Sign in to follow this  
General Duke

Somali Pres holds meetings + PM to open office in Mogadishu

Recommended Posts

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo New York kulamo kula yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgashay Shirkii Madaxda Adduunka

 

 

Abdlullahi Yusuf Ahmed, president of the transitional federal government of Somalia, speaks during the 60th session of the General Assembly Saturday, Sept. 17, 2005, at the United Nations. (AP Photo/Julie Jacobson)

Sabti, September 17, 2005(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeybgalay shir ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan madaxda Adduunyada ayaa lagu soo waramayaa in madaxweynaha uu kulan halkaas kula yeeshay madax ka socotay dalal dhowr ah oo Arrimaha Soomaaliya daneeya.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa maanta u sheegay saxafiyiinta in madaxweynaha uu kulan la yeeshay madax ka socotay dalalka Jabuuti, Itoobiya, Sweden, Moroco, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xiriirada Soomaaliya iyo dalalkooda, iyadoo sidoo kalena ay ka wada hadleen sidii ay dalalkaas u caawin lahaayeen Dowladda Soomaaliyeed ee cusub.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa kale oo uu sheegay in madaxweynaha uu kulamo kale la yeelan doono madax ka socota dalalka Canada, Ruushka iyo Shiinaha, sidoo kalena uu Madaxweynaha arki doono Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ka hor inta uusan dalka dib ugu soo laaban.

 

Diinaari waxaa uu intaas ku daray in C/llaahi Shiikh Ismaaciil oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed uu ka qudbeeyay kulan madaxeedkaas, isagoo tilmaamay in Danjire C/llaahi Sh. Ismaaciil uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Qaramada Midoobay, Soomaaliya iyo weliba taageero la’aanta beesha caalamka ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

C/llaahi Sh. Ismaaciil oo kulankaas ka qudbadeeyay ayaa sheegay in tan iyo markii la dhisay Qaramada Midoobay aysan dhaliila la’aan ahayn, laakin afkaartii ururka loo aas aasay ay weli isugu dhegan tahay sideedii, isagoo dhibaatada Soomaaliya heysatana dusha u saaray beesha caalamka oo sida uu yiri ku guuldareysatay in ay Soomaaliya deg deg ugu jawaabto, wuxuuna xusay in ay Soomaaliya u qalanto in ay beesha Caalamka deg deg uga soo jawaabto taageerada ay u baahan tahay.

 

Shirkii ay madaxda Adduunyada isugu yimaadeen magaalada New York ee lagu xusayay sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Qaramada Midoobay ayaa la soo gebagebeeyay xalay, iyadoo waxyaabihii lagu guddoonsadayna ay ka mid ahaayeen ka hortagga Farriga, Argagixisonimada iyo dadka la xasuuqo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo ku guda jira inuu dhawaan furo Xafiiskiisa Muqdisho

Muqdisho:- Magaalada Muqdisho ayey ka socdaan dadaal lagu diyaarinayo soo dhaweynta Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka.

 

Cali Maxamed Geedi oo horey u sheegay inuu xafiis gaar ah ka furan doono magaalada Muqdisho ee Caasimada ayaa hada bilaabay olole uu ku diyaarinayo furitaanka xafiiskaasi.

 

Cali Maxamed Geedi oo hada ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta Kumeel Gaarka ah u ah dowlada ayaa wada xiriiro joogto ah oo uu la yeelanayo siyaasiyiin iyo kooxo kala gedisan oo xarumo ku leh magaalada Muqdisho.

 

Raysalwasaaraha ayaa la hadal hayaa inuu magaalada soo gaaro wakhti dhow ayadoo ay jiraan warar sheegaya in loo diyaarin doono ciidamo kasoo jeeda magaalada Muqdisho oo lagu daro kuwa ay aruurineyso dowlada Federaalka.

 

Ciidamada dowlada ayey hada tababaro uga bilowdeen nawaaxiga magaalada Jowhar ee xerada Gen.Daa'uud ee horey ugu magac dheerayd aaga Koongo.

 

Magaalada Muqdisho ayey beryihii dhowaa ka socdeen dhaq dhaqaaqyo lagu taageerayo dowlada Federaalka iyo Raysalwasaare Geedi oo asagu xooga saaraya inuu sal dhig dhameystiran ka furto magaalada Muqdisho.

 

Dowlada Federaalka ayaa horey u sheegtay in aysan usoo wada guuri doonin magaalada caasimada ah ee Muqdisho, balse si kumeel gaar ah usii joogi doonaan magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe oo 90km u jirta Muqdisho.

 

Balse xukuumada ayaa go'aankeeda ku dartay in magaalada Muqdisho laga hirgeliyo xafiiska Raysalwasaaraha iyo kan Wasiirka Arrimaha Guddaha oo asagu laf ahaantiisa hada shaqadiisa ka wada magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaare Geedi oo wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee uu ku doonayo in uu Muqdisho ku yimaado

 

September 18, 2005

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaaraha dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee uu ku doonayo in uu Muqdisho ku yimaado labada maalin ee soo socota.

 

Cali Maxamed Geedi oo xafiis gaar ah ka furi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa haatan bilaabay olole uu ku diyaarinayo furitaanka xafiiskaasi, si howlaha qaranka u yaala ee baaxadda leh looga wado muqdisho, amaankeedana dowladu ay guda gasho sidii ay u soo celin lahayd

 

Dr Cali Maxamed Geedi Ra'isul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo hada ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta Kumeel Gaarka ah u ah dowlada ayaa wada xiriiro joogto ah oo uu la yeelanayo siyaasiyiin iyo kooxo kala gedisan oo xarumo ku leh magaalada Muqdisho.

 

Raysalwasaaraha ayaa la hadal hayaa inuu magaalada soo gaaro wakhti dhow ayadoo ay jiraan warar sheegaya in loo diyaarin doono ciidamo kasoo jeeda magaalada Muqdisho oo lagu daro kuwa ay aruurineyso dowlada Federaalka.

 

Ciidamada dowlada ayey hada tababaro uga bilowdeen nawaaxiga magaalada Jowhar iyada oo xarunta tababarka uu uga socdo Madaxweynaha uu ugu magac daray Xarunta tababarka Cali Jowhar.

 

 

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this