Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: The blessed rains have arrived

Recommended Posts

Roob ka da'ay gobollada P/land

22 Apr 22, 2010 - 8:47:00 AM

 

Roobab lagu diirsadey ayaa saqdii dhexe xaley [Apr 21] ka bilowday Magaalada Garowe ilaa subaxnimadii saakeyna uu si xiriir ah roobku uga da,ayey magaalada iyo daafaheeda.

 

Roobabka ka curtey Xarunta Dowlada Puntland ee Garowe ayaa biyo dhig xoogan ka sameeyey gudaha magaalada iyo hareeraha, iyadoona roobka curashadiisu uu bilowmey galinkii danbe shaley.

 

Dadweynaha ku nool magaalada Garowe ayaa saakey laga dareemayey jawi aad u bedel oo leh neecaw macaan iyo saxan saxo islamarkaana dadku ay soo dhaweeyeen Raxmada EEBE cirka kasoo hoortey.

 

Magaalada Garowe waxaa maalmihii lasoo dhaafey ka jirrey kuleyl aad ah oo laga dareemayey cirka iyo qoraxda kaasi oo aan horey loogu arki jirin Garowe xilli kuleylaadka .

 

Inkastoo saakey iyo xaley roobabka sida xiriirka uga da'ayey Garowe dad badan ku farxeen kuwaas oo u sheegey Garowe Online in ALLE Raxmadiisa soo dhaweynayaan oo wax ka bedeli doonto kuleylkii magaalada ka jirrey baryihii u danbeeyey .

 

Xiriiro aanu la sameynay deegaano badan oo ilaa shaley roobabku ka curteen ayaa na loo xaqiijiyey in Gobolka Nugaal inta badan degmoyinkiisa ay qabteen roobabkii xaley iyo saakey da'ayey sidoo kale Roobabku waxey ka de'een qeybo ka mid Gobolada Mudug, Karkaar, Sool, Sanaag iyo Qeybo ka mid ah Gobolada dhexe ee Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Watch out niyow ,,,, Maadeey said Alshabab come with the rain
:D

:D:D as someone (cawke) said previously Al-shabaab will never dare to cross our line

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garoowe: Roobab mahiigaana oo ka da’aya Deegaanada Puntland gaar ahaan Gobalka Nugaal oo

Khasaaro Gaystay (SAWIRO)

 

Posted to the Web Apr 27, 09:25

 

Garoowe:-Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxaa ka da’ayey roobab xoogan kuwaas oo gaystay khasaaro wuxuuna dumiyay guryo qabyo ahaa oo ku dhex yaalay magaalada, roobabkan ayaa si wayn u sameeyey magaalada iyo nawaaxigeeda kuwaas oo dhaliyey biyo aad u baaxad wayn kuwaas oo hakad galiyey isku socodka gaadiidka marka laga reebo dhanka laamiga oo ay marayaan baabuur aad u tiro badan.

 

Roobabkan, oo da’aya mudo shan maalmooda kana da’aya Somamaliya gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa ah kuwo aad u xoogan isla markaana dadyow ku laayey gobalka Nugaal gaar ahaan dooxooyinka waa wayn ee dacmuumo iyo dhuunta ay maraan miyaha mara togaga nugaaleed oo dhan.

 

Maalinimadii shalay ahayd markii gaadiid ay leedahay Hay’adda UNDP xafiiskeeda Garoowe ay safar u aadeen garoonka diyaaradaha ee CANOCO ee magaalada Garoowe halkaas ay ka soo degayeen wafbi balaaran oo ka socday Hay’adda UNDP xiligaas ayaa waxaa da’ayey roobab xoogan balse uma aysan suurta galin iney diyaaradii waday wafitiga in ay soo degto iyadoo la soo dagi wayday garoonkii oo ay buux dhaafsheen biyo aad u awood badan.

 

Gaadiidkii, ayaa waxaa inta aysan gaarin garoonka CANOCO dhexda ka helay biyo aad u baaxad wayn kuwaas oo xowli ku socday waxaana ay biyahaani qaateen 3 gaari oo aha kuwii u kiraysanaa Hay’adda UNDP.

 

Intaas ka dib waxaa sadexdaan gaari ay biyuhu geeyeen meel ka baxsan halkii ay ka qaateen waxaana ugu tagay oo gargaar u fidiyey wiishah loogu talo galay iney arimahaan oo kale ka qayb qaataan isla markaana fududeeyaan howlahaan oo kale.

 

Biyahan ay dhaliyeen roobaka xooga ee ka da’aya deegaanada Puntland gaar ahaan gobalka nugaal ayaa samayn balaaran u gaystay wadada laamiga ee u dhexeeya Boosaaso iyo Galkacyo.

 

Dhanka kale, Hay’adda NESHA oo Puntland u qaabilsan dayac tirka wadooyinka gaar ahaan laamiga ayaa ku howlan sidii ay dibu hayabayn balaaran ugu samayn lahayd wada laamiga ee u dhaxaysa Garoowe iyo Galkacyo waxaana xusid mudan in ay socoto howshaasi lagu doonayo in wax looga qabto wadad laamiga iyadoo ay Hay’adu soo gabagabaysay wadada bosaaso iyo garowe u dhaxaysa waxaana xusid mudan in ay dhawaan gobalka bari ka soo fulisay dhismayaal wadooyina.

 

Ugu damabayntii roobabkaan ayaa waxaa ay ku soo aadayaan iyadoo ay jiraan abaaro iyo biyo la’aan baahsan kuwaas oo ay ka jireen qaybo ka mida gobalada puntland gaar ahaan gobalka sool iyo qaybo ka mida gobalka bari.

 

Siciid Cabdisalaan Siciid

 

Wakiilka Puntlandpost-Garoowe

E-mail loole15@hotmail.com

 

files.php?file=troob3_832285540.jpg

 

files.php?file=troob1_493784305.jpg

 

files.php?file=troob2_572026169.jpg

 

files.php?file=troob5_559855991.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Laascaanood,(Lasanod Online)- Roobab lixaad leh ayaa si isdaba jooga uga da'aya magaalada Laascaanood iyo deegaamada Kale ee SSC, kuwaasoo si wayn shacabku ugu qaboobeen.

 

Roob xoogan oo daadad ka dhasheen ayaa maalinmadii shalay ka da'ay magaalada Laascaanood, kaasoo aan gaysan waxyeelo ah marka laga reebo Danabyo dhawaaq xoogan leh oo dhacayay kuwaasoo aan ku dhicin gudaha magaalada.

 

Hoos ka daawo Sawiradii Roobkii Laascaanood ka Da'ay.

 

Wariye: Abdiqani I. Goox

admin@lasanod.com

Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood.

 

lasanodroob.JPG

 

lasanodroob2.JPG

 

lasanodroob3.JPG

 

lasanodroob4.JPG

 

lasanodroob5.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Subxaanallah! Thank Allah(SWT) for the rains, but I fear due to excessive deforestation and over-grazing of lands, there remains very little vegetation to help retain this rain water for the dry seasons.

 

I am afraid, all this water will quickly seep underground, and once again the people and their livestock must prepare themselves for another unnecessary drought.

 

We need urgently need to plant TREES. And many of them too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this