. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 9, 2009 Oohin xume, she is welcomed in Somaliland so as every Somali person who is willing to visit. Somaliland is a home for all Somalis ......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
osman_nz Posted June 9, 2009 Jacaylbaro, as long as the government's of the world doesn't take shankaronland seriously..i don't really care if maryan mursal goes there or doesn't.. As long as the world bodies don't and puntland will make sure of that.. Quote Share this post Link to post Share on other sites