Sign in to follow this  
Saalax

Breaking News four further citizens kidnapped in Las Qoray

Recommended Posts

Saalax   

War Deg Deg Ah:Mas’uuliyiin Ka Tirsan Shirkadda Nation-Link Oo Lagu Afduubay Magaalada Laasqoray.

Ceerigaabo(Oodweynenews) Mas’uuliyiin ka socdey Shirkadda Isgaadhsiinta ee Nation-Link ayaa Isniintii(maanta) waxay gaadheen magaalada ku taalla xeebta waqooyiga gobolka Sanaag ee Laasqoray, halkaas oo sida ay xaqiijiyeen wararka naga soo gaadhey mas’uuliyiintaas iyo baabuurkii ay wateenba ay afduubeen dad u dhashay degaanka Laasqoray.

 

Mas’uuliyiintan oo tiradooda lagu sheegay afar oo saddex ka mid ahi kazoo kicitimeen dhinaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkan kan afraadna ka raacay magaala-madaxd gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa afduubashadoodan ka hor maalintii Axadda oo ay gaadheen magaalada Badhan (Bariga Sanaag) waxa halkaas ku qabsaday madaxda qaar ka mid ah ciidammada Puntland ee halkas deggan, haseyeeshee muddo kaddib la sii daayey iyagoo weliba lgu daray laba askari (ilaalo) katirsan ciidanka Puntland iyo warqad kusaabsan socdaalkooda (waddo-maris) oo madaxda ciidammadaasi usii qoreen, kaddibna ay usii kicitimeen dhinaca magaala-xeebeedka xilligan lagu afduubay ee Laasqoray.

 

Afduubka mas’uuliyiintan (Nation-Link) ayaa sida ay sheegeen wararka aannu halkaas ka helnay wuxu salka ku hayaa qaar ka mid ah kooxaha budhcad-badeedka ku xidhan xabsiga Mandheera oo iyagu kazoo jeeda degaankan Laasqoray.

 

“Nimankan maanta Laasqoray lagu afduubay waa afar nin oo ka socdey shirkadda Nation-Link oo ka yimid dhinaca Ceerigaabo iyo galbeedka, wateyna baabuur Landcruiser ah, shalaytona Badhan ciidnk puntland ayaa ku qabsaday oo cabbaar caddibey haseyeeshee markii danbe intay laba askari ku dareen warqadna u qoreen ayaa la sii daayey, waxayna usii kicitimeen dhinca laasqoray ee maanta lagu afduubay”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah bulshada degaankaas ku dhaqan oo aannu khadka telefoonka kul xidhiidhnay.

 

Isagoo ka hadlaya sababta mas’uuliyiintan loo afduubayna wuxu yidhi “Arrintan waxa sababay madax-furashadii maxaabbiista budhcad-badeedda iyo gaadiidka ay isku weydaarsadeen Somaliland iyo puntland, waxana manta raggan loo haystaa qaar ka mid ah maxaabbiista budhcad-badeedda eek u xidhan Mandheera oo kazoo jeeda degaankan Laasqoray. Waxayna arrintaasi sababi kartaa sidan oo kale in qaar klena meelo kale lagu qabsado”.

 

Dhinaca kalena bulshada qaybeheeda kala duwan eek u dhaqan gobolka Sanaag ayaa guud ahaanba wel-wel iyo shaki ka muujiyey saamaynta arrintani ku yeelan karto xasilloonida iyo nabadgelyada gobolkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ka hor maalintii Axadda oo ay gaadheen magaalada Badhan (Bariga Sanaag)
waxa halkaas ku qabsaday madaxda qaar ka mid ah ciidammada Puntland ee halkas deggan,
haseyeeshee muddo kaddib la sii daayey iyagoo weliba lgu daray laba askari (ilaalo) katirsan ciidanka Puntland iyo
warqad kusaabsan socdaalkooda (waddo-maris) oo madaxda ciidammadaasi usii qoreen,
kaddibna ay usii kicitimeen dhinaca magaala-xeebeedka xilligan lagu afduubay ee Laasqoray.

So this is part of the Somaliland delegation that "toured" Badhan the other day?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

This latest development has negative impact on the relations between the people of sanaag, and the tensions it might cause.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Stop trying to start trouble? i am all for peaceful coexistence between the people of sanaag, i am not the one who started kidnapping random citizens, however i believe this issue will be sorted out in the upcoming days before it turns to something more unpleasant.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its not a big deal and you are fishing for an angle. Somaliland soon will abide by the Fedral Law of the republic of Somalia which will help addresss problems that arise throughout Somalia..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

General Dukey, this is not a laughing matter, it's like snatching and kidnapping 4 innocent puntlanders out of the blue somewhere in hargeysa? is that what you desire?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer I dont desire any innocent person regardless of race, creed or ethnicity to be snatched from anywhere. However one can not take your stories that seriously.

 

If this is true it will settled by the locals..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this