Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: President Yusuf arrives in legislative capital of Somalia

Recommended Posts

Baydhabo: Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo tagey Maanta,lana Kulmay Sheekh Aaden Madoobe Iyo Nuur Cadde!!.

31. december 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay , ka dib todobaadyadii ugu danbeeyey oo uu booqanayay Dalala shisheeye.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa soo dhaweyn kala kulmay Madaxda dowlada Soomaaliya ee joogtey Magaalada Baydhabo iyo Kumanaan dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ah ,isagoo markaasina bilaabay wada hadalo ku aadan soo xulitaanka Wasiirada dowlada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyey joogey Magaalada Nayroobi isagoo halkaasi kula kulmayay Madaxda dowladaasi iyo Deeq bixiyaasha Caalamka oo uu kala hadlay arimaha ku aadan sidii taageero xoogan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Warar hoose oo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu Madaxweynuhu la kulmay Madaxweynaha Kenya ,isagoo ugu hanbalyeey Doorashada uu ku guuleystay isagoo tibaaxay in looga baahan yahay in sare loo qaado xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya.

 

Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka bilaabay Xarunta Madaxtooyada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo madaxda dowlada Soomaaliya ,gaar ahaan Raysalwasaare Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Madoobe oo ay ka wada hadlayaan waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya ,gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

 

Tagitaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili beri laga dhowrayo Raysalwasaare Nuur Cadde soo dhisida dowlad Tayo wanaagsan leh ,kana kooban 18-wasiir oo qura ,iyo marxalada Magaalada Muqdisho oo dagaalo ay ka dhacayaan.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya oo ka dagey magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dawlad Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo xubno la socda ayaa goor dhaweyd ka degay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo iminka fariisin u ah hay'adaha federaaliga Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra'isalwasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), Gudoomiyaha Baarlamanka FKMG ah Sheekh Aadan Maxe'd Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo xubno fara badan oo ka tirsan Baarlamanka KMG ah.

 

C/laahi Yuusuf oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxaa uu horey uga yimid magaalada London ee caasimada wadanka Britian halkaasi oo ku joogay baaritaano dhanka caafimaadka.

 

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku xirnaa magacaabista golaha xukuumada DFKMG ah ee laga sugayo Ra'isalwasaare Nuur Xasan Xuseen, iyadoo Nuur Cade uu diyaariyey liiska xubnaha golaha wasiirada ee ka kooban 18 xubnood, waxaana magacaabistaasi si weyn isha ugu haya shacabka Soomaalida iyo beesha caalamka.

 

Wariyaha SBC International ee magaalada Baydhabo Maryan Saylac ayaa soo sheegaysa in markii uu madaxweynuhu uu soo gaarey magaalada Baydhabo uu kulan deg deg ah markiiba la qaatey Ra'isalwasaaraha DFKMG ah iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, kulamadaasi oo lagu macneeyey kuwa ku aadan ku dhawaaqista Ra'isalwasaare Nuur Cade ee xubnaha golaha xukuumada cusub.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha SOmaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo soo gaaray Magaalada Baydhabo.

 

Madaxwaynaha Somaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah Dawlada SOmaliya kadib safar uu kaga soo amba baxay magaalada Nairobi.

 

Waftiga Madaxwaynaha ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo iyadoo soo dhawaynta waftiga ay ka qayb galeen dhamaan golayaasha dawlada somaliya sida Barlamanka iyo golaha xukuumada.

 

Sidoo kale Labada masuul ee ugu sareeyay madaxda dawlada ee horay ugu sugnaa Baydhabo waa Sheekh Aadan madoobe iyo Nuur caddee ayaa ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxwaynaha iyagoo kaga hortagay gagida diyaaradaha ee Baydhabo.

 

Madaxwaynaha ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada isagoo aan wali wax war ah siin saxaafadda balse lagu wado inuu shir jaraa'id ku qabto madaxtooyada wakhtiyada soo socda shirkaasi oo uu kaga warbixin doono arimo ay ka mid tahay xaaladiisa caafimaad.

 

Madaxwaynaha ayaa muddo bil ku dhaw xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka dibadiisa isagoo gaaray magaalada London oo uu joogo dhakhtarkiisa khaaska ah oo horay ugu sameeyay qaliin dhinaca Beerka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowlada Fedaraliga ee Somalia Md: C/llaahi Yusuf Axmed oo Soo Gaarey Magaalada Baydhaba.

Madaxweynaha Dawlad Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cali Cabdalla Saalix ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo iminka fariisin u ah hay'adaha federaaliga Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra'isalwasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), Gudoomiyaha Baarlamanka FKMG ah Sheekh Aadan Maxe'd Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo xubno fara badan oo ka tirsan Baarlamanka KMG ah.

 

Madaxweyne Yuusuf oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxaa uu horey uga yimid magaalada London ee caasimada wadanka Britian halkaasi oo ku joogay baaritaano dhanka caafimaadka.

 

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku xirnaa magacaabista golaha xukuumada DFKMG ah ee laga sugayo Ra'isalwasaare Nuur Xasan Xuseen, iyadoo Nuur Cade uu diyaariyey liiska xubnaha golaha wasiirada ee ka kooban 18 xubnood, waxaana magacaabistaasi si weyn isha ugu haya shacabka Soomaalida iyo beesha caalamka.

 

Madaxweynuhu isla markii uu soo gaarey magaalada Baydhabo wuxuu kulan deg deg ah markiiba la qaatey Ra'isalwasaaraha DFKMG ah iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, kulamadaasi oo lagu macneeyey kuwa ku aadan ku dhawaaqista Ra'isalwasaare Nuur Cade ee xubnaha golaha xukuumada cusub.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdishop.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo gaarey Baydhabo

31 Dec 31, 2007 - 6:12:52 AM

 

Waxaa dib ugu laabtay maanta Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana kusoo dhaweeyay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa waxaa ku wehliyay socodkiisa ilaaladiisa gaarka ah, waxaana markii uu gaaray Madaxtooyada Baydhabo uu kulan xasaasi ah la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

 

Kulanka Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ahaa mid albaabadu u xirnaa, ayaa waxay goob joogayaal ku sugan Baydhabo u sheegeen Garowe Online, inay kaga hadleen labada mas'uul dhismaha xukumadda cusub, iyadoo Nur Cadde uu u gudbiyay Madaxweynaha magacyada 18-wasiirka Wasiir ee uu doonayo inuu ku dhawaaq.

 

Afhayeen u hadlay Madaxweyne Yuusuf ayaa sheegay inuu caafimadkiisu wanaagsan yahay, uuna maalinta berri ah qabanayo shir jaraa'id oo uu kaga warbixinayo safarradiisii caafimaad ee Nairobi iyo London.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia's Yusuf returns home

31 Dec 31, 2007 - 12:32:41 PM

 

BAIDOA, Somalia Dec 31 (Garowe Online) - Interim Somali President Abdullahi Yusuf returned to the southern town of Baidoa on Monday after a weeks-long trip overseas for an annual medical checkup.

 

President Yusuf was welcomed at the Baidoa airstrip by Prime Minister Nur "Adde" Hassan Hussein and parliament Speaker Sheikh Adan "Madobe" Mohamed, among other government officials.

Somali President Abdullahi Yusuf

The president held a closed-door meeting with his premier later today at the Baidoa presidential palace, sources said.

 

No information has been given to the media about the private discussion between Yusuf and Nur Adde, but sources said the discussion was primarily focused on Prime Minister Nur Adde's nominations for his 18-member Cabinet.

 

A spokesman for the Somali president's office told Garowe Online that President Yusuf is "very healthy" and will soon address the country about his recent trip to Kenya and Europe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba ee Gobalka Baay ka dib markii ay ka soo kicitemeen Magaalada nairobi ee Dalka kenya

 

Madaxweynaha ayaa soo dhameystay safar Caadimaad oo uu in mudo ah ku joogay Magaalada London ee Dalka Ingariiska, waxaana mudada uu maqnaa hakad ku jiray ku dhawaaqista golaha Wasiirada Dowladda Federaalka ah ee Somalia oo la sheegay in ay talo ku leeyahay wasiirada tirada yar.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaalia Shiikh Aadan madoobe iyo R/wasaaraha Dowladda Nuur Cade, iyo xubno isugu jira Baarlamaanka iyo Wasiirada.

 

R/wasaaraha Cusub ayaa laga sugayaa Xubnaha golaha wasiirada tirada yar ee uu sheegay in uu soo dhisi doono, ayaa waxa haatan lagu soo waramayaa in uu waqtigii ka dhamaanayo, waxaana uu hakadka u galiyey la tashiyo uu kala sameyn lahaa Madaxweynaha .

 

xukuumadii hore ee uu soo magacaabay ayaa qeylo dhaan baahsan ka timid, waxaana dad badan is weydiinayaan sida loogu qanci karo xukuumadan tirada yar, hase yeeshee waxaa la wada sugaba waa xukuumadii oo la soo dhiso iyo wijiyada ku soo bixi doona.

 

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Mogadishu, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this