General Duke Posted November 1, 2010 Boosaaso: Xukun dil ah oo lagu fuliyay dagaalyahano lagu soo qabtay buuraleyda Galgala. 1. November 2010 APL Boosaaso(Allpuntland)-Maxkamadda darajada koowaad ee Maamul goboleedka Puntland ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Axmed Faarax ******* (Muxsin) oo 22 jir ah iyo Saciid Cusmaan Saciid (Zudeysi) 31 jir ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobolka bari oo uu ka dagaalamayay Wadaadka la yiraahdo Sheekh Attam. Xukunkan toogashada ah oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ayaan Saxaafadda ka qeybgelin, iyadoo Maxkamadda ay sheegtay in raggan la soo qabtay 10/09/2010 xili ciidmada Puntland ay dagaal kula jireen maliishiyada Attam. Falkani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Maamulka Puntland ka fuliyo deegaanada uu maamulo, iyadoo dhowaan uu sheegay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole in guud ahaan Puntland ay ka sifeeyeen wax uu ku sheegay argagixisada caalamiga ah. Maxamed Xasan Jeeri AllPuntland, Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Shilling Posted November 1, 2010 Well done! I still don't see why the state gave them a trial; they should've been killed without due process. They were caught aiding and abetting the faceless coward and thus should've been shot the minute they were apprehended. Because of their actions the states security has been threatened and lives have been endangered. Well done nevertheless, well done. Quote Share this post Link to post Share on other sites