Sign in to follow this  
General Duke

MP's call on Sharif Hotel to resign + Adan Madobe fights back...

Recommended Posts

Nayrobi: Shariif Sheekh Axmed oo loogu baaqay Iscasilaad.

14. januar 2010

 

Nayrobi(AllPuntland)- Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo dhexda kaga jira mooshino culeysyo badan leh ayaa shaaca ka qaaday in ay fashilantay dawladda uu madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed oo ay sheegeen in ay awoodi weyday in hanaankeeda Maamul lagaarsiiyo 3 degmo oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanada oo hada kala jooga Nayrobi iyo Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey falkinayay qorshayaal ku wajahan dawladda KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiisyada Madaxda ugu sareysa ee dawladda, iyagoo dooda ugu xooga badan dul-dhigay sharci ahaanshaha Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe).

 

Cabdi Cabdile Siciid loona yaqaano (Jini-Boqor) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, kuna soo jiray baarlamaankii dawladdii Madaxweyne Yuusuf, kana soo horjeeday Siyaasadii C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in uu fashilmay Shariif Sheekh Axmed.

 

Mudanahan baarlamaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dawladda KMG ah in uu la yimaado Iscasilaad, hadii uu doonayo maslax Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka udhigaye, isagoo ku eedeyeey Shariif in uu waxba ka qaban waayay xaaladaha amaan iyo horey udhaqaajinta dhaqdhaqaaqa dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dawladda KMG ah oo hada booqanaya dalka Kenya ayaa la kulmay saacadihi lasoo dhaafay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay sidii ay uga laaban lahaayeen Soomaaliya iyo in la joojiyo Mooshinada faraha badan ee ka socda magaalooyinka Nayrobi iyo Muqdisho, oo hada ay ka jirto xiisad xoog leh oo dhanka Siyaasada ah.

 

Madaxweyne Shariif waa markii ugu horeysay oo ay dawladdiisu dhexda ufariisato mowjado Siyaasadeed oo gudaheeda, iyadoo horay ula daala-dhacaysay dagaalada uga imaanaya kooxaha ka soo horjeeda,waxaana aan la garan Karin talaabooyinka uu qaadayo, maadaama ay utahay markii ugu horeysay.

 

Baarlamaanka KMG ah ayaa looga bartay qorshayaasha mowjadaha Siyaasadeed, kuwaas oo kala qeybiya hadba dawladda jirta, balse Masuuliyiintii kala duwanaa ee jagooyinka uga horeeyey Cumar C/rishiid iyo Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna ahaayeen kuwa saameyn ku dhex leh baarlamaanka, balse Siyaasiin badan ayaa shaki galinaya awooda Madaxdan ay ku dhex leeyihiin baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Jini Boqor:”Xalka Soomaaliya Waxaa ugu sahlan Sheikh Shariif oo Tanaasula”.

 

January 13, Cabdi Cabdulle Siciid “Jini Boqor” oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka DFKM ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegay in xaalka Soomaaliya ay ku jirto oo keliya in u iscasilo Madaxweynaha DFKM ah Shariif Sheikh Axmed.

 

Dhegayso Waraysiga Xil. Cabdi Cabdulle Siciid

Isagoo Wareysi khaas ah siinaayay Horseed Media, waxaa uu sheegay in Xukuumada uu Madaxweyne ka yahay Shariif Sheikh Axmed ay ku fashilantay waxyaabo fara badan, isla markaana aysan wax ka qaban xaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale Xildhibaan Jini Boqor ayaa sheegay in gudoonka Barlamaanka DFKM ah uusan weli waqtigiisa dhamaan isagoo arintaasi ku micneeyey in uusan jirin qodob u degan Barlamaanka DKMG ah oo dhigaaya in Gudoonka Barlamaanka u waqtigiisa uka dhamaaday, waxaana uu ku tilmaamay mooshiinka ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka ay tahay qorshe Siyaasadeed.

 

Xildhibaanka ayaa waxaa u Wasiirka Maaliyada DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xassan Sheikh Aadan ku eedeyey in uu daabacayo lacag aan Barlamaanka la ogeyn,waxaana uu sheegay in ay sharci daro tahay.

 

Xildhibaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in lacagahaas waxyeelanayso shacabka danyarta ah ee Soomaaliyeed, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka hortagaan lacagtaasi.Waxaana uu ku eedeyey Wasiirka Maaliyadda in uu yahay shakhsi cadeystay qaska iyo fowdada.

 

Ugu dambeynti Xildhibaan Jini Boqor ayaa ugu baaqay Shacabka Reer Puntland in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Dowladooda Puntland, isagoo sheegay in hadii aan wada shaqayn jirin in ay Puntland isugu bedeli karto Koonfuurta dalka Soomaaliya. Wuxuuna kula taliyey in danta guud wax kasta laga horumariyo.

 

Xassan Maxamed Aadan(Keysar)

Horseed Media

Nairobi,Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aadan Madoobe oo sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Sharciga ah ee Baarlamanka.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada KMG ah ee Soomaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Adan Madoobe oo maant shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada ka dhax aloosan baarlmaanka isagoona difaacday xilka gudoomiyenimda Baarlamaanka Soomaliya.

 

Aadan Madoobe ayaa waxa uu sheegay in uu yahay Gudoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ,waxa uun tilmaamay in uu jiro doono inta y jirto dowlada islaamarkaana hal mar uu watiga ka dhamaan doono isaga iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Waxa kale uu sheegay in gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee lagu soo dhisay Imbagaati waqti dheeri ah loogu daray shirkii lagu soo doortay Madaxweyne Shariif ee ka dhacay Dalka Jabuuti, waxa uuna Aadan Madoobe carabk ku adkeeyey in gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha isku waqti yihiiin.

 

Sheekh Adaan Madoobe ayaa shiirkiisa Jaraa’id waxa kale uu ku soo hadal qaaday dagaalada ka socda magaalada Beledweyne ee u dhaxeeya Ahlu Sunna iyo Xisbul Islaam , waxa uuna sheegay in dowlada KMG soo dhoweeyneeyso taalaabada Ahlu Sunna ay kula dagaalameeyso kooxaha hubeeysan.

 

Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu dhashay ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay sheegeen in uu waqtiga ka dhamaaday gudoonka baarlmaanka islamarkaana ku baaqay in gudoon cusub la doorto

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanahan baarlamaan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dawladda KMG ah in uu la yimaado Iscasilaad, hadii uu doonayo maslax Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka udhigaye, isagoo ku eedeyeey Shariif in uu waxba ka qaban waayay xaaladaha amaan iyo horey udhaqaajinta dhaqdhaqaaqa dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

My advise to Sharif is to hand over his resignation letter on the eve of his one year anniversary before this escalates any further.

 

I don't understand why people insist that this man keep his job when he is unfit to lead?

 

He does not have the respect and loyalty of his comrades, some MPs are now calling for his resignation, soon, if he does not oblige, they will undermine him, which will follow up with another ugly period of our history. Sad really, I didn't think Sharif would fail us as a leader but he is too dependent on outside forces and too lenient to do any real work on behalf of the people.

 

 

Unless Sharif can come up with a quick and efficient military proposal to defeating the M**ryaan quickly and effectively in the next little while, I just can't see how he will ever fulfill his duties as a President. The Somali Shacab do not need a ceremonial figure.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^He has been bolstered today by the Italians who have a track record of keeping Somalia as it is since 1991.

 

He is going to waste at least another year before he is removed..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by LayZie G.:

 

I don't understand why people insist that this man keep his job when he is unfit to lead?

Who are these people you speak of who insist this man stay?

 

In my opinion, the only people I can think of that back this incompetent buffoon are those that know he is corrupt and ineffectual and only want their fair share of the TFG loot.

 

They argue/complain long and loud on how capable his 'leadership' is, when everyone else knows that their trivial falsities and maladroit flatteries, can NEVER deny the facts on the ground.

 

Almost 1 year into his term and the man has nothing to show for it. He still lives practically under the guardianship of the AU forces in Xamar. He hasn't put into good use all the forces and arms that were trained and provided to him ever since he moved into Villa Somalia. The worst part of it all is that he hasn't even been able to move the deviants back even once. They practically run the south thanks to his abject incapacitation. This man is useless!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Kenya sea deal.

The Djibouti base deal instead of Somali soil.

The corruption and money fraud thats going on.

The failure to articulate a single policy and his lack of effort.

 

He is a failure and thats the very reason this man was made into an "icon" by the world media and the "international community" , they knew he was a vessel anyone could put their interest in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this