Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cade Muse Talks about Piracy

Recommended Posts

Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in tiro ka mid ah ciidamada badda ee Puntland ay ku biireen burcad badeeda Soomaalida.

 

Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii Badda ee Maamulka Puntland ay ku biireen Kooxaha burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya isagoo beeniyay in rabshadaha ka jira Puntland ay ka dambeeyaan dad ka soo jeeda Puntland.

 

General Max’uud Muuse Xirse Cadde Muuse oo ah madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Puntland oo qadka taleefanka kula hadlayay qaar ka mid ah idaacadaha Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidamada Badda ee Puntland ay qeyb ka noqdeen islamarkaana ay ku biireen kooxaha burcad badeeda sida uu tilmaamay.

 

Cadde Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay rabshadihii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalooyinka Puntland isagoona sheegay in falalkaasi ay ka dambeeyaan dad ka soo jeeda qabiilaadka dega Maamul goboleedka Puntland isagoo meesha ka saaeray wararka sheegaya in dad shisheeye ay ku lug leeyihiin.

 

Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse waxaa uu iyana ka hadlay amaan darida ka jirta Waqooyiga iyo koofurta Magaalada Gaalkacyo waxaana uu ugu baaqay labada dhinac ee gacanta ku haya in ay wadahadlaan maadaama sida uu shegay waligood ay wadahadli jireen si dib loogu soo celiyo amaanka Gaalkacyo.

 

Warkaani ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa imaanaya xili Maalmihii ugu dambeeyay Magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dareemayay falal lidi ku ah amaanka iyadoo qaar ka mid ah magaalooyinkaasina ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado watta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this