General Duke Posted December 7, 2009 Safiirka Masar ee Soomaaliya oo soo gaaray Bosaaso(Sawirro). December 7, 2009Safiirka Masar ee dalka Soomaaliya Siciid Maxamed Al-Masri ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Masuuliyinti garoonka Safiirka ku soo dhoweeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Duqa degmada Bosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil,Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Yuusuf Muumin Mbidde iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Bashiir Cali Biixi. Safiirka oo saxaafada uga warbixiyey safarkiisa ayaa waxaa u sheegay in safarka u ku yimi degaanada Puntland u salka ku hayo sidoo Dowlada Masar ay u saacidi lahayd Dowlada Puntland. Waxaana u sheegay in Dowlada Puntland ay ka caawin doonaan arimo fara badan oo ay ka mid yihiin; 1.Sidii Puntland ay cirib tiri lahayd Burcad Badeeda. 2.Agab ay ugu deeqi doonaan Cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso. 3.Dhaqaatiir ay keeni doonaan Cisbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso,kuwaasi oo u sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan la tacaalida dadka Bukaanka ah. Waxaa u xusay Safiirku in Madaxweynaha Dowlada Puntland u dhowaan tegi doono dalka Masar,halkaas oo u kulan kula qaadan doono Madaxweynaha wadanka Masar,waxaana u sheegay in safarka Madaxweyne Faroole u ku tegi doono dalka Masar u qeyb ka yahay wada shaqayn dhexmarta Dowlada Masar iyo Dowlada Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites