Sign in to follow this  
RedSea

Taariikhdii Marxuum indhadeero.

Recommended Posts

RedSea   

This is very lengthy piece, so skim over it, or I even dare you to read all the way through!

 

 

W.Q. Axmed Maxamed Jaamac --

 

Alla ha u naxariistee marxuum Xaaji Cabdi Cawed (Indhadeero) ayaa 7-dii Julay,2006 ku geeriyooday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isagoo bes u dhintay.

 

 

Marxuum Xaaji Cabdi Cawed - Indha DeeroMarxuum Xaaji Cabdi Cawed Cali waxa uu ahaa ganacsade weyn oo muddo dheer ku soo dhex-jiray hawlaha baayac-mushtariga, wuxuuna ka mid ahaa tijaarta waaweyn ee reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida.

 

Alla ha u naxariistee habeen Jimce ah ayuu go’ay, waxaana baroor-diiqdii aaskiisa ka soo qayb galay kumanaan dadweyne ah, oo ka kala yimi gobolo iyo degaamo kala duwan, oo Somaliland iyo meelo kaleba ah, iyadoo uu qofkasta oo maqla marxxuum Geerida Marxuum INDHADEERO uu ku tiraabayey “Nin weyn baa maanta dhintayâ€, laakiin waxay tiraabta taa ku xigtay waxa iyana mar walba ahayd “geeridu waa xaq, waana la wada hurran yahayâ€.

 

Haddaba, Axmed Maxamed Jaamac (Axmed Dheere) ayaa soo ururiyey qaybo ka mid ah taariikh-nololeedkii marxuum Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indhadeero), isaga oo wax ka waydiiyey dad badan oo wax ka yaqaanay sooyaalkii ganacsi iyo hab-dhaqankii shakhsiga ahaa ee marxuumka oo ay ka mid yihiin Jaamac Xaaji Axmed (Dhegeyste) iyo Xasan Cabdi Khayre, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:

 

“Alla ha u naxariistee sooyaalkii taariikheed ee marxuum: Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indhadeero)suurtagal ma aha in hal maqaal ama dhawr maqaal lagu soo koobo, sidoo kalena suurtagal ma aha in maalmo dhawr ah lagu soo wada helo macluumaadka iyo waxyaalaha la xidhiidha sooyaalka taariikheed ee marxuumka, laakiin waxaan halkan idiinku soo gud-binayaa intii ilaa hadda ii suurtagashay inaan soo ururiyo, macluumaadkaas oo qaarna yahay waxyaalaha aan ka xusuusto, qaar-na ka soo ururiyey dad kala duduwan oo aan la kulmay, waxna ka waydiiyey sooyaalkii taariikheed ee marxuumka, iyadoo laga eegayo dhinacyada sooyaalkiisii ganacsi iyo hadii ay tahay waayihiisii nololeed iyo hadii ay tahay hab-dhaqankiisii shakhsiga ahaaba, isaga oo lagaa dabeecado ama sifooyin si gaar ah loogu xusuusto hab-dhaqankiisii shakhsiga ahaa.

 

Marxuum Indhadeero waxa uu dhashay sannadkii 1943-kii, wuxuuna ku dhashay degaanka Caynabo, sidaa darteed marxuumku wuxuu geeriyooday, isagoo 63 jir ah.

 

Arinta xiisaha leh ee aan jeclaystay inaan halkan ku xuso, waxay tahay in marxuumku dhashay maalin Jimce ah, isla markaana wuxuu dhintay maalin Jimce (Illaah baa og xikmadda ku jirta, koleybase waa maalin wanaagsan).

 

Marxuum Indhadeero waxa uu ka dhashay qoys reer baadiye ama xoola-dhaqato ah, halkaas ayuuna yaraantiisii soo barbaaray, hase yeeshee isagoo 7 jir ah ayuu aabihii Cawed Cali dhintay, wuxuuna marxuum Cawed Cali markii dhintay ifka kaga tegay 5 caruur ah iyo hooyadood (2 gab-dhood & 3 wiil). Sidoo kale marxuum isagoo 8 jir ah, ayey hooyadii oo la odhan jiray Qaafo Jaamac, iyana geeriyootay, waa sannad ka dib geeridii aabihii, waxayna labada waalid-ba ku dhinteen miyiga isla degaamada Caynaba.

 

Marxuum Indhadeero iyo walaalihiiba waxay agoon iyo rajoba noqdeen, iyagoo yar yar oo aan weli ciidammin, taasina dab-can waa duruuf adag oo nololeed. Hase yeeshee marxuum Indhadeero markii ay hooyadii iyo aabihiiba geeriyoodeen, wuxuu markiiba ku hammiyey inuu magaalo galo, isaga oo markaa u diyaar garoobay sidii uu u waajihi lahaa tacan iyo halgan nololeed oo adag si ay isaga iyo walaalihiiba uga samata-baxaan waayaha agoonimo iyo rajo-nimo ee la soo deristay.. Sidaa darteed sannadkii 1955-kii ayuu marxuum Indhadeero markii u horaysay magaalo galay, wuxuuna galay magaalada Burco, halkaas ayuuna ka bilaabay noloshiisii magaalo ee u horaysay, isaga oo 12 jir ah.

 

Dabadeed marxuum Indhadeero waxa uu markiiba magaalada Burco ka bilaabay shaqo dhinaca ganacsiga, isagoo mih-nadiisa ganacsi ka bilaabay heerka ugu hooseeya ee laga bilaabo ama laga unko dhaqdhaqaaqyada dhinaca ganacsiga, wuxuuna iibin jiray badeecado yar yar oo ay ka mid ahaayeen: Kabriido, maqasyada, irbadaha, sigaarka IWM., badeecahaa yar yar-na wuxuu marxuumku ku qaaddan jiray bahal Qufad la yidhaahdo oo ahay weel badeecaha lagu qaado oo qoorta la sudho, taas oo marka maanta la eego weel ahaan u dhigmaysa bacaha nooca loo yaqaan Ila-qabad.

 

Marxuum Indhadeero wuxuu ganacsiga noocaas muddo sannado ah ayuu sii wadday, kumana khasaarin ee macaash baa u kordhayey mar-ba marka ka dambaysa, isagoo mar walba dedaal ugu jiray sidii uu u sii horumarin lahaa mih-naddiisa ganacsi. Hase yeeshee sannadkii 1962-kii ayuu markii u horaysay hore uga dhaqaaqay heerkiisii ganacsi ee bilowga ahaa, wuxuuna bilaabay inuu isaga goosha magaalooyin ay ka mid yihiin Burco, Berbera iyo Hargeysa, isagoo inta uu badeecado ka soo iibsado magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa u iibgeyn jiray meelo ay ka mid yihiin magaalada Burco iyo meelo kale, isla markaana wuxuu markiiba ku xidhmay rag badan oo ka mid ahaa bahdii ganacsiga ee magaalooyinka uu isaga gooshi jiray.

 

Tusaale ahaan magaalada Berbera meheradaha ama ganacsatada uu la macaamili jiray waxa ka mid ahaa nin magaciisa la odhan jiray Kulayb Xuseen oo Yameni ahaa, oo magaalada Berbera ku lahaa dukaan weyn oo badeecado kala duwan lagu iibiyo. Sidoo kale magaalada Burco meheradaha oo la macaamili jiray waxa ka mid ahaa dukaan weyn oo uu lahaa nin la odhan jiray Cabdalle Xasabadle oo dhalasho ahaan asalkiisu ahaa Turki, laakiin ahaa nin Carabta aad ula dhaqmay oo Carab la moodi jiray.

 

Dukaanka Cabdalle Xasabadle wuxuu caan ku ahaa iibinta gaasta oo aan had iyo goor laga waayi jirin. Dabadeedna dukaankaa ayuu marxuum Indhadeero inta badan dhigan jiray badeecadaha uu ka soo waarido magaalooyinka kale, laakiin muddo ka dib Cabdalle Xasabadle wuxuu noqday iibiya oo ka shaqeeya badeecadaha uu Marxuum Indhadeero soo waarido. Hase yeeshee marxuum Indhadeero markii uu muddo waddey ganacsigiisii isaga-gooshidda magaalo ilaa magaalo ee waliba sii horumariyey ayuu hore uga sii gudbay, wuxuuna sannadkii 1967-kii magaalada Burco ka furay dukaankiisii u horeeyey, isaga oo isla sannadkaa magaalada Burco ka furay laba dukaan, oo mid lagu iibin jiray raashinka, midna lagu iibin jiray badeecaha bagaasha loo yaqaan, sida: Dharka,IWM. Dabadeedna wixii xiligaa ka dambeeyey marxuum Indhadeero wuxuu salka u dhigay dhaqdhaqaaq ganacsi oo balaadhan, isaga oo isla xiliyadaa bilaabay inuu sii durugsado oo halkii uu meelo dalka gudihiisa ah badeecadaha ka soo waaridi jiray u bedelay inuu dalalka debedaha qaarkood ka soo waarido badeecado ganacsi, sida dalkii la odhan jiray Koonfurta-Yameneed, gaar ahaan magaalo madaxdiisii Caddan, wuxuuna badeecadaha qaarkood ku soo raran jiray diyaaradda Al-yamda la yidhaahdo.

 

Marka laga yimaaddo ganacsigiisii dhinaca iibinta badeecadaha, waxa kale oo uu sannadkii 1972-kii geedi socodkiisii ganacsi ku soo kordhiyey nooc cusub oo ganacsi oo aan xiliyada la aqoonin, taas oo ahayd ganacsi xawaaladaha, wuxuuna qofkii u horeeyey ee xiliyadaa ganacsiga waxa loo yaqaan ganacsiga xawaaladaha bilaabay, isaga oo lacagaha ka soo xawili jiray meelo ay ka mid yihiin dalalka Khaliijka Carabta iyo dalka Yamen.

 

 

Indhadeero oo geel deeq ah siinaya maxaabiista Jeelka markii laga siidaayey Xabsiga 1984kiiGeedi socodka ganacsi ee marxuum Indhadeero mar-ba marka ka dambaysa wuu sii xoogaysanayey, oo kor buu u sii kacayey, wuxuuse aad u sii kob-cay sannadihii toddobaatanaadkii, isagoo meelo kala duduwan oo dhulka Soomaalida ku fidiyey dhaqdhaqaaqiisii ganacsi, waxaana magaalada Burco oo xarun u ahayd ka sokow ka mid ahaa meelihii kale ee uu dhaqdhaqaaqiisa ganacsi ku fidiyey magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo, Berbera iyo Muqdisho iyo meelo kale, meelahaas oo uu ka furtay Laamo iyo wakiillo.

 

Sidoo kale sannadihii toddobaatanaadkii marxuumku wuxuu sii balaadhiyey dhaqdhaqaaqiisii ganacsi ee dhinaca debedaha, wuxuuna bilaabay inuu badeecaha ka soo waarido meelo fog-fog oo dunida ah, sida dalka Hindiya oo uu keeni jiray badeecado ay ka mid yihiin: Kabo la odhan jiray Sandhal oo aad loo isticmaali jiray, Macawiso iyo Go’yaal xariir ah, badeecadahaas oo iibintoodu meheradihiisu si gaar ah caan ugu ahaayeen.

 

Sidoo kale marxuum Indhadeero horaantii toddobaatanaadkii wuxuu saami (Share) ku yeeshay Wershaddii saabuunta ee la odhan jiray BAIL oo ku taalay magaalada Muqdisho, waxayna Wershaddaa wada yeesheen nin la yidhaahdo Xiiray Qaasin Weheliye.

 

Sannadkii 1974-kii ayuu marxuum Indhadeero waxa kale oo uu bilaabay ka baayac-mushtaraynta xoolaha nool, isaga oo u dhoofin jiray dalalka Khaliijka Carabta, iyadoo uu suuqa ugu weyn ee xoolaha loo dhoofiyaa ahaa dalka Sucuudi-Arabia. Laakiin dabayaaqadii toddobaatanaadkii ayey dawladdii Siyaad Barre mar keliya joojisay baayac-mushtarkii ay ganacsatada shicibka ahi debedaha ka soo waaridi jirtay, waxayna ku dhawaaqeen in badeecadaha debedda laga soo waarido ay dawladdu keenayso.

 

Dabadeedna markii ay taasi dhacday ayuu marxuum Indhadeero inta badan dhaqdhaqaaqiisa u leexiyey ka ganacsiga badeecadaha dalka gudihiisa, sida Saabuuntii BAIL iyo Sonkortii ay soo saari jirtay wershaddii la odhan jiray Mareeray. Hase yeeshee muddo yar ka dib ayey dawladdii Siyaad Barre hadana ku dhawaaqday inay badeecadihii debedda laga soo waaridi jiray keeni karaan ganacsatadu, xiligaas oo uu qarxay dagaalkii 1977-kii ee dhexmaray dawladdii Siyaad ee Somaliya iyo dawladdii Mingistu ee Itoobiya, waxayna dawladdii sidaa ku dhawaaqday ka dib markii ay Tah-li-kari wayday inay soo waarido bucsharidihii iyo badeecadihii ganacsi ee debedaha looga baahnaa. Markaa ayuu marxuum Indhadeero halkiisii ka bilaabay ganacsigii uu debedaha wax ka soo waaridi jiray.

 

Dhinaca ganacsigii debedaha marka la eego magaalada Caddan ee caasimadda u ahaan jirtay dalka la odhan jiray Yamenta Koonfureed ayaa xiliyadii u horeeyey noqotay marrinka ama goobta ugu weyn ee uu ka goosho dhaqdhaqaaqiisa ganacsi ee debeduhu. Hase yeeshee xiliyadaa waxa dalka Yamenta Koonfureed, gaar ahaan magaalada Caddan ka qarxay dagaallo Ahliya, waxaana halkaa ka dhashay mushkilado carqaladeeyey xasiloonidii iyo geedisocodkii hanaankii ganacsiga, taasina waxay keentay inuu marxuum Indhadeero halkaa ku sii waddi kari-waayo dhaqdhaqaaqiisii ganacsi, ka dibna wuxuu u wareegay dhinaca dalka Djibouti, halkaas oo uu ruqsadda ganacsi ee LC-ga loo yaqaan kaga ganacsan jiray, una noqotay marrin ama goob ganacsi oo ay badeecadihiisa ganacsi ee dunida isaga gud-bayaa ka gooshaan. Hase yeeshee marka laga yimaaddo badeecadaha uu dhinaca debedaha ka soo waaridi jiray waxa kale oo uu marxuumku sannadihii sideetamaadkii si weyn u xoojiyey ganacsigiisii dhoofinta xoolaha nool, taasina waxay keentay si weyn u sii kobco ganacsigiisu, wuxuuna noqday ganacsade oo waxna dhoofiya, waxna soo dejiya (Import & Export).

 

Xukunkii dilka ahaa iyo ayaamihii murugada.

 

Sida la ogyahay horaantii sannadihii sideetamaadkii waxa bilaabay halgankii hubaysnaa ee uu hormuudka ka ahaa ururkii SNM, waxayna xiliyadii dawladdii Siyaad Barre bilowday olole isugu jira xadhig, dil, boob hantiyeed iyo Caga-juglayn ay kula kacayso dadkii taageersanaa halgankii hubaysnaa ee SNM, arintaasina waxay saamaysay guud ahaan bulsho-weyntii ku dhaqnayd gobolladii la odhan jiray gobolada waqooyi ee dal-weynihii burburay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo hadda ah Somaliland, gaar ahaanse dadka ay ka mid ahaayeen tijaarta, aqoonyahannada, dadka madaxda ah iyo guud ahaan hogaamiyayaasha bulshada ayey arintaasi si gaar ah u sii saamaysay, kuwaas oo inta badan bartilmaameed u ahaa maamulayaashii iyo saraakiishii dawladii Siyaad Barre. Sidaa darteed marxuum Indhadeero wuxuu ka mid ahaa dadkii uu sida xusuusta leh u saameeyey cadaadiskii ay dawladdii Siyaad Barre saartay dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaana marxuum Indhadeero maalmo ka mid ah waayihii

 

noloshiisa isagoo nool, hadana lagu tiriyey dunida geerida. Ka dib markii uu ka mid noqday dhawr iyo afartan qof oo ay maxkamaddii Milateri ee dawladdii Siyaad Barre amar ku bixisay in dhegta dhiigga loo darro, taas oo sannadkii 1984-kii magaalada Burco ilaa 45 qof oo isugu jiray, ganacsato, saraakiil dawladeed, aqoonyahanno, dhalinyaro, odayaal iyo wax-garad kale lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo lagu eedeeyey inay taageero hantiyeed iyo mid ciidan-ba siiyeen ururkii SNM ee dagaalka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Barre. Hase yeeshee 45-kaa qofkaa subixii dhegta loo darayey waxa ka bad-baaday laba qof oo kala ahaa Indhadeero iyo Koofiyad-dheere oo isna ahaa ganacsade reer Burco ah.

 

Maxaa dhacay, sidee bay labadaa nin subaxaa uga bad-baadeen dilkii lagu fuliyey saaxiibadoodii kale ay isku duruufta ahaayeen ?.

 

Alla ha u naxariistee marxuum Indhadeero wuxuu ka mid ahaa dadkii taageerada dhaqaale ka geysan jiray halgankii hubaysnaa ee uu ururkii SNM hormuudka ka ahaa, dabadeedna waxay dawladdii Siyaad Barre amar ku bixisay in la xidho Indhadeero, ka dibna xadhiga ka sokow waxa lagu xukumay dil iyo in hantidiisa lala wareego, iyadoo xiligaa lagu eedaynayey in raashin iyo dirays u raray SNM.

 

Marxuum Indhadeero xiliga lagu xukumay dilka iyo hantidiisa oo lala wareego wuxuu ku sugnaa dalka Djibouti, laakiin Indhadeero markii uu maqlay adigana dil baa lagugu xukumay wixii hanti ahaa kuu yaalay gudaha dalkii Soomaaliyana waa lala wareegay ayuu go’aansaday inuu soo dhoofo oo dalka gudihiisa soo galo, balse dad badan ayaa la hadlay oo kula taliyey inaanu tegin, ee hadii hantidiisii lala wareegay uu naftiisa bad-baadiyo, wuxuuse ku adkaystay inuu tego, isaga oo yidhi hadii aan aduunkaygii waayo, naftaydana aan waayo. Dabadeedna inta uu baabuur Landrover ah oo uu lahaa Djibouti ka soo kaxaystay ayuu socod dhinaca dhulka ku soo galay magaalada Hargeysa.

 

Marxuum Indhadeero wuxuu magaalada Hargeysa soo galay goor fiid ah, ka dibna isaga oo aan meel kale u leex-leexan ayuu markuu soo galay afka iskaga shubay xafiiskii taliyihii qaybtii 26aad ee ciidamadii dawladdii Siyaad Barre oo xiligaa ahaa Janaraal Gaani, iyadoo Janaraal Gaani ahaa sarkaal awood badan oo dawladdii Siyaad Barre ee Muqdisho fadhiday uga wakiil ah, go’aamada iyo amarrada dilalka, xadhiga iyo dhaca hantida dadweynaha.

 

Marxuum Indhadeero siduu u sii socday ayuu isla taagay ilaaladii joogtay albaabkii xafiiskii Gaani, ka dibna wuxuu ku yidhi waxaan ahay ninka Indhadeero la yidhaahdo waxaana doonayaa Gaani, dabadeedna mid ka mid ah ilaaladii ayaa intuu Gaani u tagey ku yidhi taliye waxaa ku doonaya nin Indhadeero la yidhaahdo, ka dibna Gaani ayaa yaabay, oo u qaadan-waayey Indhadeero ayaa albaabka taagan oo ku doonaya, wuxuuna hoosta iska waydiiyey waar malaa ninkii aad dilka ku xukuntay ku dooni-maayo, dabadeedna nin sarkaal ah oo markaa agtiisa fadhiyey, Indhadeerona garanayey ayuu Gaani ku yidhi bal Orod ninka la sheegayaa inuu Indhadeero yahay soo hubi, dabadeedna ninkii sarkaalka ahaa markuu soo xaqiijiyey ayuu Gaani ku soo noqday oo ku yidhi taliye waa isagii, ka dibna Gaani ayaa yidhi ii soo daaya.

 

Indhadeero ayaa u soo galay Gaani oo soo horfadhiistay, waxayna markii u horaysay Indhadeero iyo Gaani is-dhaafsadeen su’aalo dareenku ka sasayo, wuxuun Gaani ugu horayn Indhadeero ku yidhi “maxaad soo doontay miyaanad ogayn inaad dil ku xukumman tahayâ€. Ka dibna Indhadeero wuxuu taa kaga jawaabay “waxaan u imi inaan ogaado sababta aad anigana dilka iigu xukuntay, xoolahaygana ula wareegtay, waa maxay dembiga aan dalkayga iyo dawladaada ka galayâ€.

 

Gaani isaga oo fajacsan oo la yaabban dhiirranaanta ninkan aanay cabsiduba ka muuqan ayuu ku yidhi Indhadeero orod caawa iska tag oo berito ii kaalay, dabadeedna Indhadeero intuu habeenkii gurigiisii Hargeysa iska seexday ayuu subaxnimadii u tegay Gaani, ka dibna Gaani wuxuu Indhadeero ku qaaday diyaaraddiisii khaaska ahayd, wuxuuna geeyey magaalada Burco, waxaana lagu ridday xabsiga, halkaas oo ku sii xidhnaayeen raggii kale ee iyagana dilka loo haystay.

 

Habeen dambe ayey maxkamaddii milateriga ee dawladdii Siyaad Barre Indhadeero iyo raggii kale ee dilka ku xukunnaa ee xabsiga ku jiray waxay amar ku bixisay in si degdeg ah dilkooda loo fuliyo, dabadeedna subaxdii dambe ayaa 45-koodiiba inta laba-laba iyo saddex-saddex la isugu soo xidh-xidhay loo dareeriyey garoonkii dilka, laakiin markii baabuurtii soo qaadaysay la soo saaray ayaa waxa mar keliya Muqdisho ka soo dhacay Taar la leeyahay labadaa nin Indhadeero iyo Koofiyad-dheero waa inaad dilkooda yara hakisaan. Ka dibna inta labadoodii xabsigii lagu celiyey ayaa 43-kii kale goor barqo ah dhamaantood dhegta dhiigga loo daray (Illaahay naxariistiisa janno haka waraabiyee), iyadoo uu Gaani wax badan ku dedaalay inaanay labadii nin ka hadhin dilka, aadna ugu xummaaday markii la yidhi dilkooda hala hakiyo. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay toodii ayaan gelin oo calaf baa u laabnaa, ka wax dila, waxna nooleeyaana waa Allaha weyn, ee waaxidka ah.

 

Ragga maalintaa la laayey waxa ka mid ahaa xubno Qaasin Qodax oo ahaa ganacsade weyn oo reer Burco ah, nin isna la odhan jiray Soonaani iyo nin kale oo isna la odhan jiray Dheg-jar iyo nin kale oo sarkaal ahaa oo la odhan jiray Qorrane.

 

Indhadeero iyo Koofiyad-dheere waxa maalintii dambe loo dhaadhiciyey xabsiga Mandheero, waxaana lagu tilmaamay inay yihiin dil sugayaal, halkaas oo ay ku sii xidhnaayeen muddo ilaa afar bilood ah, laakiin markii ay xabsigaa afar bilood ku jireen ayaa hadana loo wareejiyey xabsi Muqdisho ku yaal, iyadoo lagu riday mid ka mid ah godadkii ad-adkaa ee halkaa ku yaalay, halkaasna waxay ku sii xidhnaayeen muddo kale, waxaase magaalada Muqdisho ka socday dedaalo ay dhinacyo kala duwani wadeen oo lagu baadi-doonayo sidii labadaa nin ee odayaasha ah loo sii dayn lahaa, waxaana raga dhinaca Indhadeero ka socday ee dedaaladaa wax ka waddey ka xusuustaa Suldaan Cali (Suldaankii guud ee H/Jeclo), Xasan Cabdi Khayre oo ahaa sarkaal sare oo ciidamadii Asluubta ah (hadana ah wasiirka boosaha Somaliland) iyo rag kale.

 

Dabadeed waxay socotaba maalintii dambe ayuu Siyaad Barre ii keena ninka Indhadeero la yidhaahdo, ka dibna waa loo keenay, iyadoo ay markaa weheliyeen suldaan Cali iyo Xasan Cabdi Khayre.

 

Markii ay Indhadeero iyo Siyaad Barre isa soo horfadhiisteen ayuu Siyaad Barre markiiba dabada qabsaday hadal dheer, oo uu aakhirkii soo gebagebeeyey, waan ku cafiyey.

 

Dabadeedna Indhadeero wuxuu Siyaad Barre waydiiyey su’aal ahayd “ma naftayda oo qudha ayaad cafiday, mise aniga iyo maalkaygabaâ€.

 

Siyaad Barre ayaa taa kaga jawaabay “mayee adiga uu qudha ayaan cafiyey ee maalkaaga dawladda la wareegtayâ€. Hase yeeshee alla ha u naxariistee marxuum Indhadeero intaa kagama hadhin hadalka ee wuxuu hadana ku celiyey Siyaad Barre “hadii aad aniga I cafiday, maalkaygana ii sii daaâ€.

 

Ka dibna dood iyo wada hadal dheer oo dhexmaray laba dhinac oo kala ahaa, Indhadeero iyo odayaashii weheliyey oo dhinac ah iyo Siyaad Barre oo dhinac ka dib, wuxuu Siyaad Barre markii dambe yidhi adiga iyo maalkaagaba waan cafiyey, wuxuuna Siyaad Barre amar ku bixiyey in Indhadeero hantidii lagala wareegay oo dhan loo fasaxo.

 

Intaa ka dibna wuxuu Indhadeero bilaabay hawl-gal adag oo uu dib ugu urursanayo hantidiisii ku filiqsanayd dalka gudihiisa ee sida boobka ah loola wareegay, waxayna maamulayaashii iyo saraakiishii dawladdii Siyaad Barre isla muteen dhibaato badan, isagoo nin walba intuu budh isla hortaagay ku yidhi ii soo tiri aduunkaygii aad guratay.

 

Waxay socotaba marxuum Indhadeero inta badan hantidiisii dib ayey gacantiisa ugu soo noqotay, ka dibna halkiisii ayuu dib uga bilaabay hawlihiisii ganacsi, dibna u wada furay xafiisyadiisii iyo bakhaaradiisii albaabada loo xidhay ee wixii hoos-yaalayna la daad-guraystay.

 

Sannadkii 1988-kii markii ay xoogaggii ururka SNM gulufka milateri ku soo galeen gudaha gobolada Somaliland ee ay foodda is-dareen ciidamadii dawladdii Siyaad Barre waa tii ay dalka ka dhacday masiibadii laxaadka lahayd ee dad iyo duunyoba galaaftay, ka dib markii ay ciidamadii Siyaad Barre ee hubka culus haystay duqeeyeen magaalooyinka intooda badan, taasina ay galaafatay dad aan tiradooda la koobi Karin iyo sidoo kale burbur hantiyeed oo qayral-xad ah. Ka dibna dadweynihii wixii bad-baaday waxay intooda badan u qaxeen dalka Itoobiya ee aynu deriska nahay iyo qaar u qaxay meelo kaleba sida Djibouti. Sidaa darteed xiligaa dhaqaalihii iyo hantidii marxuum Indhadeero waxa soo gaadhay burbur iyo dhaawac weyn, taas oo ay xiligii hantidii marxuum Indhadeero inta badan baaba’day, iyadoo ay taasi qayb ka ahayd burburkii iyo dhibaatadii dalka ku habsatay.

 

Xiligaa marxuum Indhadeero wuxuu ka mid ahaa dadkii u talaabay dhinaca Itoobiya, ka dibna markii uu Itoobiya u gud-bay wuxuu halkaa dib uga bilaabay dhaqdhaqaaq ganacsi, isaga oo dedaal mar kale u galay sidii uu u soo noolayn lahaa hawlihiisii ganacsi, wuxuuna laamo ganacsi ka furay meelo ay ka mid yihiin Dirir-dawa, Harta-sheekha, Xarshin iyo meelo kale, iyadoo ay xaruntiisa weyni ahayd magaalada Dirir-dawa, isla markaana maadaama ay hantidiisii dalka gudihiisa taalay inta badan baaba’day marxuumku ganacsiga uu dhinaca Itoobiya ka bilaabay waxa xudun u ahaa hantidii u taalay meelaha dalka debediisa ah.

 

Lasoco qayb kale ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this