Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Saaxil Court Setences Terrorists

Recommended Posts

Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa shalay xukun dhan 24 sanadood oo xabsi ah ku xukuntay Ibraahim Jaamac Axmed, oo lagu eedeeyey inuu ku hawlanaa falal Argagixiso oo lala magaanaa Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, isla markaana waxaa maxkamada caddayn ahaan loo soo hordhigay waxyaabihii uu qarxinta u adeegsanayey.

 

Ninkan ay Maxkamadu 24-ka sanadood ee xadhiga ah ku xukuntay, ayaa ah muwaadin reer Somaliland, iyada oo Maxkmada Gobolka Saaxil ay sida oo kale 24 sannadood ku xukuntay isagoo maqan Saleebaan Cabdilaahi Cara boo isna dembigaas oo kale ku eedaysan, halka ay Maxkamadu sheegtay in waxba lagu waayay oo ay xoriyadiisii u celisay Jaamac Faarax Cabdi.

 

Waxa ninkan la xukumay lagu soo qabtay Magaalada Burco 13-kii Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, waxaana Maxkamadu sheegtay in lagu soo qabtay Miinooyinka budadda ah, rasaas, rimuudo iyo walxo kale.

 

Ibraahim Jaamac Axmed, waxa kale oo lagu eedeeyay inuu nabaro culus ku dhuftay nin sheekh ah oo khudbad ka jeediyay Masaajid maalin Jimce ah Magaalada Burco, kaas oo duray kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa xag-jirka ah.

 

Maxkamada waxa la horkeenay oo ay dhegaysatay illaa todoba qof oo ku markhaati furayay dacwada loo haystsay ninkan, hase ahaatee isagu wuxuu gaashaanka ku dhuftay in aanu qabin dambiga lagu soo eedeeyay. WaxaanaMaxkamadu waxay xukunkan u cuskatay Qodobadda 214,234 iyo 440 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Berbera (Jam)- Maxkamada Gobolka Saaxil, ayaa xukun 24 sannadood oo xadhig ah shalay ku ridday Ibraahim Jaamac Axmed iyo Saleebaan Cabdillaahi Carab, kuwaasoo ay ku caddaadeen inay qorshaynayeen falal argagixiso oo lala maagannaa in laga fuliyo magaalada Burco, xarunta Gobolka Togdheer badhtamihii bishii October ee sannadkan.

 

Mr. Ibraahim Jaamac Axmed oo ah muwaadin u dhashay Somaliland oo ciidammada ammaanka ee Burco xabsiga u taxaabeen 13 October 2009, isla markaana lagu qabtay miinooyin iyo qalab kala duwan oo ah noocyada loo adeegsado qarxyada, ayaa Maxkamadda Gobolka Saaxil isaga iyo Saleebaan Cabdillaahi Carab oo maqane ah ku xukuntay min 24 sannadood oo xadhig ah, halka xorriyaddiisii loo celiyey Jaamac Faarax Cabdi oo maxkamaddu sheegtay in waxba lagu waayey.

 

Sidoo kale, waxa eedaymaha maxkamaddu u cuskatay xukunka Ibraahim Jaamac Axmed u wehelinayey nabarro culus oo u geystay wadaad khudbad ka jeedinayey masaajid ku yaal magaalada Burco maalin Jimce ah, kaasoo khudbaddiisa ku diray kooxaha is-qarxiya iyo kuwa xag-jirka ee ku gabada diinta islaamka.

 

Maxkamadda Gobolka Saaxil oo ammaankeeda shalay aad loo adkeeyey waxa la horkeenay oo ay dhegaysatay ilaa toddoba markhaati oo ku caddeeyey eedaymaha loo haystay ninkan, halka Mr. Ibraahim Jaamac Axmed ka dafiray dhammaan dembiyada lagu soo oogay, iyadoo maxkamaddu xukunkeeda u cuskatay qodobadda 214,234 iyo 440 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

 

Sidoo kale waxa Maxkamadda Gobolka Berbera dhegaysatay khubarro aqoon u leh miinada iyo walxaha qarxa, kuwaas oo sheegayay in qalabka lagu qabtay ninkan loogu talogalay in lagu burburiyo ugu yaraan afar ka mid ah xarumaha waaweyn ee ganacsiga magaalada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Berbera (SDWO 11/11/09)- Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa xukun dheer oo min 24 sanno ah ku riday laba nin oo hore loogu qabtay falal argagixiso oo ay ku doonayeen inay somaliland ka fuliyaan.

 

Labadan eedaysane oo la kala yidhaa Ibraahin Jaamac Axmed iyo Saleebaan Cabdillaahi Carab kadib markii maxkamaddu ku heshay dambiga loo haystay, ayey ku riday xukun min 24 sanno ah, iyadoo xukunka maxkamadu ku dhawaaqday uu goob-joog ka ahaa eedaysane Ibraahin Jaamac Axmed, halka eedaysanaha labaad Saleebaan Cabdillaahi Carab isagoo maqan la xukumay.

 

 

Ibraahin Jaamac Axmed oo intii aan xukunkaasi ku dhicin Maxkamadu wax ka weydiisay eedaha loo haysto, iyadoo Maxkamadda horteedana la keenay agabka loo adeegsado qaraxyada, sida Baaruud, rimoodada loo adeegsadoo qaraxyada la hago iyo qallab kale oo badan, ayaa dafiray in ay wax ka jiro eedahaas loo soo jeediyey, haseyeeshee waxaa isla goobtaas kaga markhaati furay toddoba xubnood oo askartii soo qabatay ah.

 

Geesta kale, waxay maxkammadu xoriyadiisa u soo celisay Jaammac Cabdi Faarax oo isag iyo labadaas nine e la qabtay ay ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen 13-kii October ee sannadkan, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu soo qabtay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Jacaylbaro:

Berbera (Jam)- Maxkamada Gobolka Saaxil,

 

Sidoo kale, waxa eedaymaha maxkamaddu u cuskatay xukunka Ibraahim Jaamac Axmed u wehelinayey nabarro culus oo u geystay wadaad khudbad ka jeedinayey masaajid ku yaal magaalada Burco maalin Jimce ah,

Are these men better and biddable terrorists than those who brutally murdered the travelers around El-Bardale and had shown overt defiance of "authority"?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this