Sign in to follow this  
Cowke

PM Sharmarke To Name New Govt

Recommended Posts

Cowke   

Ra'isal wasare Sharma'arke oo magacabey Xukumad cusub

26 Jun 26, 2010 - 10:36:19 AM

 

 

GAROWE ONLINE

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu magacaabo gole wasaaradeed cusub, sida ay sheegayaan wararka ay Garowe Online ka helayso xafiiska Ra'iisul wasaare Sharma'arke.

 

Golaha wasiirrada ee cusub ayaa waxaa qayb ka ah Ururka Ahlusuna Waljamaaca oo horay heshiis awood-qaybsi ah ula galay Dowlada Somalia, iyadoo ay wasiiradan ku jiri doonaan xubno aan horay uga mid ahayn.

 

"Wasiirada cusub ee la magacaabayo waxaa ku jira Axmed C/salaan oo hormuud ka ahaa heshiiskii ay kala saxiixdeen [March 15, 2010] DF iyo Ahlusuna, waxaa loo magacaabayaa Wasiirka arimaha gudaha" ayay tiri il wareed ay la xiriirtay GO.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia oo bil ka hor ku gacansayray go'aan uu Madaxweyne Sh. Shariif ku gaaray inuu xilka ka eryay ayaa wuxuu qaatay go'aankan uu kusoo magacaabo gole wasaaradeed oo cusub.

 

Madaxweyne Sh. Shariif iyo Sharma'arke ayaa isku afgaran waayay wasiirada cusub ee la magacaabayo, iyadoo wararka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha laga helayo ay sheegayaan inuu Sharma'arke ku adkeystay inuu ku dhawaaqo wasiirada cusub.

 

Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay wasiirada uu soo gudbiyay Sharma'arke, kuwaasoo ay ka maqan yihiin xubno badan oo ay Jaal yihiin Sh. Shariif, kuwasoo ka mid ahaa Isbahaysigii ARS, sida Sh. C/raxmaan M. Faarax [Janaqow] iyo Sh. C/qaadir Cali Cumar.

 

Wasiirada cusub ayaa waxaa ku jiray Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo la-taliye sare u ahaa Madaxweyne Sh. Shariif balse hadda xulufo ah la ah Sharma'arke, kaasoo lagu badalay Sh. C/raxmaan Janaqow, halka wasiirka arimaha dibada laga dhigay Max'ed C/llaahi Oomar oo bishan iscasilay.

 

Madaxweynaha Somalia ayaa laga sugayaa inuu ansixiyo golaha wasiirada ee cusub oo tiradooda lagu sheegay 27-xubnood, kuwaasoo badalaya golaha hada shaqeeya oo dhowr wasiir oo lagu dilay qaraxyo ay maleegwwn ururada mucaaradka ku ah dowladda.

 

Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa rumeysan in Golaha Wasiirada ee cusub ay ka wanaagsanaan doonaan xaga waxqabadka wasiirada hadda shaqeeya oo qaar ka mid ah ay iska casileen xilalkooda kuna eedeeyeen dowlada waxqabad la'aan.

 

Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid jagada Wasiirka arrimaha dibada siiyey nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Sheekh Shariif Xasan Macalin oo ah iminka agaadimaha guud ee Madaxtooyada Somalia.

 

Lama oga sababta xilka looga qaadey Jangali balse wararka ayaa xusaya in Ra'isal wasaaruhu rabo inuu ku qanciyo liiskaan Madaxweyne Sheekh Shariif.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this