Sign in to follow this  
Garaad Bari

Somali None State Actors (NSA) gathering in Entebbe, Uganda

Recommended Posts

Over 140 people from Non-State Actors are holding three days meeting in Entebbe, Uganda. The meeting is organized by the Center for Research and Dialogue (CRD), in partnership with Saferworld and Interpeace.

 

 

Following None-State Actor’s meeting will be a 3-day civil society meeting with private sector involvements. The meeting is intended to strengthen the cohesion and action of Somali civil society. It will bring together a wide range of leading civil society actors, including NGOs, the business sector, Diaspora and media, both from within Somalia and from the Diaspora

hiiraan

Share this post


Link to post
Share on other sites

The membership for this group is open to every somali individual, after all we all are STATELESS pple but it seems some our intellectuals are starting to realize now.......

 

This is the beginning of a long walk,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taariikhdu marka ay aheyd 7 bishan ayaa waxaa magaallada Entebe ee u jirta Caasimada Dalka Yugandha 40KM waxaa yimid Wufuud ka kala socota Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliyeed,waxaana sidoo kale wafdigaasi ka mid ahaa Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Somalia iyo Caalamkaba.

 

Shirkaani ayaa Maantay waxa uu galay Maalintii labaad isaga oo si rasmi ah uga furmay Magaallada Entebe Hotelka lagu magacaabo imperial Resort Beach Shirkii halkan ay u yimaadeen anaga iyo Qeybaha kale ee War-Wadaaga uu dhexmari lahaa,waxaana loo kala qaaday inuu noqon doono Laba waji kaasi oo midka hore laga dhigay inuu yahay mid ay Ururada Bulshada Rayidka ah ku sameysanayaan Hogaan Urur-mideeya kaasi oo noqon doona mid la xisaabtama sida la sheegay Hay’adaha deeqaha bixiya iyo Dowladaha daneeya arimaha Somalia.

 

 

Xasan Baffo oo ka mid ah Howl-wadeenada Universal TV isla markaana u dhaba galay sil silada shirkan uu ku socdo ayaa waxaa uu qoraal uu ka qorey ku sheegay inuu shirkan yahay Mid ay Somalida ku doon dooneyso Xal u helida Arimaha Somalia,Laakiin waxaa uu Qoraalada uu ka sameeyey daba dhigay Su’aal ah Ma ahan markii ugu Horeysay oo ay Somali tiro badan dibad shir isugu yimaadaan,Laakiin ma kuwii hore ayuu raaci doona Mise waa mid Wado ka duwan Somalida u keeni doona???

 

 

Taasi oo uu in badan wax ka weydiiyey Qeybaha ka qeyb galaya shirkan ayaa waxa ay noqotay Mid hareeysay guud ahaan wajiga uu ku socdo Shirka,waxaana ka qeyb galayaasha shirka ay ku howlahan yihiin sidii ay wax ka duwan shirarkii hore ee somalida u soo saari lahaayeen.

 

 

Muuqalka guud ee Shirka waxaa uu yahay midka socda Hotelka ku yaala duleedka Garoonka kaliya ee Wadanka Yugandha uu leeyhay,waxaa Magaallada uu shirkan ka socdo ay tahay mida laga keenay Ciidamada Yugandha ee ku sugan Gudaha Dalka Somalia kuwaasi oo loogu talagalay sida lasheegay inay qeyb ka qaataan Nabad kusoo dabaalida Somalia.

 

 

Dadka degan Magaallada Entebe ee u dhashay Dalkan Yugandha ayaa si weyn usoo dhaweeyey in magaalladooda ay ku shiraan Somalidii ugu tirade badneyd ee abid shir ku yeelata Magaallada Entebe isla markaana kusoo began tahay Xilli Ciidankii Magaallada ay ku sugan yihiin Muqdisho oo ah Meesha ay inta badan ka yimaadeen Wufuuda Somalida.

 

 

Shirkan ayaa waxaa la isugu keenay dhamaan intii loo arkayey inay arimaha Somalia indha indheyn karaan,walow aysan hadaba dadkan aheyn kuwa lug ku leh Arimaha Siyaasada Somalia marka laga reebo hal iyo Labo taageerayaal u kala ah Qeybaha Siyaasada Somalia isku haya eek ala ah Dowlada Somalia iyo Midowgii Maxaakiimta ee loo itaalka sheegtay sanadkii galbaday dhamaadkiisa.

 

 

Arimaha ugu yaabka badan ee Shirkan inta uu socday la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa Riwaayad ay si wada jir ah u sameeyeen Sadexda Abwaan ee Somalida dhexdeeda Caanka ku ah ee kala ah Maki Xaaji Banaadir “Buurfuule” Abwaan Sugal Abdulle iyoAbwaan Cabi Dhux oo fanka Somalia ku leh Mareegto lama ilaawaan ah,waxaana Riwaayada ay halkaasi ku dhigeen noqotay mid wax weyn ka badashay Dareenka Somalida Shirka joogtay.

 

 

Abwaan Maki oo uga Waramayey Wariye Xasan Baffo Bal dareenkiisa ku aadan Shirkan Entebe uu u yimid bal waxa uu kaga duwan yahay Kuwii hore ee uu qeybta kasoo qaatay uguna danbeeyey wixii shir dibada ka dhacay ee uu isag ka qeyb galo Shirkii Somalida CARTA loogu qabtay ugu danbeyntiina lagu Dhisay Dowladii Carta ee uu Hogaamiyaha ka ahaa C/qaasim Salaad,waxaana uu yiri:-

 

“Aniga waxaa u arkaa shirkan mid Somalida wax weyn ka badali kara,haddii la maro wadada tala-wadaaga,waan la socdaa in Somali yihiin kuwii 18 sano Somalia sida ay hada tahay,laakiin waxaan dhihi lahaa ugu danbeyn Somaliyeey Ma sidaan ayaad inoo garateen in aan ku jirno” ayuu yiri Abwaan Maki Xaaji Banaadir.

 

 

Waa markii ugu horeeysay oo aan aniga Abdiweli Garyare ah socdaal ku imaado Magallada Entebe,waxaana uu socdaalkeya wax wey iska badalay markii an guda galay howlaheyga wareed ee ku aadan sidii aan Somalida ku nool Shanta Qaaradood ee Dunida Qalinkeyga ugu gaarsiin lahaa kulamada iyo Dood wadaaga Somalida ay yeeshaan mudooyin kan danbe.

 

 

Inkastoo Somalida Hadana ay ku jiraan Dad aqoon iyo Caqli u saaxiib ah,waxaan meesh marna ka marneyn jaahilnimo iyo Cudka ay qabaan ee Qabiilka,Kaasi oo inta badan la dega wixii kasoo bixilahaa Shirarka ay Somalida isugu yimaadaan.

 

Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD Mr, Jibriil Ibrahim Cabdulle oo u waramayey Universal TV ayaa waxaa u sheegay in ay Shirkan isugu keeneyn Somalida la is dhihi karo Xaalka Somalia xalkeeda ayey tilmaami karaan,isagoo dhinaca kale wax lagu farxo ku tilmaamay inay isku keeneyn Tiro Somali intaasi la’eg oo la is dhihi karo waa ay wada hadli karaan.

 

 

Hay’adda CRD oo inta badan xarumo ku leh Dalka Somalia gaar ahaan xarunteeda ay tahay Magaallada Caasimada u ah Dalka Somalia ayaa inta badan waxaa ay ka shaqeysaa sidii ay Somalida u wada hadalsiin laheyd iyadoosan ku dhex jirin wax gacan shisheeye ah.

 

Iyaddoo uu iminka bilow yahay Shirka oo dhan isla markaana ay kusoo qulqulayaan Hotelka uu shirku ka socdo,waxaana dhinaca kale lagu soo waramayaa inuu shirkan qeybihiisa danbe iman doono Madaxweynaha Dalka Yugandha iyo madax kale oo ka tirsan Dowladiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Garaad Bari:

The membership for this group is open to every somali individual, after all we all are STATELESS pple but it seems some our intellectuals are starting to realize now.......

This is the beginning of a long walk,,,,,,,

I think by calling their convening Non-State Actors - they are not referring to being stateless.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this