Sign in to follow this  
General Duke

Mgadishu: Somali National troops secure huge areas of capital

Recommended Posts

Ciidamada DFKM Ee Lagu sootababaray Itoobiya Oo Howlgalo ka Wada Muqdisho

 

Ciidamada Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya Gaar ahaan kuwa militeriga ha Ee dhowaan lagu Soo Tawabaray Dalka Itoobiya ayaa maantay Howlgalo Baaritaan ah ka fuliyay inta u dhaxeysa Hoteelada Guuleed kaah iyo Wadada isku Xirta isgoska Fagax .

 

Howlgalkani ay Ciidamada Sameynayeen ayaa Waxaa la sheegay in ay Ku Raad joogen Xoogaga Hubeysan Ee DFKMG ah ee Soomaaliya ka Soo Horjeeda Ilaa iyo iminkana Majiraan Cid ay Howlgalkooda ay ku Soo Qabqabteen .

 

Balse Goor dhoweyto ayay Wadooyinkaasi Dib u Furrmeyn ka Dib Markii ay Saakay Xireen Ciidamada Waxaana iminka Si toos ah ku Soo Laabtay Isusocodkii Gaadiidka Iyo Dadweynaha .

 

Sikastoo ay Ahaataba Mudooyinkii u Dambeeyay Ciidamada Lagu So Tababaray Dalka Itoobiya Waxy Howlgalo Xoogan oo oBaaxadleh ay ka Wadaan Wadooyinka Warshadaha iyo Tan isku Xirta Hiliwaa iyo Fagax Mudooyinkii ugu Dambeeyayna Waxaa la Sheegay in Deegaanadaasi ay ahaayeen Deegaanadii ay ugu Xooga Badnaayeen Xoogaga Hubeysan Ee DFKMG ah Ee Soomaaliya kazoo Horjeeda .

 

Isku soo Wada Duub oo arimahani ayaa Waxaa ay Qeybkayihiin Dhiirigelinta Xoogan ay Ciidamada DFKMG ah Ee Soomaaliya ay ka Wadaan Magaalada Muqdisho Sidii ay Amaankeeda u Sugi lahaayeen .

 

Max’ed Xuseen Gentleman

SBCInternational- Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad maanta laga qab qabtay Maqaayad kutaala degmada Hodan

 

(Muqdisho, Axad,27,Julaay,2008,(Hornafrik Media)

 

Maqaayad kutaala degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah waxa ay ka wateen dhamaan dadkii maqaayadaasi wax ka cunayay kadib markii shaqaaqo dad ku dhaawacmeen ay halkaasi ka dhacday.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah suxufiyiinta soomaaliyeed oo xiligaasi ku jiray mayaaqada Ciidamada dowladda xooga ku galeen ayaa waxa uu sheegay in dad isagu uu ka mid yahay lagala baxay maqaayada deetana aad loo handaday.

 

Wariyhu waxa uu sheegay in isaga markii la gartay inuu saxafi yahay la sii daayay balse dadkii kale ay wateen ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya lamana oga sababta Ciidamadu dadkaasi u wateen,balse wax yar ka hor intii aysan Ciidamadu falkaasi sameyn ayaa waxa israsaaseyn daqiiqado socotay ay dhexmartay Ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan waxana ku dhaawacmay halkaasi labo qof oo rayid ah.

 

Isgoyska KM4 waxa saldhiyo ka sameystay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa midowga afrika waxana halkaasi ka dhacay dhowr weerar ay kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisimada ciidamadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacay Muqdisho oo guulo laga kala sheegtay

28 Jul 28, 2008 - 8:37:37 AM

 

Afhayeen u hadlay xukuumada Somalia oo lagu magacaabo G/lle Daahir Max'ed Xirsi ayaa sheegay in dagaal dhexmaray iyaga iyo kooxaha mucaaradka ah ay ku dileen 12 ruux.

 

Sarkaalkaan u hadlay DF, wuxuu sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid la damacsanaa in si gaadmo ah loogu soo qaado ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia, balse ay ka warhleen kana hortageen.

 

"Ciidamadeenu waxay dileen 12 ka tirsan kooxihii nabaddiidka ahaa ee soo weeraray, waxaan ka qabanay 4-dhaawac ah oo la daweynayo, dhankeena waxaa gaaray dhaawaca hal askari" ayuu yiri G/lle Daahir M. Xirsi oo la hadlayay saxaafada.

 

Sarkaalkaan ayaa intaas ku daray in ciidamadoodu aysan dagaalka bilaabin, balse lagu soo qaaday, wuxuuna xusay inay xaq u leeyihiin inay naftooda iyo mida shacabkoodaba difaacaan.

 

Dhinacyadan ayaa gabaldhicii ee xalay [July 27, 2008] uu dagaal ku dhexmaray Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

"Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay warshada Baastada iyo xerada Xayle Bariise oo ay ku jiraan ciidamada Ethiopia, waxaana maqalay madaafiic xoogan oo laga ridayay saldhigyadaas, mase naqaan khasaaraha inta uu le'eg yahay" ayay tiri gabar ka mid ah dadka degen xaafadahaas oo saxaafada la hadashay.

 

Dhaawacyo kor u dhaafaya 5-qof ayaa la dhigay maanta Isbitaalka Madiina, kuwaasoo qaarkood laga keenay degmooyinka ay xalay dagaaladu ka dhaceen, mase jirto cid xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah.

 

Afhayeenka howlgalada Midowga Maxkamadaha Sheekh C/raxiim Ciise oo ay warbaahintu wax ka weydiiyay khasaaraha dagaalkaas ka dhashay inta ay ogyihiin, ayaa sheegay inaysan jirin khasaare dhankooda gaartay.

 

"Xageena ma jirto wax khasaare ah oo nasoo gaaray, waxaanan dagaalkaas ku qaadnay cadowga iyo kuwa gacanta siinaya" ayuu yiri Sheekh C/raxiim Cadoow, oo aan sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen ciidamada DF.

 

Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa ahaa goobo ay maalmihii ugu dambeeyay ka jireen daganaasho, waxaase warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in inta badan ciidamada dhawaan tababarka ka yimid la geyn doono degmooyinkaas oo ay DF aamisan tahay inay yihiin goobaha ay ku dhuuntaan mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn Afrik even admits it, though they spin it a little.

 

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo saaka deganaashiyo ku jira.

 

(Muqdisho, Isniin,28,Julaay,2008,Hornafrik Media) Xaalada amaan ee goobihii galinkii dambe maalintii shalay ahayd la isku farasaaray ee degmooyinkaasi Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa sheegaya in waqti xaadirkaani uu xaalku ku jiro jawi deganaashiyo inkasta oo ay soo kordhayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

 

Dadka deegaanka ayaa idaacada HornAfrik u sheegay in aysan jirin wax dhaq dhaqaaqyo ciidan ah oo ay sameynayaan ciidamada iskaashanaya ee labada dowlo.

 

Inta la ogyahay sadex qof oo rayid ahaa ayaa ku geeriyooday tiro kalana dhawaacyo ayaa ka soo gaaray ka dib madaafiic ku dhaceen guryo ku yaala degmada Heliwaa ee magaaladatani Muqdisho, waxaana wararka soo baxaya haatan ay tibaaxayaan in khasaaraha nafeed ee shibilka soo gaaray uu intaasi ka sii badan yahay bacdamaa ay tiro madaafiic ahayd la soo sheegayo in ay ku dhaceen meelo kala duwan.

 

Inkasta oo rasmiyan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalku ayaa hadana afhayeenka ciidamada Xoogga Dalka Somalia, gaashaanle Daahir Maxamed Xirsi waxa uu idaacada u sheegay in dagaalkaasi ay kaga gacan sareeyeen xoogagii mucaaradka ee u soo weerartagay saldhigyadooda Warshada Baastada iyo daarta Xaleyle Bariise, balse afhayeenka dhinaca howl-galada Maxaakiimta Islaamka, Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa si kulul u beeniyay wararka ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowlada qaarkood.

 

Dagaalkii shalay oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaan ilaa iyo iminka waxaan jirin warar ka madax banaan oo ka soo baxaya dhanacyada dagaalamay waxaana la aaminsanyahay in uu qayb ka yahay iska horimaadyada ka aloolsan gudaha caasimada Somalia ee Muqdisho.

 

Wararka ugu dambeeya ee laga helayo aagaasi ayaa soo ishaaraya in weli xaalku degan yahay wallow cabsiyo ay jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada xooga dalka oo dhawaan bilaabi doona howlgalo amniga lagu sugayo oo Muqdisho oo dhan saameynaya.

 

Afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Xersi ayaa shaacda ka qaaday in ay jiri doonaan howlgalo baaxad leh oo ay ciidamadu dhawaan ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho si meesha looga saaro kooxaha nabad diidka ah.

 

Afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Xersi ayaa shaacda ka qaaday in ay jiri doonaan howlgalo baaxad leh oo ay ciidamadu dhawaan ka bilaabi doonaan magaalada Muqdisho si meesha looga saaro kooxaha nabad diidka ah.

 

“Ciidamadu waxaa ay ku guda jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay waxaana ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo balaaran oo amaanka lagu sugayo”ayuu yidhi afhayeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Mr Daahir Maxamed Xersi.

 

Ciidamada howlgalka bilaabaya ayaa u badan kuwii dhawaan tababarku ugusoo dhamaaday dalka Itoobiya oo maalmahanba kusoo qul qulayay magaalada Muqdisho.

 

Muqdisho oo keliya ma ahan meelaha ay howlgaladu ka boilaabmi doonaan hase ahaatee warar ku dhow dhow taliska ciidanka xooga dalka ayaa sheegaya in howlgaladu ay sidoo kale saameyn doonaan gobalada Bay,Shabeelaha hose,shabeelaha dhexe iyo meelo kale.

 

Hadalka Afhayeenka xooga dalka kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay ay ciidamdu isku fidiyeen qeybo ka mida degmada Huruwaa oo lagu tiriyo in ay ka mid tahay degmooyinka gobalka Banaadir ee kooxaha nabad diidku ay ku leeyihiin fariisimada ay ku dhuumaaleystaan.

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this