Sign in to follow this  
General Duke

Parliment sets up commitee for election of speaker.

Recommended Posts

Golaha Barlamaanka Somalia oo magacaabay gudi qaban qaabinaya doorashada Gudoomiyaha Barlamaanka.

 

Baydhabo, Sabti 20 Jan 07 Simba Radio

Gudoomiye Ku Xigeenka labaad ee Barlamaanka Somalia Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in kulan ay manta isku yimaadeen Madaxda Barlamaanka iyo Xubno uu isaga kamid yahay ay doorteen gudi 15 xubnood ka kooban oo qaban qaabinaya doorashada Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia.

 

Boqore ayaa sheegay in gudigaasi uu madax u yahay Xildhibaan Daahir Xaaji Khaliif, isla markaana ay manta bilaabaneyso qabashada araajiyada xildhibaanada isku soo sharaxaya xilka Gudoomiyaha Barlamaanka Somalia .

 

Boqore ayaa Idaacada Simba u sheegay inay rajaynayaan in doorashada la qabto 29 ilaa 30 Bishaan January.

 

Ololaha doorashada xilka Gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa gudaha Magaalada Baydhabo, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ku aadan doorashada Gudoomiye Cusub oo baarlamanka uu yeesho ay wadaan xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle kasoo jeeda.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inshallah this selection will go smoothly and will end a chapter of a maverick man in a reconciliation government.

 

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Guddi u magacaabay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

 

Sabti, January 20, 2007(HOL): Guddi 15 xubnood ka kooban oo soo diyaarin doona doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo fariisin KMG ah u ah Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

Guddigan oo uu Guddoomiye u yahay Xildhibaan Daahir Xaaji Khaliif ayaa waxaa magacaabay Guddoonka Baarlamaanka oo uu ka socday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre iyo Guddoomiyayaasha Guddiyada Baarlamaanka oo saakay kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo.

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 20/01/2007 ilaa 27/01/2007 ay socon doonto qabashada araajida Xildhibaanada doonaya in ay qabtaan xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, iyadoo doorashada guddoomiyaha Baarlamaankana la qaban doono 29-ka ilaa 30-ka bishan.

 

 

 

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh waxay xilkii uu hayay uga qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, inkastoo Shariif Xasan uu si weyn uga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay oo uu ku tilmaamay mid aan loo soo marin qaabkii sharciga ahaa, isagoo Xildhibaanada xilka ka qaadayna ku sheegay kuwo aan xor ahayn oo la heysto.

 

 

 

Guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo socdaallo ku kala bixinaya Dalal ka tirsan Qaaradda Yurub ayaa xil ka qaadistiisa loo cuskaday in uu hareer maray Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, isla markaana uu xiriir la sameeyay Maxkamadihii Islaamka oo ay dowladda Federaalka iska soo horjeedeen iyo isagoo diiday in uu tago Magaalada Baydhabo oo dhowr jeer looga yeeray, si uu u sii wado howshii uu Baarlamaanka u hayay.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this