Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi Puntland has a right to exploit its natural resources...+ tax deal

Recommended Posts

“Puntland waa in ay shaqadeeda wadataa, Xor ayeeyna u tahay in ay la soo baxdo Macaadinteeda, cidii ku farxi lahayd iyo Cidii ka naxi lahayd.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Geedi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Puntland waa in ay shaqadeeda wadataa, Xor ayeeyna u tahay in ay la soo baxdo Macaadinteeda, cidii ku farxi lahayd iyo Cidii ka naxi lahayd.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Geedi.

 

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegey in Ganacsiga Puntland uu yahay mid xor ah cid ku soo faragelineysaana aysan jirin.

 

Si kasta oo ay ahaato kulankii maanta ay yeesheen wafdiga DF Soomaliyeed ka socdey, Maamul Goboleedka Puntland iyo Ganacsatada Puntland waxaa uu ahaa mid la siku afgartey sharuuc dhawaan la soo saari doono waxaana ay codsadeen DF Soomaaliyeed in shuruucda iyo Axdiyada Ganacsiga uu yahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland waa in ay shaqadeeda wadataa, Xor ayeeyna u tahay in ay la soo baxdo Macaadinteeda, cidii ku farxi lahayd iyo Cidii ka naxi lahayd.”

He also added that they had a right to breath their God given oxygen. A sigh of relief engulfed the threatened "air".

 

Forko Jembe!!! :( :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdiga Ra'iisul wasaaraha oo la shirey Ganacsatada Puntland

Last Updated::2007-04-12 14:54:34

 

Boosaaso:-waxaa Kulan Maanta ku qaatey Hoteelka International Village wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha DF Soomaliya iyo Ganacsata Puntland.

 

Kulankii Maanta ayaa waxa ka Hadley Ganacsatada Puntland oo ay Goobtii Shirka ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa Ganacsato si weyn looga yaqaan Puntland iyo Rugta Ganacsiga ee Puntland, waxaana shirkaan looga hadlaayey Shuruucda Canshuuraha ee DF Soomaliya oo iyo Ganacsiga Fedraalka iyo kan Dawlad Goboleedyada, Waxaana maanta la soo bandhigey sharci Cusub oo ku saabsan Ganacsiga Puntland.

 

Wasiirka Ganacsiga ee DF Soomaaliya DR C/laahi Axmed Afrax ayaa sheegey in DF Soomaaliya ay soo saartey Sharciga Candhuuraha oo ku soo baxdey Tigreetro madaxweyne 6’dii August ee sanadkii 2006 kaas oo guud ahaan wadanka Soomaliya laga hirgelinayo.

 

Wasiirka Ganacsiga ahna ku simaha Wasiirka Maaliyaada ee DF Soomaaliya Dr C/laahi Axmed Afrax ayaa xusey Fursada ay haystaan Ganacsata Puntland oo uu sheegey in Puntland ay wali wax u dhaqanyihiin, isaga oo xusey in rag uu indhadiisa ku arko rag farabadan oo wax ka yaqaan Xirfada Ganacsiga.

 

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bada ee DF Soomaaliya ayaa kulanka maanta ka dhacay Hoteel International Village ka Hadley waxaana uu xusey in shirkaan uu yahay mid si gaar ah muhiimadiisa u leh.

 

Gudoomiyaha Gobolka, ayaa u mahad celiyey Dawlada Kumeel Gaarka ee Soomaliyeed sida ay isaga xil saartey hawlaha Ganacsiga.

 

Madaxweynaha Puntland Sayid Maxmuud Muuse Xirsi oo isna shirkii Maanta ka Hadley ayaa sheegey in Wafdiga ra’iisul wasaaraha uu hogaaminayo ay u yimaadeen in laga tashado Hawlaha Ganacsiga waxaana kale oo uu sheegey in Wasaarada Maaliyada ay u timid Puntland sidii loo mideyn lahaa Hawlaha Canshuuraha ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegey in ay Jiraan Dad Bad badalayo Hadalada waxaana uu sheegey in ay tahay sidii ay ku heshiiyeen waxaana kale oo uu sheegey in aysan jirin wax la badalayo.

 

Madaxweynaha oo kulankii Maanta ka dhacey Hoteel International Village ka hadlay ayaa sheegey in Puntland waxii karaankeeda ah ay gacan qabaneyso DF Soomaaliya, waxaana uu sheegey in horey ay u taakuleyn jirtey hadana ay taakuleynayso.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka Hadley arimaha dhinaca Ganacsiga waxaana uu sheegey Madaxweynaha Puntland Sayid Maxamuud Musse Xirsi in Xoolaha Puntland ay u heleen Suuq, waxaana uu sheegey in wadamada Cumaan, Yemen Imaraatka iyo Sucuudiga ay qaadanayaan Xoolaha Puntland.

 

Waxaana uu sheegey madaxweynaha in ujeedada Puntland ay tahay in la helo Xoolo caafimaad qaba iyo Lacag ku haboon Xoolaha in la siisto, waxaa uu hoosta ka xariiqey Gen.Cadde in ujeedada kale ee Puntland ay rabto ama ay dooneyso ay tahay in xoolaha Soomaaliya iyo kuwa Goboladan lagu iibsado Dekada iyaga oo aan Gaarin meelahii loo dhoofin jirey.

 

Madaxweynaha Puntland oo ku dheeraadey arinta Xoolaha ayaa sheegey in Puntand ay dooneyso in Gobol kasta laga dhiso meel lagu dhaqaaleeyo Xoolaha inta aysan ka dhoofin Dekada.

 

Ugu danbeystii Wasiirka koowaad ee DF Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi oo Shirkii Maanta ka dhacay Xarunta Hoteel International Village ka Hadley ayaa waxaa uu jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka Hadley Arinta xoolaha ee Soomaaliya iyo Puntland waxaana uu sheegey in Puntland ay gaartey Horumar dhinaca Ganacsiga ah, waxaa uu sheegey Ra’iisul wasaaraha in xooluhu ay yihiin Furaha Ganacsiga ummada Soomaaliyeed, sidaas darteedna loo baahanyahay in lagu dadaalo hor marinteeda.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegey in Puntland ay ku Amaanantahay Horumarka ay ku talaabsaneyso ee dhinaca wax soosaarka waxaana uu sheegey in ay xor u tahay in ay Qodoto macdanta ay dooneyso in ay qodoto waxaana Gobolada Kale ee Soomaaliya uu us sheegey in ay haboontahay in ay ku dayadaan Puntland.

 

“Puntland waa in ay shaqadeeda wadataa, Xor ayeeyna u tahay in ay la soo baxdo Macaadinteeda, cidii ku farxi lahayd iyo Cidii ka naxi lahayd.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Geedi.

 

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegey in Ganacsiga Puntland uu yahay mid xor ah cid ku soo faragelineysaana aysan jirin.

 

Si kasta oo ay ahaato kulankii maanta ay yeesheen wafdiga DF Soomaliyeed ka socdey, Maamul Goboleedka Puntland iyo Ganacsatada Puntland waxaa uu ahaa mid la siku afgartey sharuuc dhawaan la soo saari doono waxaana ay codsadeen DF Soomaaliyeed in shuruucda iyo Axdiyada Ganacsiga uu yahay

 

Mohamed ALi (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Puntland oo aqbalay in ay bixiyaan Canshuuro

Click here to find Shabelle news in English

 

Boosaaso 12, April.07 ( Sh.M.Network) Magaalada Boosaaso ayaa kulan uu ku dhex maray wafdi uu hogaaminayo Ra'isulwasaare Geedi iyo Ganacsatada Puntland, kaas oo looga hadlayay canshuuraha lagu soo rogay garoomada iyo dekedaha dalka Somalia.

 

Kulankaan oo qaatey saacado ayaa ganacsatada Puntland iyo Ra'isulwasaare Ghedi waxa ay ka wada hadleen canshuurihii ay dhowaan ku soo rogeen dowladda KMG ah ee Somalia dekedaha iyo garoomada Somalia, iyadoo kulankaasina la iskula raacay canshuurahaasi.

 

Ganacsatada Puntland ayaa waxa ay si buuxda u ogolaadeen canshuuraha ay ku soo rogtay dowladda, iyagoona sheegay in ay bixinayaan qarashaadkaasi.

 

Ra'isulwasaare Ghedi oo ka hadlay kulankaasi ayaa uga mahad celiyay ganacsatada Puntland sida ay dowladda ugu ogolaadeen canshuurta.

 

Wafuuda Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa kulankaasi ka hor waxa ay kormeero ku soo sameeyeen dekedda iyo Airaporka magaalaada Boosaaso.

 

Click here to find Shabelle news in English

 

C/qani Xasan Dhagjar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Maaliyadda Puntland Gaagaab oo sheegay in dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee Puntland gashay ay qalinka ku duugtay DFKS

 

April 12 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Maxmed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee Maamulka Puntland uu la galay shirkadaha iyo dalalka shisheeye ay Masuuliyiinta DFKS ay qalinka ku duugeen oo ay ansaxiixeen.

 

Gaagaab , wuxuu sheegay in dhammaan waxyaabihii ay Puntland iyo DFKS ay ka wadahadleen guulo laga gaaray.

 

Wuxuuna xusay in si wayn la iskula af-gartay sharciga canshuuraha iyo heshiisyada Caalamiga ah ee Puntland ay horay u saxiixday.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland wuxuu kaloo tilmaamay in Waftidiga DFKS ee uu horkacayo Geedi ay Puntland u joogaan shaqo-qaran , wuxuuna ku ammaanay hawalaha qaran ee ay Ummadda u ahayaan , wuxuuna tilmaamay in ay yihiin hawlahaasi kuwo najaxay.

 

Wasiirka Ganacsiga DFKS C/laahi Cali Afrax ayaa isna si la mid ah gaagaab tilmaamay in dhamaan laga heshiiyay waxyaabihii horay ay ugu muran sanaayeen Puntland iyo DFKS

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysalwasaare Geedi oo ka codsaday Ganacsatada Puntland in ay ka qaybqaataan hirgalinta shirka-qaran iyo xasilinta Muqdisho

 

April 12 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta la shiray ganacsatada Puntland ayaa wuxuu ka codsaday ganacsatada in ay si buuxda uga qaybqaataan hirgalinta shirwaynaha qaran ee lagu wado in uu qabsoomo bartamaha bishan iyo waliba xasilitaanka Muqdisho.

 

Prof.Geedi , wuxuu sheegay in Ummadda Soomaali yeed ay yihiin dad iskumid ah , ganacsatada Puntland ay wax-wayn ka qaban karan xaalada dalka gaar ahaan Muqdisho.

 

Sidaasdarteed , ay lagama maarmaan ahay in ganacsatadu ay u istaagaan soo celinta sharaftii dalka iyo qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed.

 

Cali Ceelaayo Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Puntland ay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada soo celinta sharafta dalka , gaar ahaan qabsoomida shirwaynaha qaran ee lagu wado in lagu qabto Muqdisho.

 

Sidoo kale ganacsato aad u badan oo iyana halkaasi ka hadlay , si la mid ah Ceelaayo ballan qaaday in maalkooda ku bixinayaan wax-kasta oo horumar ay u arkaan , gaar ahaan in ay hirgalinayaan oo ka jawaabayaan codsiga Raysalwasaaraha.

 

Prof.Geedi , ayaa si wayn ugu mahadnaqay dadka reer Puntland oo uu ugu horeeyo M.wayne Cadde Muuse oo isagu kulankan goob-joog ka ahaa iyo shacabkaba , wuxuuna ku tilmaamay in uu kal sooni uu ku qabo madaxda maamulka iyo Ummadda reer Puntland oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this