Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Press Conferece by Sh. Sharif

Recommended Posts

Madaxwene Shiikh Shariif ayaa dalbaday in dalka Soomaaliya laga difaaco Cadaw uu sheegay in ay dalka Soomaaliya ku soo duuleen.

 

Kadib shir jaraa’id oo uu maanta Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Shiikh Shariif ku qabtay xarunta Madxtooyada ee Vila Somalia ayaa waxaa uu beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowlada ka difaacaan waxa uu ugu yeeray Ajaaniib ku soo duushay dalka Soomaaliya oo sida uu tilmaamay ka barbar dagaalameeysa kooxo uu ku sheegay wax ma garato Soomaali ah.

 

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa waxaa uu sidoo kale shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Kooxaha Ajaanibta ay dalka Soomaaliya ka doonayaan sida uu sheegay in ay ka dhigaan Afghanistan iyo Ciraq oo kale.

 

Sidoo kale Shiikh Shariif waxaa uu shirkiisa jaraa’id uu ku soo dhaweeyay Dedaalo uu ku tilmaamay dib u xureyn oo ka socda gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Shiikh Shariif Axmed ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkii dhawaan wadamada IGAD ay ku soo gabagabeeyeen magaalada Addis Ababa ay ka soo bexeen go’aamo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed kuwaasi oo ay ka mid yihiin in cuna qabateeyn lagu soo rogo garoomada ay ka soo dejiyaan hubka iyo ajaanibta ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya iyo in la taageero dowalada kmg Soomaaliya.

 

Hadalka madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku soo aadaya xili xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg ay sheegeen in ay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ka qeyb qaadanayaan Walaalo Muslimiin ah oo aan lagu tilmaami Karin Ajaaniib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

what does dhaxal gal mean?

 

(ps. I see that he failed to mention the rentry of Xabashis into Somalia and the bombardement of Amnisom negroes from his compound. Foreign invasion, eh? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Earth to Abu whitey, Earth to Abu Whitey, adiga markaad walaalahaaga AMISOM ugu weceyso N**** maxa isku moodaay inaad caucasian tahaY?

 

Remember, adiga iyo AMISOM troops waxaa tihiin adoonkii illaahay. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this