Jabhad Posted August 13, 2007 Ciidamada Itoobiya oo laga yaabo in ay ka baxaan Muqdisho August 12, 2007 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Warar si hoose ay u heshay shabakadda wararka Markacadeey.com ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ee ka howlgalaya magalada Muqdisho laga yaabo in ay ka baxaan magaalada Muqdisho waqti dhaw. Ilo xog ogaal ah oo aanu helnay ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Itoobiyaanka ay wareejinayaan amaanka guud ee caasimadda isla markaana ay tagi doonaan qaar kamid ah gobollada dalka. Waxaa wararku ay sheegayan in Ciidamada Itoobiyaanka laga yaabo in ay saldhig weyn ka furtaan gudaha magaalada Baydhabo halka ay Muqdisho ku riibi doonaan kaliya saraakiil tababar siisa ciidanka dawladda. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa aad ugu dhibaateysan magaalada Muqdisho iyadoona habeen waliba ay la kulmaan weeraro xoogan oo kaga yimaadan dhanka kooxo aan la garaneyn iyadoo taasi ay sii dheer tahay dhibaatooyin dhaqaale. Maxamed Carab Xafiiska Markacadeey Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites