Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: The Young Turks emerge

Recommended Posts

Gaalkacyo: Dhalinyaro Dooneysa in uu Isbadal Siyaasadeed ka dhaco deegaanada Puntland oo shir ku qabtey Magaalada Gaalkacyo.

6. december 2008

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay shir Magaaladaasi ku qabteen Urur dhalinyaro oo dhawaan laga hirgaliyey Puntland,ujeeda dhalinyaradan kulankooda ayaa ahaa in ay la hadlaan Maamulka iyo Waxgaradka gobalka Mudug.

 

Hoolka Shirarka ee dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lugu qabtay kulankaan, waxaana ka soo qeybgalay Maamulka gobalka, Kan degmada iyo Laamaha Amaanka.

 

Sidoo kale shirkan waxaa joogey Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, ujeedaduna waxa ahayd wacyi-galin Bulshada gobalka Mudug laga wacyi-galinayo in ay Kuraastooda baarlamaanka Puntland dadka ay udirsanayaan ay noqdaan dad isbadal weyn gaarsiin kara Puntland.

 

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo hadalo ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay in ay deegaanada Puntland ubaahan yihiin Isbadal mug weyn, ayna muhiim tahay in Isbadalkaasi laga soo bilaabo in Xildhibaanada loo dirayaa xarunta baarlamaanka ay noqdaan kuwa lugu soo xulay aqoon iyo kartinimo.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadlayay shirkan ayaa mahad celin ujeediyey dhalinyarada, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in wax la wada qabsado, wuxuuna ugu baaqay Dhalinyaradan in ay ka shaqeeyaan Amaanka iyo uqareemida danaha deegaanada Puntland.

 

Axmed Cali Salaad ayaa xusay in waqti hore loo baahnaa in la hirgaliyo Ururkan oo kale, wuxuuna ugu yeeray in ay ka taliyaan Maslaxada Umada gobalka Mudug, isagoo sheegay in looga fadhiyo in ay gaarsiiyaan Puntland oo dhan qodobada ay wadaan.

 

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Puntland C/qaadir Faarax Bootaan oo joogey halkii shirkan uu ka dhacayey, ayaa soo dhaweeyey dhismaha Ururkan wuxuuna sheegay in ay gacansiinayaan.

 

Ugu dambeyntii shirkan waxaa xiray gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Maamulka gobalka Mudug Bashiir Maxamed Mire, wuxuuna ku booriyey dhalinyaradan in ay hayaan wado wanaagsan ayna sii wadaan oo aysan xaaladan oo kaliya ku koobnaan.

 

Dhalinyarada la baxay Ururka Dhalinyarada Isbadal doonka ah ayaa ka jira dhamaanba gobalada Puntland, waxa ayna hal ku dheg ka dhigteen “ Puntland Horumar iyo Isbadal dhab ah”.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Galkacyo kaasoo ay soo qaban qaabiyeen dhalinta Gobolka Mudug.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay shir Magaaladaasi ku qabteen Urur dhalinyaro oo dhawaan laga hirgaliyey Puntland,ujeeda dhalinyaradan kulankooda ayaa ahaa in ay la hadlaan Maamulka iyo Waxgaradka gobalka Mudug.

 

 

Hoolka Shirarka ee dugsiga Sare ee Cumar Samatar ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lugu qabtay kulankaan, waxaana ka soo qeybgalay Maamulka gobalka, Kan degmada iyo Laamaha Amaanka.

 

Sidoo kale shirkan waxaa joogey Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, ujeedaduna waxa ahayd wacyi-galin Bulshada gobalka Mudug laga wacyi-galinayo in ay Kuraastooda baarlamaanka Puntland dadka ay udirsanayaan ay noqdaan dad isbadal weyn gaarsiin kara Puntland.

 

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo hadalo ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay in ay deegaanada Puntland ubaahan yihiin Isbadal mug weyn, ayna muhiim tahay in Isbadalkaasi laga soo bilaabo in Xildhibaanada loo dirayaa xarunta baarlamaanka ay noqdaan kuwa lugu soo xulay aqoon iyo kartinimo.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadlayay shirkan ayaa mahad celin ujeediyey dhalinyarada, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in wax la wada qabsado, wuxuuna ugu baaqay Dhalinyaradan in ay ka shaqeeyaan Amaanka iyo uqareemida danaha deegaanada Puntland.

 

Axmed Cali Salaad ayaa xusay in waqti hore loo baahnaa in la hirgaliyo Ururkan oo kale, wuxuuna ugu yeeray in ay ka taliyaan Maslaxada Umada gobalka Mudug, isagoo sheegay in looga fadhiyo in ay gaarsiiyaan Puntland oo dhan qodobada ay wadaan.

 

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Puntland C/qaadir Faarax Bootaan oo joogey halkii shirkan uu ka dhacayey, ayaa soo dhaweeyey dhismaha Ururkan wuxuuna sheegay in ay gacansiinayaan.

 

Ugu dambeyntii shirkan waxaa xiray gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Maamulka gobalka Mudug Bashiir Maxamed Mire, wuxuuna ku booriyey dhalinyaradan in ay hayaan wado wanaagsan ayna sii wadaan oo aysan xaaladan oo kaliya ku koobnaan.

 

Dhalinyarada la baxay Ururka Dhalinyarada Isbadal doonka ah ayaa ka jira dhamaanba gobalada Puntland, waxa ayna hal ku dheg ka dhigteen “ Puntland Horumar iyo Isbadal dhab ah”.

 

 

Xigasho Allpuntland.com

 

Ahmed Abdullaahi Aadan K.K. Dubai City

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool. Al Shabaab in Galgaduud are locals, running around in circles.

 

This is a new political movement arising in Puntland, from both within and in the diaspora for change.

 

We have thousands of young, well educated youth who want to participate in the political process.

The main aims are better adminstration, more openes, better delivery of services.

 

The Al Shabaab capture areas where they have suppport and weak, Galkacyu is neither weak nor does it support the ********* of Al Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Dood cilmiyeed kusaabsan Ahmiyada Nabada iyo Midnimada Puntland oo lagu soo gabagabeeyay

7. december 2008

 

Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Puntland (PSA) ayaa waxay soconaysay mudo 2bari ah 5-6/12/2008.

Ujeedada doodan ayaa ah in kor loo qaado dareenka aminiga iyo midnimada Puntalnd laguna waciy galiyo bulshada in ay nabada ilaaliyaan maadaama lamarayo xili kala guur ah iyo in la qeexo kaalinta ay bulshadu ku leedahay doorashada puntland ka dhacaysa iyo tilmaamaha hugaanka suuban ee ummadda hugaamin kara.

 

Dood cilmiyeedkan waxaa daadihinayay aqoonyahano soomaliyeed oo kale ah

 

Gen.Ali Ismacil waxuuna ka hadlay 10jirsiga Puntland iyo tilmaamaha hugaanka suuban

 

Dr.Mahamed Ali Farah waxuuna ka hadlay Mudnaanta Nabada iyo xasiloonida Puntland

 

Shiikh. C/xaafid Ali Yusuf kana hadlay Kaalinta ay bulshada ku leedahay doorashada.

 

Waxaana doodaan kasoo qayb galay kana qayb qaatay aqoonyahan iyo waxgarad kale oo fara badan iyagoo dhiibtay rayigooda ku aadan mawduuca dooda.

 

Aqoonayanada iyo waxgaradka ayaa si wayn bulshada uga waaniyay in ay ilaaliyaan nabada iy midnimada puntalnd qofkastana uu masuul kayahay ilaalinta nadada.

 

Doodan oo siwayn loo soo agaasimay ayaa waxay ku dhamaatay si wanaagasan iyadoo dadkii ka soo qayb galay ay aad uga hadleen xaalada adag uu dalku marayo garahaan xaalada kala guur ka ah ay Puntalnd marayso iyo khatarteeda.

 

Gabagabadii dooda ayaa waxaa ka soo baxay baaq ay si wada jir ah u soo saareen Ururka Ardayda Puntland iyo aqoonyahankii ka qaybqaatay dooda.

 

axauuna ahaan sida tan:

 

Ururka Ardayda Puntland (PSA)

 

Date: 6/12/2008

 

Baaq ka soo baxay dood cilmiyeedka

 

Ahmiyada Nabda iyo Midnimada Puntland

 

 

 

Ku: Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland

 

Ku: Murashaxiinta Jagada Madaxwaynaha ee Puntland

 

Ku: Issimada Puntland

 

Ku: Cullamaa udiinka iyo waxgaradka Puntland

 

Ku: Saxaafada Somaliyeed iyo tan caalamka

 

 

 

Ujeedo: Baaqa Ahmiyada Nabda iyo Midnimada Puntland ee xiliga kala guurka.

 

 

 

 

 

Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Puntland (PSA) soconaysayna 2beri 5-6/12/2008 kana dhacday magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo baxay baaq wada jir ah ayna soo wada saareen Ururuka Aradayda Puntlanad iyo Aqoonyahankii ka qayb qaatay dood cilmiyeedka Waxaana kasoo baxay Qodobadaan:

 

1. In Nabadu tahay halbowlaha arimaha bulshada Nabad la’aana aysan nolashu soorta galayn.

 

2. in nabada la wada dhawro cidkastana ay masuul katahay dhawrida Nabada iyo midnimada Puntland.

 

3. in dad tayo iyo aqoon leh loo soo xulo xubnaha Baarlamaanka ee matali doona Ummadda reer puntland.

 

4. In Ururada bulshada, aqoonyahanada, culumaa udiinka iyo waxgaradka ay kaalin xoog leh oo fiican ka qaataan doorashada Puntland si dhibkasta looga hortago loona doorto dad u qalma Hogaaminta Ummada.

 

5. in qabyaalada iyo caadifada laga gudbo maadaama qabyaaladu aad noo aafeesay ummadahana naga reebay.

 

6. waxaa culumaa udiinka laga codsanayaa inay soo saaraan Fatwa ku saabsan Xukumka ay diintu ka qabto gadashada Codka xildhibaanada.

 

 

 

 

 

Mahadsanidiin

 

Abdifitah Mohamed Sugulle

 

Bosaso -Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this