Sign in to follow this  
General Duke

Xasan Dahir organises an army for what ?

Recommended Posts

Sh. Xasan Daahir Oo Kala Dooranaya Tiknikada Sh. Indhacade Iyo Maleeshiyaadka Dr. Cumar Iimaan.

 

04 May, 2009 12:04:00 wadanka2008

Font size:

 

Muqdisho,06-May-2009 :-Kadib markii beesha ********** gabi ahaanba ay diideen inay la dagaal galaan Sh. Xasan Daahir Aweys ayuu Shiikhu u jeestay inuu raadiyo taageerada beelaha kale ee ******, waxana si diiran usoo dhaweeyay beelaha , ******** iyo . Taageerada beelahan ayaa waxa keenay Dr. Cumar Iimaan oo hada ah gudoomiyaha Xisbul Islaam garabka Asmara. Maleeshiyaadka beelahan oo lagu qiyaasay 1500 ayaa ilaa iyo hada u diyaarsan dagaalka Sh. Xasan Daahir, waxaase soo ifbaxaya warar sheegaya heshiis hoose oo dhex maray Sh. Xasan Daahir iyo Sh. Yusuf Indhaca oo hada gacanta ku haya gawaari dagaal oo tiradooda lagu qiyaasay 30-45 gaari oo qoryo ay saaran yihiin.

 

Sh. Yusuf Indhacade iyo waliba Sh. Xasan Turki ayaa usoo jeediyay Sh. Xasan Daahir inuu isagu la wareego gudoomiye nimada ururka Xisbul Islaam si ay ula dagaal galaan, taladaas oo Sh. Xasan uusoo dhaweeyay, waxaase caqabad adag ay ku timid Sh. Xasan Daahir markii uu u bandhigay taladii Dr. Cumar Iimaan oo ku jawaabay in haddii xilka laga qaado ciidamada uu gacanta ku hayo ay ku kala biiri doonaan Al-Shabaab iyo Dowladda isaguna uu ka dhex bixi doono siyaasada Somaliya. Waxana Sh. Xasan Daahir hada lasoo daristay inuu kala doorto maleeshiyaadka Dr. Cumar Iimaan iyo tiknikada Sh. Yusuf Indhacade.

 

Dhanka kale, waxa kulan muhiim ah uu ku dhex maray shalay saldhiga Wardhiigley Sh. Xasan Daahir iyo wasiirka arimaha gudaha dowladda Islaamiga ah Sh. C/qadir Cali Cumar, wuxuna halkaas kusoo bandhigay Sh. C/qadir inuu ku wareejinayo Sh. Xasan jagada wasiirka arimaha gudaha haddii uu Sh. Xasan diyaar u yahay inuu kusoo biiro dowladda, si shacabka Soomaliyeed looga badbaadiyo dagaalo kale. Sh. Xasan Daahir oo ay saaxibo gaar ah yihiin Sh. C/qadir ayaa u sheegay inuu kasoo fiirsanayo yabooha uu usoo bandhigay, waxayna u muuqataa in Sh. Xasan uu ka xishooday Sh. C/qadir laakin aan laga yaabin inuu soo celiyo jawaab ah "waan aqbalay"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this