Sign in to follow this  
General Duke

kismayu: Hiiraale chased out, courts in+ riots + flag incident....

Recommended Posts

KISMAAYO: Xooggag taabacsan Maxkamadaha Muqdisho oo la wareegay gacan ku haynta Kismaayo

Posted to the Web Sep 25, 08:13

 

 

Kismaayo (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada xeebeedda Kismaayo ayaa daboolka ka qaadaya in halkaas ay gaareen ciidammo daacad u ah Maxkamadaha Muqdisho, waxaana hoggaaminayay ciidammada gaaray Sheekh Xasan Turki oo ka mid ah golaha shuuradaha ee Maxkamadaha.

 

Xooggaga qabsaday Magaalada Kismaayo ee Maxkaamdaha ka tirsan ayaa kula wareegay magaalada si tartiib ah oo aanay xabbadi ka dhicin, waxaana la sheegay inay haatan qaarkood qabteen dhanka Garoonka diyaaradaha oo magaalada dhanka galbeed kaga toosan 13-km.

 

Sidoo kale waxaa jira in kooxo kale oo iyagana ka tirsan Xooggaga Maxkamadaha ay abbaareen dhanka Dekedda weyn ee Magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa inay dhawaan la hadlaan dadweynaha Magaalada Kismaayo.

 

Sheekh Xasan Turkey oo wata malleeshiyooyinka Maxkamadaha ee la wareegay Kismaayo ayaa horay u sheegay in magaalada Kismaayo ay gacanta ku dhigayaan noocayn doonto ha noqoto xaaladduye, wuxuuna sheegay inay ka go'an tahay inay qabsadaan Magaalada Kismaayo oo ah goob istiraatiiji ah.

 

Wararka ay Puntlandpost ka helayso Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Magaalada Kismaayo ay xaaladdeedu tahay mid aad u daggan, isla makaana ay ku sugan yihiin ku xigeennadii Col. Barre Hiiraale oo sheegay inay hubkooda ku wareejin doonaan Maxkamadaha Muqdisho.

 

Col. Cabdi Cigaal Jaamac oo ay dhowr jeer oo hore isku dhaceen Barre Hiiraale ayaa sheegay inuu malleeshiyadiisa iyo hubka uu haysto ku wareejin doono Maxkamadaha, waxaana uu sheegay inuu ka filayo inay wax wanaagsan ka qabtaan gobolka oo uu ku sheegay inuu ahaa mid dadkiisu ay dulmanaayeen intii uu Barre ka talinayay oo ahayd 7-sano iyo bar.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rabshado cusub oo ka dhacay Kismaayo ayadoo magaalada Bandaw ku jirto

Last Updated::2006-09-26 13:03:20

 

Kismaayo:- Magaalada Kismaayo ayey xalay markale ka dhaceen isu soo bax rabshado wata oo ay shacabka uga soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamiga.

 

Mudaharaadyada xalay dhacay ayaa lid ku ahaa Bandaw ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha kusoo rogeen magaalada Kismaayo.

 

Bandawga ayaa waxaa jabiyey mudaharaadyo ka dhacay jidadka waaweyn ee magaalada halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad rayid ah oo ka careysan qabsashada magaalada Kismaayo oo u gacan gashay Maxkamadaha Islaamiga ee ka yimid Muqdisho.

 

Illaa iyo hada macada in ay cidi wax ku noqotay rabshadii xalay ayadoo la arkayey dad badan oo dhagaxaan ku tuurayey gaadiidka maleeshiyooyinka Maxkamadaha.

 

Magaalada Kismaayo ayey shalay ka dhaceen mudaharaadyo waa weyn oo ay 3 qofood ku dhinteen.

 

Magaalada Kismaayo ayaa noqotay magaaladii 2aad ay shacabka dhagax tuur kala hortagaan Maxkamadaha Islaamiga.

 

Horey ayey magaalada Bandiiradley ee gobalka Mudug shacabkii deegaankaasi ku dhaqnaa ugala hortageen banaabaxyo maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga.

 

Maxkamadaha ayaa ayagu sheegay in looga yeeray magaalada Kismaayo isla markaana ay amniga sugi doonaan.

 

Hase yeeshee waxaan muuqan qorshe ay maxkamadaha kusoo jiidanayaan shacabka magaalada, ayadoo marba marka kasii danbeysay isku dhacyadan ay sii xumeynayso wixii rajo ahaa oo laga qabay in si degen shacabka magaalada u aqbalaan maamulka cusub ee deegaankaasi la wareegay.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Gedonet.com the mouth piece of Minister Hiiraale turn on their old allies from Galgaduuud.. They claim that MP Seeraar has looted Hiiraales house. Ironic is it not..

[/url]

GD,

Warboot sxb! maxaa hadda u diidaya inuu guriga Hiraale ka soo kaco, shaatigiisi & Koofidiisina xirto, mar haddii ninkii iska lahaa isaga tagay. Xoggaagas yar ha ku sii baashaalo ! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Gedonet.com the mouth piece of Minister Hiiraale turn on their old allies from Galgaduuud.. They claim that MP Seeraar has looted Hiiraales house. Ironic is it not..

They have a reason to vent out Generale. Warlord Hiiraale has not only run way too eary but brought shame with him. Amin Amir depicts Hiiraale’s AWOL on a cartoon image.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^I wonder what you would have said had he stayed and allowed widespread destruction to both Kismaayo civilians and infrastructure alike. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this