Jacaylbaro Posted September 10, 2007 hadhwanaag 2007-09-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Todobadii xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kadib markii ay Golaha Wakiilladu an-sixiyeen xubnahaasi. Dhartaas waxa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Md.Maxamuud Xirsi Ismaaciil [Oomane] ayaa todobada xubnood ee Guddida Doorashooyinka mid mid u dhaariyey. Kadib dhaartaas,Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu kula dar-daarmay xubnaha gudida doorashooyinka inay si daacad-nimo leh u gutaan xilka culus ee ay ummadu u igmatay,Waxaanu Illay uga baryey inuu garan siiyo sida ay xilkooda u gudan lahaayeen. Md.Rayaale waxa uu kuy booriyey Xubnaha Guddida Doorashooyinku inay ku si foobaan oo ay noqdaan kuwo mideysan, Isku kalsoon oo talo-wadaag leh. Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u balan-qaaday xubnaha Guddida Doorashooyinka inuu gacan ka siindoono wixii ay uga baahdaan Xukuummada Somlililand, “Komiishanka Doorashooyinku Waa garsoorayaal sida Maxkamada oo kale, waxaana looga baahan yahay inay markasta tallo-wadaag yeeshaan iyaga oo la tashanaya Axsaabta Siyaasada iyo Cid alla cidda ay Khuseyso Hawlaha Doorashooyinku” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo la hadlayey Xubnaha Gudida Doorashooyinka Cusub oo uu ku tilmaamay inay Garsoorayaal yihiin. Gudoomiyaha Ku-meel-gaadha ee Komiishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Yuusuf Axmed oo halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu balan-qaaday inay si daacadnimo iyo hawl-karnimo leh ay u gudan doonaan xilka culus ee ay ummadu u igmaday. Todobada Xubnood ee Komiishanka Doorashoyinka ee la dhaariyey ayaa kala ah: 1. Maxamed Yuusuf Axmed 2. Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kaba-weyne] 3. Jaamac Maxamuud Cumar Cige [ Jaamac Sweden] 4. Eng Axmed Maxamed Xaaji Daahir 5. Ismaaciil Muuse Nuur 6. Xasan Maxamed Cumar [Xasan looshade] 7. Xirsi Xaaji Cali Xasan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 10, 2007 Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland Madaxtooyada Somaliland Date ; 09/09/07 Warsaxaafadeed Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu ka qayb galay dhaartii guddida Komishanka Doorashooyinka oo saaka lagu qabtay Madaxtooyada . Guddida komishanka doorashooyinka oo ka kooban toddobadii xubnood ee ay ansixiyeen golaha wakiiladu waxa saaka hal hal u dhaariyay gudoomiyaha maxkamada sare ee JSL Mudane Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane . Dhaartaa ka dib, waxa uu madaxweynuhu hadal kooban oo uu halkaa jeediyay kula dardaarmay guddida Komishanka doorashooyinka in ay si daacadnimo ah u gutaan xilka culus ee ummadoodu u igmatay, isaga oo eebe uga baryay in uu ku guuleeyo sidii ay u gudan lahaayeen xilkooda. Waxa kale Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu Komishanka doorashooyinka ku booriyay in ay noqdaan mar walba kuwo midaysan , isku xidhan, isku kalsoon, tallo wadaagna leh. Madaxweynuhu waxa kale oo uu u ballan qaaday komishanka doorashooyinka qaranka in uu gacan ka siin doono , una fududayn doono wax allaale wixii ay uga baahdaan xukuumada. Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisii sii wata waxa kale oo uu u sheegay komishanka doorashooyinka in ay garsoorayaal yihiin, sida Maxkamadaha oo kale, sidaa awgeedna looga baahan yahay in ay mar walba tallo wadaag yeeshaan, iyaga oo la tashanaya asxaabta siyaasada iyo cidd alaale cidii kale ee ay khusayso hawlaha doorashooyinku. Dardaarankaa ka dib, waxa isna hadal kooban halkaasi ka jeediyay Mudane Maxamed Yuusuf Axmed oo ka tirsan guddida komishanka doorashooyinka , isaga oo ballan qaaday sida ay ugu dhaarteen in ay si daacadnimo ah iyo xilkasnimo ah ay u gudan doonaan hawsha culus ee ummadu u xil saartay. Toddobada xubnood ee komishanka doorashooyinka ee saaka la dhaariyay , waxa ay kala yihiin: Maxamed Yuusuf Axmed Maxamed Ismaaciil Maxamed Yuusuf (Kaba weyne) Jaamac Maxamuud Cumar Cige (Jaamac Sweden) Eng Axmed Maxamed X. Daahir Ismaaciil Muuse Nuur Xasan Maxamed Cumar (Xasan Looshade) Xirsi Cali X. Xasan Alla Mahad leh, Siciid Cadaani Mooge Afhayeenka Madaxtooyada JSL Quote Share this post Link to post Share on other sites