Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Banadir Admin puts foundation to new offices PICS

Recommended Posts

G/ku xigeenka maam-ulka g/ banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada oo dhagax dhigay seddax Mch

 

Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SM

 

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Max’ed Cismaan Dhagaxtuur ayaa maanta dhagax dhigay xarumo MCH ah oo ku kala yaalla degmooyinka Kaaraan, Boondheere iyo C/casiis.

 

Xarumahan MCH-yada oo 17kii sano ee dowlad la’aanta dalka ka jirtay ku burburay isla markaana aan lagu sameynin wax dayactir ah ayaa waxaa haatan u soo jeestay inay mar kale 17 sano kaddib boorka ka jafaan maamulka gobolka Banaadir ee uu horkacayo Max’ed Dheere.

 

Max’ed Cismaan Dhagaxtuur, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ayaa maanta ku soo wareegay seddaxdaasi MCH, isagoo mid mid u dhagax dhigay isla markaana warbixino kaga dhageystay guddoomiyaasha degmooyinkaas.

 

Dhagaxtuur, sidoo kale, waxa uu kormeer ku sameeyay waaxda beeraha ee dowladda hoose oo haatan iyadu ku howlan dayactirka jardiinooyinka dowladda hoose.

 

Md. Dhagaxtuur oo hadal u jeediyay xubnihii ka soo qeyb galay munaasabaddaasi ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka degmooyinkuba inay gacan ka geystaan sidii mar kale dib loogu dayactiri lahaa xarumihii dhallaanka iyo hooyada, si ay u helaan dawooyin iyo daryeel caafimaad.

 

Dhagaxtuur waxa uu beesha caalamka ka codsaday inay shacbiga Soomaaliyeed gargaar degdeg ah la soo gaaraan maadaama ay soo dhowdahay bishii barakeysneyd ee Ramadan, sidoo kalena wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed inay bisha Ramadan fadligeeda shacbiga Sooamaliyeed u qafiifiyaan raashinka quutul daruuriga ah.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay mashaariic, kuwo kalena soo kormeeray

8. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Guddomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee xaga arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur ayaa saakay dhagixii ugu horeeyay dhigay dhismo lagu dayactirayo xarunta daryeelka hooyada iyo dhallaanka (MCH) ee degmada Kaaraan.

 

Munaasabadii dhagax dhigaas kadib wuxuu Md. Dhagaxtuur soo indha indheeyay qeybaha dib u dhiska u baahan ee xaruntaas, wuxuuna gacan qaaday madaxda degmada, kuwa waaxyaha iyo dadweynihii ka soo qeybgalay munaasabadaas.

Md. Dhagaxtuur wuxuu dadweynaha degmada Kaaraan ku amaanay sida ay heeganka ugu yihiin howlaha horumarinta ee degmadooda, wuxuuna intaas raaciyay in maamulka Gobolka Banaadir uu muhiimad gaar ah siinayo daryeelka hooyada iyo dhallaanka, taasna ay keentay in Gobolka uu diirada saaron dhismaha xarumaha MCH-yada.

 

Isla maanta wuxuu Guddomiye ku xigeenka soo kormeeray dhismaha dayactirka xarunta MCH-ka degmada Boondheere oo dhismaheeda si habsami ah u socday, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta degmada, qeybaha ururada bulshada iyo ciidamada Booliska, waxaana halkaas ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay kooxda hidaha iyo dhaqanka ee degmadaas.

 

Md. Dhagaxtuur wuxuu mid mid u gacan qaaday madaxdii iyo kooxdii Hidaha iyo dhaqanka isagoo ku amaanay dhaqanka nabadeed ee soo jireenka ah, astaana u ah hab nololeedka reer Boondheere.

 

Wuxuu kale uu Guddoomiye Ku xigeenku soo kormeeray dhismaha MCH-ka degmada C/casiis, wuxuuna dadka deegaankaas kula dardaarmay iney xafidaan MCH-ka ugana faa’iideystaan sidii loogu talagalay.

 

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu isla maanta dhagax dhigay dhisme lagu dayactirayo sadax beer nasasho (Jardiino) oo labo ka mid ah ay ku yaalaan isgoyska Baar Fiat, midka kalena ay ku taalo ka soo horjeedka xarunta wasaaradda gaadiidka ee degmada C/casiis.

 

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda beeraha iyo xoolaha ee Gobolka Banaadir Md. Muqtaar Maxamed Axmed (Dhega Cadde), kaas oo sheegay in ay maanta tahay markii ugu horeysay mudo 17 sano ah oo shacbiga Gobolka Banaadir ay arkaan muuqaalka Jardiinooyin laga shaqeynayo, taas oo uu sheegay in ay ku timid dadaalka maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna ballan qaaday in si dhaqsa ah dayactirkaas kadib loo dhireyn doono beerahaas.

 

“Waxaan maamulka gobolka Banaadir ka codsanayaa in la howlgeliyo faracii baadi qabadka, kaas oo howshiisu aheyd iney wax ka qabtaan xoolaha lagu soo daayo magaalada ee cuna dhirta iyo ubaxa qurxoon ee jardiinooyinka ku beeran” ayuu yiri Agaasime Dhega Cadde.

 

Md. Dhagaxtuur oo isagana hadalkii qaatay ayaa u mahad celiyay agaasimaha iyo shaqaalaha waaxda beeraha, wuxuuna sheegay in maanta ay farxad u tahay iney arkaan diyaarinta beerihii nasashada iyo quraxda badnaa, wuxuuna tilmaamay in tani ay astaan muuqato u tahay rajo nabadeed iyo bilicda magaalada oo dib u soo noolaanaya.

 

Wuxuu kale oo Md. Dhagaxtuur u mahadnaqay dadweynaha degmada C/casiis gaar ahaan haweenka, “Haweenka waa xoog iyo awood lafdhabar u ah dhismaha horumarka bulsho kasta waxaana marqaati ka ahay in howlaha gobolka Banaadir ay haweenku tiir adag u yihiin” ayuu yiri Md. Dhagaxtuur oo amar ku bixiyay in isla maantaba abaal marin dhiiri gelin ah la siiyo haweenkaas.

 

Md. Dhagaxtuur waxaa kormeerkiisa ku wehliyay agaasimaha guud ee arrimaha bulshada G/Banaadir Md. Cabdulle Maxamed Qaasim, agaasimaha waaxda bullaacadaha iyo jidadka Md. Muqtaar Abuukar Macallin, Afaasimaha waaxda xogheynta guud Md. C/rashiid Ibraahim Maxamed, Agaasimaha waaxda warfaafinta ahna afhayeenka Gobolka Md. Maxamed Muxiyaddiin Cali iyo Wariyeyaal.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this