Jacaylbaro Posted November 29, 2009 Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in tiro ka mid ah ciidamada badda ee Puntland ay ku biireen burcad badeeda Soomaalida. Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii Badda ee Maamulka Puntland ay ku biireen Kooxaha burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya isagoo beeniyay in rabshadaha ka jira Puntland ay ka dambeeyaan dad ka soo jeeda Puntland. General Max’uud Muuse Xirse Cadde Muuse oo ah madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Puntland oo qadka taleefanka kula hadlayay qaar ka mid ah idaacadaha Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidamada Badda ee Puntland ay qeyb ka noqdeen islamarkaana ay ku biireen kooxaha burcad badeeda sida uu tilmaamay. Cadde Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay rabshadihii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalooyinka Puntland isagoona sheegay in falalkaasi ay ka dambeeyaan dad ka soo jeeda qabiilaadka dega Maamul goboleedka Puntland isagoo meesha ka saaeray wararka sheegaya in dad shisheeye ay ku lug leeyihiin. Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse waxaa uu iyana ka hadlay amaan darida ka jirta Waqooyiga iyo koofurta Magaalada Gaalkacyo waxaana uu ugu baaqay labada dhinac ee gacanta ku haya in ay wadahadlaan maadaama sida uu shegay waligood ay wadahadli jireen si dib loogu soo celiyo amaanka Gaalkacyo. Warkaani ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa imaanaya xili Maalmihii ugu dambeeyay Magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dareemayay falal lidi ku ah amaanka iyadoo qaar ka mid ah magaalooyinkaasina ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado watta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 29, 2009 Shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites