Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The President Ordered National Electoral Committee to Meet and Perform Their Duties

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-08-07 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka dalbaday inay isku yimaadan maanta Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka Qaranka.Oo ka kooban shantii xubnood ee Golaha Wakiilladu an-sixiyeen iyo labadii Xubnood ee ay Wakiilladu diideen inay an-sixiyaan in sida ugu dhakhsaha badan Aqalka Barlamaanka loo soo hor-dhigo.

 

Madaxweynaha Somaliland oo isaga oo cuskanaya Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland 114aad faqradiisa 3aad oo jideynaysa hawl-gelinta hay’adaha gaarka ah ee Dawlada mudada ay an-sixinta sugayaan.Iyada oo sida laga war-qabo Golaha Guurtidu go’aan markale dib ugu soo magacaabeen labadii xubnood ee komiishanka ka mid noqon lahaa, sida waxa lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

 

Waxa kale oo war-saxafadeedka lagu sheegay, iyada oo sida aynu ka warqabno kaamiilka inagu soo hayaan wakhti yar-na ay ka hadhsan yihiin mudadii la qaban lahaa Doorashooyinka, waxa lagama maarmaan ah in si dhakhso ah ay u hawlgalaan Komiishanka Cusub Doorashooyinka qaranku si loo beylah tirro hawhs muhiimka ah ee qaranka u igmaday.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu amar ku bixiyey shanta xubnood ee la soo ansixiyey iyo labada xubnood ee weli sugaya ansixintooda si degdega ula wareegaan xilkii komiishanka doorashooyinka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnihii Komiishanka Doorashooyinka Cusub Ee La An-sixiyey Iyo Labadii La diiday Oo la filayo Inay maanta Si Rasmiya Xilka U-la Wareegaan

 

 

hadhwanaag 2007-08-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xubnihii Gudida Doorashooyinka Cusub ayaa la filayaa inay maanta si rasmiya xilka uga-la wareegaan Gudidii uu Madaxweyne Rayaale u magacaabay inay xilka si ku-meel gaadha u hayaan. Kadib markii ay Xukuummadu ka faro-maroojisay Komiishankii hore ee xilkoodu dhamadaay.

 

Gudidan komiishanka doorashooyinka oo ka kooban shantii Xubnood ee Golaha Wakiilladu an-sixiyeen iyo labadii Xubnood ee la diiday in la an-sixiyo, ee diidmadooda lagu sababeeyey inaanay buuxin shuruudihii looga baahna, isla markaana la soo bedelo.

 

Labadan xubnood ee Komiishanka doorashooyinka ee la diiday in la an-sixiyo oo ahaa xubnihii ay Guurtidu soo xuleen oo kala ahaa Muuse Axmed Cumar [Muuse Madoobe], Maxamed Cabdi Xaamud [Nine], ayaa marlabaad Golaha Guurtidu dib ugu celiyeen Wakiillada, taas oo muran ka dhex aloostay Wakiillada iyo Xukuummada oo ay la dhinac yihiin odayaasha Guurtidu.

 

taasina ay wakhtigan keentay inay muddo badan u xanibnaadaan shantii xubnood ee kale ee an-saxay ee kooramkii buuxiyey isla markaana lagu waday inay sii hawl-galaan.

 

Arrintan ayaa kadanbeysay kadib markii uu doraad Madaxweynaha Soomaaliland Md. Daahir Rayaale uu amar ku bixiyey inay shantii xubnood ee gudida doorashooyinka ee la ansixiyey iyo labadii la diidayba ay hawlgalaan taas oo sheegay inay soo dhawaadeen doorashooyinkii.

 

Dadka siyaasada odorosa ayaa ayaa wel-wel ka muujiyey waxa uu madaxweynuhu kaga dabo ladhayo shantii xubnood ee la ansixiyey labadan xubnood ee la diiday ee gudida doorashooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this