Saalax Posted July 26, 2010 Dagaal Ka Dhex Qarxay Ciidamada Maamulka Puntland Iyo Wadaadkii Dhawaan Kaga Dhawaaqay Degaanka Galgal Maamul Hoos Yimaada Alshabaab + Qarax Boosaaso Ka Dhacay. Boosaaso(Ramaas) July 26, 2010 - Dagaalo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay Buuraleyda Galgala iyo Karin ee gobolada Sanaag iyo Bari halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Puntland iyo kooxo hubaysan. Dagaaladan oo geytay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka kala dhacay deegaanada Galgala iyo Karin, waxaana ay u dhaxeeyaan Ciidamada PIS-ta maamulka Puntland iyo kuwa uu hogaaminayo Max’ed Saciid Atam oo la sheegay in uu xadhiidh la leeyahay ururka Al Shabaab. Ciidanka uu hogaamiyo Max’ed Saciid Atam ayaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen deegaanka Karin, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, waxaana la sheegay in halkaa ay ku dileen in ka badan 4 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo dadka deegaanka. Sidoo kale deegaanka Galgala ee gobolka sanaag ayaa iyana la sheegay in uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Max’ed Saciid Atam iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaai ka dhacay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa laga xaqiijiyey in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsadeen ciidamadaasi. Wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in dagaalka lagula kala wareegay gaadiid dagaal iyo saanad militari oo ay lahaayeen dhinacyada dagaalamaya, inkastoo wali aanay jirin cid si dhab ah u sheegatay in gacanta ay ku dhigtay saanada militari. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee dagaalka ka dhashay, hase ahaatee, waxaa ay dagaaladaani cabsi iyo welwel fara badan ku abuureen dadka ku nool Buuraleyda Galgala iyo Karin oo ah goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamadani. Dhinaca kale, Waxaa qarax uu ka dhacay Xaafada New Boosaaso ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites