Sign in to follow this  
RedSea

Mohamed Dheere: Wey burburtay

Recommended Posts

RedSea   

MAXAMED DHEERE: “Wey burburtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana jirto Dowlad iga dambeysay oo jirta”

 

-

 

October 15, 2008(HOL): Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aysan wax dowlad ah ka jirin Soomaaliya.

 

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay burburtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wixii ka dambeeyay markii xilka guddoomiyenimada gobolka Banaadir laga qaadayna aysan jirin wax dowlad ah“Wey burburtay Dowladda Federaalka, mana jirto Dowlad iga dambeysay oo jirta” ayuuna yiri Maxamed Dheere.

 

 

Waxaa uu sheegay Maxamed Dheere in nidaam dowladeed ay u dambeysay markii uu xilka Guddoomiyenimada hayay, wuxuuna xusay in markaas ay jireen Dhaqdhaqaaqyo ka socday Xafiisyada Dowladda.

 

 

Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu ku eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, wuxuuna taasi ku sababeeyay in uu ka dhoofay, kana soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xiran, madaafiicna lagu garaaco, xili buu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf la weerarayay marka uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo noqonayo.

 

 

Intaa kadib waxaa uu ka hadlay Maxamed Dheere maamul u sameynta Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo in gobolka Banaadir loo sameeyo maamul ay dadka soo doorteen, wuxuuna caddeeyay in haddii wax la dooranayo isaga la dooran doono, “Haddii Dowladnimo la rabo aniga ayaa la i dooran doonaa, maxaa yeelay waa la arkay wixii aan qabtay intii aan hayay Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir”ayuuna yiri Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

-----------------------------------------------

 

 

comment: Well there were no government to begin with, but when even one of the worst warlords in Somalia admits it, then you know it's really over. :D

 

It's been tough few years for Somalia, but as it seems justice is prevailing. Both Ethiopia and the Somali traitors are feeling nervous.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

So the whole thing is about ones self, or qabiil interest nothing further or beyond that. Thus it wouldn't suprise alot of people if and when Melez fires AY; he turns around and declares the TFG to being fake.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^Some people if they loose their seat they dont know were to go and specially if they committed so much atrocities as of in the case of Aw Dhere it is even worse. The moment he steps out of the office you have lots of people waiting for him to have their share of his flesh. He has a lot of reasons to resent the TFG for sacking him down.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this