Sign in to follow this  
General Duke

Mohamed Dheere returns to join war + Sharif's clan join war ?

Recommended Posts

Muqdisho:War Deg Deg ah Gudoomiyihi hore ee G/Banaadir Max'ed Dhere oo goor dhaw ka soo dagay garoonka Muqdisho xarunta madaxtooyadana u gudbay

14. maj 2009

 

 

Muqdisho(AllPuntland )-Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere gudoomiyihi hore ee G/Banaadir ayaa goor dhaw ka soo dagay garoonka Aadan Cadde isaga iyo xubno saraakishisa ah oo la socda.

 

Max’ed Dheere ayaa ka yimid Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu waayadan joogay , waxaana markii uu soo dagay uu galay xarunta madaxtooyada madaxweyne Shariif oo aan la aqoon waxa uu ugu tagay .

 

Max’ed Dheere oo safar qarda jeex ah ku tagay Kenya markii ciidamada Ethopia ay ku xireen Dowlow ayaan la aqoon siyaasadisa iyo qaabka oo u wajahayo xaaladaha Muqdisho.

 

Max'ed Dheere ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyey gudoomiyaha gobolka banaadir Max'ed Cismaan Dhagax iyo ku xigeenkisa C/fataax Shaweye.

 

Wixi ku soo kordhaa kala soco AllPuntland Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maliishiyooyin beeleedyo ku biiraya dagaalada Muqdisho

14. Maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Siyaasiyiin, Ganacsato iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda Beesha Mudulood ayaa shir ay ku yeesheen degmada Kaaraan waxay ku go’aansadeen in ay si cad ugu biiraan maliishiyooyin ka tirsan beeshaasi dagaalada maalmahan ka socday Muqdisho kuwaasi oo soo gaaray deegaano aan horay looga baran rabshado.

 

Maliishiyooyin saacadihii u danbeeyay soo galay Muqdisho oo ka yimid baadiyaha iyo kuwo taageersan Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow iyo Salaad Cali Jeelle ayaa si rasmi ah jiida hore ee dagaalada ka socdaan goordhow galay si ay difaac u noqdaan deegaanada ay Maliishiyooyinka Al-Shabaab doonayaan in ay soo galaan.

 

Ganacsatada beesha Mudulood ayaa iyaguna hubkoodii dibada soo dhigay, kuwaasi oo ku biiray dagaalada, waxaana degmooyinka Shibis, Kaaraan iyo Yaaqshiid laga dareemayaa hub aruursi aan horay looga arag deegaanadaasi.

 

Dagaalka oo barqanimadii maanta u soo dhowaaday Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ayaa iminka wararku sheegayaan in uu ka yara durgay, uuna u dhaqaaqay dhinaca Afarta Jardiino iyo Siinaay markii ay maliishiyooyinkaasi ku soo biireen.

 

Xaalada ayaa iminka ka duwan sidii hore ee dagaaladu ay ku bilowdeen, waxaana socda shirar kala duwan oo waxgaradka beesha Mudulood ay ku leedahay degmada Kaaraan iyo Shibis, kuwaasi oo looga hadlayo dagaalada socda iyo sidii ay isku difaafi lahaayeen.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

muxiyaddiin@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii Hore ee G. Banadir Mahammed Dheere oo Soo Noqday

 

Xafiiska Warqabadka Muqdisho-(Allidamaal e) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoona dib ugu soo laabashada Maxamed Dheere ee Magaalada Muqdisho ay warar is khilaafsan ka soo baxayaan, xilli dagaalo ay Mucaaradka ku dhow yihiin in guud ahaan Muqdisho kula wareegaan uu ka socdo qeybo ka tirsan Magalaada.

 

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Dheere oo muddo shan bilood ka maqnaa Muqdisho tan iyo markii Ciidamada Ethiopia xabsi ku yaal Magaalada Baydhabo u taxaabeen ayaa la sheegayaa in imaanshihiisa ay ka dambeysay u yeerid ay Dowladda Federaalka u yeertay.

 

Maxamed Dheere oo ku caan ah abaabulida dagaal, ayaa ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii dalka, ee loo tirinayo inay galeen dambiyo dagaal, waxaase la ogeyn waxa xilligan ku soo beegay imaanshihiisa.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maxamed Dheere sababta loogu yeeray ay tahay inuu hogaamiyo Ciidamada Dowladda oo haatan laga itaal roonaanayo, inkastoo wararkaas aan si dhab ah loo cadeyn Karin.

 

Laakiin dad qaar oo filan waa ku noqotay soo laabashada Maxamed Dheere, maadaama isaga iyo Madaxweynaha hada xilka haaya Shariif aanay wax xiriir ah ka dhaxeyn, hadana waxaa laga yaabaa inay dani isugu keentay, waxaase arrinta aadka looga digayo ay tahay ayaa ka digaya in dagaalka uu noqdo mid waji beeleed yeesho, bacdamaa la la xusuusto in Maxamed Dheere uu qeyb ka ahaa dagaaladii sokeeye.

 

Maxamed dheere ayaa horay looga saaray Magaalada Moqdisho asgoo dadweynaha Moqdisho xiligaas u arkayay nin ceebeysan oo Cadaw ku ah, balse maanta waxeey dadwaynah Moqdisho iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintaba usoo dhaweeyen si gacal tooyo leh, ayadoo ay urkaan maanta nin xaq ku tagnaa shalay.

Ugu danbeeyntii imaanshaha Maxamed dheere waxeey dadbadan soo xusuusisay hadalkii ahaa "Bal Haday Somali caano ka lisayso in Cabdullahi isaga tago Usanna noqon nin Hortaagan Nabada Aad baan ogu farxsanahay."tasoo uu oola jeeday weey soo bexii cida nabada hortaagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this