Sign in to follow this  
Jacaylbaro

What is Happening in Taleex ???

Recommended Posts

Hargaysa (Ogaal)- Dagaal keenay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Sabtidii deegaanka dagamada Taleex oo ka mid ah Gobolka Sool ee Somaliland. Islamarkaana waxa la sheegay in goobtii dirirtu ka dhacday ay ka oogantahay san-saan colaadeed oo ay isugu hub urur sanayaan laba maleeshiyo beeleed oo dagaalkaasi dhexmaray.

 

 

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland oo aanu wax ka waydiinay dhacdadan ayaa Ogaal u xaqiijiyay dhacdadan waxana uu sheegay in dagaalkaasi keenay dhimashada hal ruux mid kalena ku dhaawacmay. "Dagaalkaasi wuu dhacay waxana ku dhintay hal qof mid kalena wuu ku dhaawacmay, " sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan

 

 

koox odayaal ah oo xafiiska Ogaal ee Hargaysa nagu soo booqday ayaa ku dooday in labada dhinac ee dagaalku ku dhex-maray deegaankaasi uu mid ka mid ah taageerayo maamul goboleedka Puntland oo ay sheegeen in uu u socdo khayraad deegaankaas ku jira, islamarkaana aanay wax taageero ah ka helin dhinacoodu Somaliland.

 

 

Xildhibaan Saleebaan oo ka soo jeeda deegaankaasi oo aanu wax ka waydiinay sababta dagaalka iyo tabashada odayaasha ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalkani ka dhashay dhinaca deegaanka, Islamarkaana uu u dhexeeyo laba beelood. "

 

 

Odhan may-no dagaalku waxa uu u dhexeeyaa laba dawladood, waa qabaa'il laakiin qolada soo duushay kama madhna fara-galin dhinaca Puntland ay ka helayaan iyo taageero" Sidaa ayuu Yidhi

 

 

Dhinaca kale xidhiidho aanu la samaynay Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood oo sanadihii ugu danbyeeyba gacanta ugu jirtay maamul Goboleedka Puntland ee Somaliya ayaa muujiyay xaalad adag oo ka aloosan deegaankaasi, "Dagaalku waxa uu u dhexeeyaa Beel Dhul-bah*ante ah iyo Beel ******^teen ah, waxana uu ka dhashay deegaan la kala riixanayo horena labada beelood way isugu dheceen deegaankaasi, Imikana xaaladu way kacsantahay" Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka reer Laas-caanood oo ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal saaka ka qarxay Dhumay oo ka tirsan Degmada Taleex ee Gobolka Sool

 

Waxaa saaka ka qarxay dagaal culus deegaanka Dhumay ee ka tirsan Degmada Taleex ee Gobolka Sool dagaalkaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beelewed oo kasoo kala jeeda Gobolka Sool iyo Nugaal walow dhulka lagu dirirayaa uu yahay Dhul Daraawiisheed.

 

 

Dagaalkan ayaa ilaa iyo hadda aysan jirin wax khasaaro ah oo laga soo sheegayo deegaan kaasi oo uu hadda ka socdo dagaal xoogan oo kafool kafool ah oo u dhaxeeya labadaa maleeshiyo Beeleed ee oo in dhawaydba isku horfadhiyay deegaan kaasi oo marar hore ay ka dhacday colaad soo noqonqoqatay.

 

Dagaalkan saaka ka qarxay deegaankaasi ayaa ilaa hadda socda sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah odayaasha Degmada Taleex mar aan saaka kula xidhiidhnay khadka Fooneeyaha Degmadaasi waxaana uu nooxaqiijiyay in dagaalku socdo ilaa hadana wax khasaaraha aysan jirin oo nasoo gaadhay.

 

Sidoo kale Oday Beeleedkan ayaa waxa uu intaa ku daray in Beesha kasoo jeeda Gobolka Nugaal ay weerarka kusoo qaaday beeshani oo ku sugnayd dhulkeedii ayna beeshaasi weerar ku tahay Dhulka Daraawiisheed oo ay wado dhul boob aan laga yeelayn waa siduu hadalka udhigaye waxaana uu ku eedeeyay dagaalkan aydaba ka riixayaan maamulka Puntland oo wada Beeshaasi.

 

Waxaa horay maalmihii lasoo dhaafay uga dhacay deegaankaasi dagaalo goos goos ah oo aan waynayn kaas oo ay ku dhinteen dad kuna dhaawacmeen kuwo kale kuwaas oo ay dhamaantood gaysteen dadka weerar ka ku haya deegaankaasi ee kasoo duulay Gobolka Nugaal.

 

Isku soo wada duuboo dagaaalkan hadda ka bilowday deegaanka Dhumay ayaa ah dagaal si wayn looga dareemay magaalooyinka Laascaanood iyo Garowe oo dadka magaalooyinkaas ay wadooyinka isugu soo baxeen iyaga oo kawada sheekaysanaya dagaalka kasocda deegaankaasi halka qaar kalena ay gurmad ahaan u aadayaan goobta dagaalku ka socdo.

 

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faysal Cali Waraabe:"Xisbiga UCID wuxuu aad iyo aad uga xun yahay dagaalka ay ku soo qaadeen maleeshiyada ******teeniya degmada taleex

 

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin dagaal dhawaan ka dhacay degmada Taleex halkaasi oo ciidanka Puntland iyo kuwa ka soo jeeda deegaankasi ay halkaasi ku dagaalameen. war-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi isoo gaadhay ayaa u qornaa sidan.

 

"Xisbiga UCID wuxuu aad iyo aad uga xun yahay dagaalka ay ku soo qaadeen maleeshiyada ******teeniya degmada taleex iyagoo adeegsanaya ciidanka maamul goboleedka ******tiinya. Dagaalkaas oo dhimasho iyo dhaawacba keenay.

 

Dhinaca Somaliland waxa caabiyay duulaanka beelaha halkaas daga oo wax taageero ahana ka helin xukuumada Somaliland .

 

Marka u horeysa waxaan tacsi u diraynaa belahaas wixii kaga dhintay dagaalkaas isdifaca ah ee ay dalkooda iyo dadkooda uga caabiyeen cadawga ku soo dulay .

 

Mar labaad waxaa dadweynaha Somaliland ka codsanynaa in ay taageero hiil iyo hooba ah u fidiyaan walaalahood gardarada lagu soo weeraray.

 

Xukuumada Somaliland waxaan xusuusinayna in xilka kowaad ka saarayn yahay difaaca iyo ilaalinta dadweynaha ku dhaqan dhulka JSL ee sida gardarada ah loo soo weerarayo iyado u jeedada ka dambaysan tahay dhul balaadhsi iyo boob khayraadka degaankaas".

 

here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this