Sign in to follow this  
General Duke

Shabbele's : TFG troops hunt courts mini warlord Xashi

Recommended Posts

The man who made threats against the NRC, is being hunted.

 

Dagaal culus oo Ciiddamadda DFKMGS iyo ilaaladda Macalin Xaashi ku dhex maray Deegaanno ka tirsan Goballadda Shabeellooyinka.

 

 

05, Aug 2007. Xassan Cali Geesey (Alqeys)

 

Ciiddamadda Dowladda Federalka iyo kooxo la sheegay inay taabacsan yihiin Golihii Maxkamadaha Islaamka ayaa waxa uu galabta dagaal xooggan ku dhex maray Deegaannadda Tajalad iyo Daniga oo ka kala tirsan Goballadda Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo iyo goobjoogayaal ku kala sugan Deegaannadda Tajalad iyo Daniga, ayaa waxay shaaciyeey inuu halkaasi ka dhacay dagaal xooggan ku dhex maray Ciiddamo ka tirsan DFKMGS iyo kooxo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha Golihii Maxkamadaha Islaamka oo aan magaciisa la shaacinin.

 

Iska-horimaadkaasi oo si xooggan ku socday, ayaa waxaa la arkayey iyadoo ay Ciiddamo ka tirsan Dowladda Federalka ay ku sii siqayaan Deegaannadaasi oo ay ku sugnaayeen Ilaalo aad u hubeysan oo taabacsan Golihii Maxkamadaha.

 

Goobjooge codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay inay ugu yaraan shan qof ku geeriyoodeen dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus, iyado odayaanka Madaafiicda laga maqlayey qeybo ka tirsan Deegaanka Basra iyo deegaanno kale,

 

Warar aan la xaqiijinin, ayaa waxay ishaarayaan inay halkaasi ku hardameen Ciiddamo ka tirsan kuwa DFKMGS iyo ilaaladda Macallim Xaashi Macallim Faarax oo isagu ka mid ahaan jirey Golihii Maxkamadaha Islaamka ee loo itaal-sheegtay,.

 

Dhinaca kale, Warar la isla dhex marayo, ayaa waxay tilmaamayann inay Ciiddamadda Dowladda Federalka gacanta ku soo dhigeen dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin Ilaaladda Mas’uulkaasi.

 

Mar aan isku daynay inaan xiriir la samayno Taliyayaasha hoggaaminayey Hawlgalkaasi, waxay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan inay xubno ka tirsan Kooxaha Mukhaawamadda ku soo qabteen ama ku dileen hawlgalka ka kala dhacay Deegaannadda Tajalad iyo Daniga oo ku yaalla sohdinta ay Goballadda Sh/hoose iyo Sh/dhexe wadaagaan.

 

 

Xassan Cali Geesey (Alqeys)

alqeys34@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Xooga Dalka Somalia oo Maanta mar kale Weerar ku qaaday G/Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose oo ay wali ku dhuumaaleysanayaan Kooxihi Argagaxisada ee uu hogaaminayey Macalin Xaashi

 

Wararka laga helayo Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee G/Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe ayaa sheegaya

 

Wararka laga helayo Degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee G/Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe ayaa sheegaya in la arkay Ciidamo lixaad leh oo ah kuwa Xooga Dalka kuwaa oo Wata Gawaarida Ciidamada xanbaara iyo kuwa Gaashaaman.

 

Ciidamadaan ayaa waxaa ay ka galeen Goobaha ay weerareen ilaa sadex jiho , waxaana hogaaminaya Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga .

 

Dadka Deegaanka ayaa waxa ay ku waramayaan in ay arkayeen ilaa xalay Maxaabiis laga soo qabanayo keeymaha labada gobolee dariska ah , waxaana warar ay sheegayaan in Maxaabiistaa ay yihiin kuwa ka mid aha aragagaxiso Caalami ah oo halkaa ku jiray kuna ilaalianyey Macalin Xaashi oo ka mid ahaan jiray Hogaamiayayaasha Maxkamadahii beelaha Midoobay

 

Hawlgalkii shalay ay Ciidamada Xooga ku burburiyeen Xoogaga Shisheeye ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay dhawr qof oo argagaxisada ka tirsan

 

G/Sh/Hoose ayaa la aaminsanyahay in ay ku jiraan xoogag ka tirsan Maxaakimtii baaba’ay oo halkaa ku dhuumaaleysanaya

 

Tan iyo markii la jabiyey Kooxaha Argagaxisada ayaa waxa ay ku sii yaacayen habqankooda gobolada Somalia qaarkood

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this